Axmed Muxumed Madar Oo Sheegay In Kulankii Madaxweynuhu La Yeeshay Hay’adaha Baadhista Iyo Daba-galku Uu Qayb-ka-yahay Sababta Uu Isu Casilay

0
43

“Maanta Oo  Aynu Ka War Hayno Halka Ay Aafada Maamul Xumo Iyo Musuq Marayso  In   La Yidhaahdo Wixii 7 Sanno Lagu Qaban Waayay 6 Bilood Ha Lagu Bilaabo Waa  Ta  Ujeeddada Laga Leeyahay Aan Fahmi Waayay Ee Aad Iiga Sii Wareerisay”

“In Badan Baan Ka Gaws Adaygay [Is-Casillaada] Laakiin Haatan Waxay Soo Gaadhay Heer Aan U Dul Qaadan Kari Waayay In Aan Hawshaas Ku Sii Magacawnaado”

vlcsnap-2017-05-05-23h14m08s121

Hargeysa (Hubaal):- Guddoomiyihii Hay’adda Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland Axmed Muxumed Madar, ayaa Caawa shaaca ka qaaday in uu xilkaas iska casilay, ka dib markii sida uu sheegay ay u caddaatay inaan diyaar loo ahayn hawsha uu ku magacawnaa, isla markaana Xukuumadda iyo Baarlamaanku rabin in wax laga qabto Musuqmaasuqa xadhkaha goostay ee Somaliland ka jira wakhtigan.  Axmed Muxumed Madar oo xilli dembe oo  habeenkii Jimcuhu soo gelayay  ahayd Shir Jaraa’id Warbaahinta qaarkeed ugu qabtay Guriga uu ka deggan yahay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in uu u dul-qaadan kari waayey waxa socda iyo sida aan diyaarka loogu ahayn hirgelinta Shuruucda iyo hawlaha lagula dagaallamayo Musuqmaasuqa, laguna horumarin karo ama abuuri karo Maamul-wanaagga. Waxa is-casilaadda Guddoomiyihii Hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa ku soo beegantay maalmo ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu toddoba sano ka hor xilka qabtay Hay’addan magacaabay, uu toddobaadkii hore kulan la yeeshay Xubno ka socday Hay’adaha la-dagallanka Musuqa, Hanti-dhawraha guud ee Qaranka iyo Xeer-ilaalinta guud, kuwaas oo uu ku amray muddada lagu guda-jiro xilliga kala-guurka ah ee doorashada la isu diyaarinayo inaanay dhicin musuqmaasuq iyo xatooyo Hanti Qaran, isla markaana toddobaad kasta Warbixin ka soo siiyaan Madaxweyne ahaan halka xaaladdu marayso muddada uu xilka wareejin doono inta laga gaadhayo. Balse Axmed Muxumed Madar kama qaybgelin shirkaas. Mar uu Axmed Muxumed Madar ka hadlayey sababta uu uga qaybgeli waayey Shirkaas, waxa uu sheegay in 30 daqiiqo ka hor xilliga kulanku bilaabmay loo sheegay in Madaxweynuhu kulankaas isugu yeedhay oo Madaxtooyada uu ku sugayo, taasina aanay ahayn nidaamka dawladnimo, isaguna wakhtigaas hawlo kale uu lahaa oo aanu ka qaybgelin shirkaas, balse afar xubnood oo Hay’adda ka tirsani ka qaybgaleen. Ugu horeyn mar uu ka jawaabayay Axmed Muxumed Madar su’aal ay weriyeyaashu ka weydiiyeen warar suuqa ku jiray  intii aanu xaqiijin is casilaadiisa ka hor oos heegayay in uu istiqaallada xilka guddoomiyenimada komishankaasi dhiibayo waxaa uu ku jawaabay “ haddii aad ka jawaabo su’aashaas aad I weydiisay,haa xilkaas waan iska casilay”. Sidaa ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo sababaynaya xilka tegistiisa  “sababta aan iskaga casilay waxa weeye muddo haatan laga joogo 7 sanno ayaan xilkaas hayay,illaa waqtigaas illaa immika hawlgallo ayaanu ku jirnay, runtiina waxaanu hore u dareensanayn in hay’addan iyada ah magacawgeeda wixii ka dembeeyey aan diyaar loo ahayn hawlgalkeeda hadday xukuumad tahay iyo hadday sharci dejin tahayba iyo rabitaan la’aan siyaasadeedoo in badan meesha nooga muuqatay taasi oo aanu is lahayn wax baa laga qaban doonaa  ama waxbaa is bedeli doona,  arrimahaas ayaa kamid ah in xilligan oo arrimuhuna gebogabo yihiin aan is casilo, markaa in badan baan ka gaws adaygayay laakiin waxaa ay soo gaadhay haatan heer aan u dul qaadan kari waayay in aan hawshaas ku sii magacawnaado”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha xilka ka degey ee komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqu. Geesta kale waxaa uu ka hadlay kulankii uu madaxweynuhu dhawaan la yeedhay xubno ka tirsan hay’addiisa iyo xafiiska hantidhawrkaqaranka, waxaana mar uu Mr.Madar ka hadlayay amuurtaasi uu yidhi “ runtii ta [kulanka]aad iiga sii wareerisay weeye ee aan fahmi waayay ujeedada laga leeyahay,w aayo toddoba sannadood waqti ku dhaw ayaa laga joogaa intii ay hawshani jirtay, hawlgallo aanu galnay oo aanu u gudbinay ciddii ay khusaynaysay ooaan waxba laga qaban baa yaallay, maanta oo arrintu gebogabo tahay oo aynu ka war hayno halka ay marayso maanta aafada maamul xumo iyo musuq ee dalka ka jirtaa in haddana la yidhaahdo wixii toddoba sanno lagu qaban waayay lix bilood ha lagu bilaabo ujeedada laga leeyahay baan garan waayay anigu,ta maanta iga wareerisay ee igu kelliftay inaan tallaabadan [iscasilaada] qaadaa ka mid bay tahay”.  Mar la weydiiyey in aanu isagu ka guddoomiye ahaan ka qayb galin kulanka uu madaxweynuhu la qaatay xubnaha hanti dhawrka iyo la dagaalanka musuqa sababta uu uga maqnaa waxa ay tahay waxaa uu yidhi “aniga uun baan ka qayb galin ee komishanneerrada kale  oo afar ahaa way ka qayb galeen , waxa aan uga qayb gali waayayna waxa weeye waqtigii ku habboonaa ayaan aniga la ii soo sheegin oo nusasaac markii ay kulanka ka hadhsan tahay baa la ii soo sheegay oo la yidhi halkan [madaxtooyada] ayaa lagaa rabaa taasna waan qaadan waayay oo hawlo kale ayaanlahaa oo aan ku jiray”. Ayuu yidhi Axmed Muxumed Madar

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here