Axsaabta Mucaaridka Ah Oo Cabasho Ka Muujiyey Dabin-ka-boodka Ay Komishanka Doorashooyinku Kaga Sanqadh Tiranayaan Is-Mari-waaga Siyaasadeed Ee Dalka Ka Aloosan

0
43

“Komishankani Way Aamunsan Yihiin Uun, Dhaliilaha Aanu Ku Duraynaana Waxa Weeye……”

Hargeysa:(Hubaal)-iyadoo la gudo galay labadii toddobaad ee ugu dambeeyey muddo-xileedka sharciga ah ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla-markaana aanay Komishanka Doorashooyinku wax war ah kasoo saarin Muranka sharci eek a taagan muddo-kordhin ay Guurtidu dhawaan u samaysay xukuumadda, ayuu Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani cod dheer ku sheegay inaan loosii dulqaadan Karin Dhaqanka Komishanka qaranku ku jiro. Mustafe Qodax oo ah xubin sare oo Xisbiga Waddani katirsan, saxaafaddana kula Hadlay xarunta Xisbiga waddani, ayaa sheegay in xisbi ahaan ay walaac iyo warwar dheeri ah ka qabaan Dhaqanka Komishanku ku waajahay xaaladda Taagan, isla-markaana ay aaminsan yihiin in la gaadhay xilligii komishanku bulshada la hadli lahaayeen.  Mustafe Qodax waxa uu sheegay in komishanka qaranka ay hawlo badani hor yaallaan, shacabkuna ka sugayo inay sharraxaad dheeri ah ka bixiyaan caqabadaha ilaa iyo haatan hortaagan ee u diidan inay shaqadooda qabsadaan. Mudane Qodax, ayaa ku dooday in guurtida Somaliland kaalin firfircoon oo bara dhaafisay Komishanka doorashada ku yeesheen arrimaha doorashada iyo cayimaada wakhtigooda.  kom muc“Caqliyadda laga rabo Komishanka ee aanu anaguna ka doonaynaa waxa weeye in Komishanku ku xisaabtamo inay yihiin hay’addii doorashooyinka qaranka ee dalkan doorashooyin ka qaban lahayd, cid cayimaadeeda ka lihina ma jirto, waxa weeye inay umadda oo aan wax badan ka ogayn  u bayaamiyaan god-daloolooyinka sharci ee jira,”.   Mustafe Qodax waxa uu sheegay in Guurtidu kaalin ka firfircoon Komishanka ka ciyaarayso arrimaha doorashada sidaas darteedna loo baahan yahay komishanku bayaamiyo cidda caqabada ku ah doorashada. “Komishanka doorashooyinka qaranka, waanu ognahay inaanay ciidan haysan oo aanay fulintii awood u lahayn,waxaase laga filayay inay sheegaan waxyaabaha caqabada ku ah ee ay doorashooyinkii u qaban kari layihiin, ma xisbiyada Mucaaradkaa caqabada wada?, ma xukumaddaa wada?, ma guurtida ayaa wada?, waxay ahayd inay caddeeyaan oo bulshada u caddeeyaan ilayn afhayeen bay leeyihiine” ayuu yidhi Mr Qodax.  Waxa uu intaasi raaciyay mudane  Qodax “Komishankan dhaliilaha aanu ku durayno ee aanu u sheegaynaa waxa weeye way aamusan yihiin uma bayaaminayaan dadka waxa jira, waxaa hadda soo baxaysa in diwaangalintii Madaxweynuhu digreetada ku meel mariyay aanay xilligeedii qabsoomahayn, dee waxaa laga filayay inay dadka u caddeeyaan waxay diwaangalintu dib ugu dhacayso, waa inay dadka u caddeeyaan waxa shaqadoodii hor taagan ee caqabada ku ah”. Qodax waxa uu Komishanka u diray farriin ku taxaluqda in xilligan samirkii gegbogebo ku dhawyahay, waxana uu yidhi,“Komishanka Doorashooyinka wali maanan lumin kalsoonidooda oo wali waanu la sii shaqaynaynaa oo waanu ku kalsoonnahay laakiin erayadaas iyo hadaladaas aanu wax ku yara iftiiminaynaa waxa weeye inay iftiimiyaan oo hagaajiyaan meelaha aanu wax ka tabanayno hadaanu mucaaradka nahay laakiin, ha ogaadaan samirku wuu nagu sii yaraanayaa”.  Hadalka Masuulkan xisbiga Waddani ka tirsan ayaa imanaya iyadoo ay jirto hadal hayn ku saabsan in Komishanka doorashada ay caqabad ku tahay wakhtiga doorashada oo aan cayinayn sidaas darteedna aanay wali dejin jadwalkooda shaqo. Waxaa la sheegayaa in dib u dhac ku iman doono diiwaangalinta codbixiyeyaasha oo dhammaadka Ramadaan bilaaban lahayd.  Komishanka Doorashooyinka qaranka, ayaa tan iyo intii la doortay waxa ay saxaafadda si madax bannaan ula hadleen hal mar oo kali ah, waxana ay aamusan yihiin xilli muddo-xileedkii madaxweynuhu gebogebo ku dhaw dahay, isla-markaana aan la haynin muddo-kordhin ay axsaabta qaranku isku wada raacsan yihiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here