“Cabdirashiid xasan-mataan waxan odhan lahaa siyaasaddu been uma baahna, cunsuriyad iyo aflegaaddo shakhsiga bani’aadamka ah meelahaas laga yidhaahdaana wax badan tari mayso……”Axmed M. Seed.
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed, ayaa si weyn cabasho uga muujiyey caddaalad-darro uu kala kulmay xubno kamid ah xisbiga WADDANI oo uu sheegay inay xifaaleeyeen.
Axmed Muumin Seed oo la hadlay Telefishanka Star tv, ayaa cabashadiisa si gaar ah ugu ekeeyey xoghayaha warfaafinta ee xisbigiisa Cabdirashiid Xasan Mataan, kaas oo uu ku eedeeyey qabyaalad iyo cunsuriyad, “Cabdirashiid xasan Mataan waxan odhan lahaa siyaasaddu laba arrimood midna uma baahna, horto been uma baahna iyo in been lagu ololeeyo, cunsuriyad iyo aflegaaddo shakhsiga bani’aadamka ah meelahaas laga yidhaahdaana wax badan tari mayso, haddii aad Maxamed u tanaasushayna aad baan kuugu hambalyeynayaa.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Mudane Seed oo hadalkiisa sii wata, ayaa Cabdirashiid Xasan Mataan si weyn u hogo tusaaleeyey inaanu loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo Eng. Maxamed Cali ahayn wax cid gaar ah lagu colaadiyo, waxana uu yidhi,“aniga iyo Maxamed waxanu nahay laba nin oo walaalo ah, waxanu nahay laba nin oo isku gobol kasoo wada jeeda oo siyaasadda aad ugu loollamaya guushuna kii ilaahay u qoray ay raaci doonto, laakiin waxa qurux badan innaad waxyaabaha aad meelahaas ka leedahay aad yaraysato oo aad karaamadaada iyo sharaftaada ilaashato.”
Waxa uu meesha ka saaray warar soo baxayey oo sheegayey inuu guddoomiye Cirro olole gaar ah ug jiro sidii uu kursiga madaxweyne-ku-xigeenka ugu soo bixi lahaa murrashax Eng. Maxamed Cali,“marka la leeyahay Cabdiraxmaan Cirro cid buu dhabarka taabtay waa been, Cabdiraxmaanna waa guddoomiyihii Xisbiga, anna ku-xigeenkiisii baan ahay, cid dhabarka la taabtayna ma jirtee six or ah baa loo tartamayaa, aniga iyo Maxamed Cali ayaana tartamayna.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Axmed Muumin Seed waxa uu carrabka ku ballaadhiyey tacab badan oo uu geliyey xisbiga WADDANI, kaas oo uu xusay inuu filayo inuu maanta helo, waxana uu yidhi,“waxan ahay ninkii ugu horreeyey ee calanka xisbiga WADDANI Boroma geeyey, waxaas oo dhammina waa tacab iyo midho aan filayo inaan maanta goosto, kalsoonina waxan ku qabaa in tacabkii, dedaalkii iyo wakhtigii aan xisbiga WADDANI geeyey aanay meel cidla ah igaga dhici doonin.”