Guddoomiyaha SOLJA Oo Xisbiga WADDANI U Soo Jeediyey Inuu Warbaahin Gaar Ah Samaysto
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiiyinta Somaliland Ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa Axsaabta Mucaaridka ah ku dhiirigeliyey In ay Samaystaan hay’ado warbaahinnood oo iyaga u gaar ah, si ay ugu madax banaannaadaan baahinta wararkooda iyo farriimmaha ay taageerayaashooda u gudbinayaan.
Maxamuud Cabdi Jaamac [Xuuto] Oo Habeen hore hadal ka jeediyey munaasibad ay taageerayaasha xisbiga WADDANI ku qabsadeen Hotelka Maansoor, taasi oo ay ku xusayeen maalinta qaranimda Somaliland ee 18 MAY, Waxa uu sheegay in ay SOLJA Ahaan diyaar u yihiin inay axsaabta xidhiidh fiican ka yeeshaan arrimaha warbaahinta. Haddaba HUBAAL Media oo heshay qaybo kamid ah Khudbadda Guddoomiye Xuuto Waxa ay u dhignayd sidan: “Runtii waxan ku hadlayaa magaca ururka SOLJA oo suxufiyiinta Somaliland ah iyo magaca ururada bulshada rayidka ah oo runtii halkan uu agaasimahoodu iigu soo wakiishay,isla markaana uu xubin ka yahay ururka SOLJA, farriinta aan halkan ka gudbinayaa waxa weeyi, maadaama oo ay tahay maalin qaran, waxay ila noqotay maadaama oo shalay ururku (SOLJA) uu kaalin mug leh ka qaatay maalintii qaran,in caawana xisbiga Waddani martiqaadka uu igu soo martiqaaday munaasibadan aan kala soo qaybgalo maadaama saxaafadda Somaliland ay dhex u tahay saddexda xisbi iyo xukuumaddaba. Runtii ururka SOLJA muddadii koobnayd ee aan joogay,waxaanu wax ka qabanay cabashooyin badan oo dhinaca saxaafadda, bulshada iyo asxaabta iyo xukuumadduba uga soo gudbisay,waxbadan wax baanu ka qabanay runtii waxaan halkan ka sheegayaa xisbiga Waddani uu guddoomiyaha u yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi inaan halkan caawa uga sheego warkii saxaafaddu dhawaan ka qortay ee kusoo baxay warbaahinta Somaliland qaarkood oo runtii aanu ka filaynay inuu nagala soo xidhiidho oo runtii ururka SOLJA noo soo gudbiyo oo aan nasoo gaadhin inaanu SOLJA ahaan ku qanacnay warkaasi inuu ahaa war been abuur ah oo aan saxaafadda Somaliland ku haboonayn,waxaan guddoomiyaha golaha wakiillada iyo xisbigiisaba ka codsanayaa,wixii cabasho ah ee xaga saxaafadda ka yimaada SOLJA ahaan inay soo gaadhsiiyaan si aanu wax uga qabano waayo diyaar uma nihin ururka SOLJA ama saxaafadda Somaliland suusho ama warar been abuur ah iskaga tabiso asxaabta qaranka oo dhex noo ah”.
“anigoo munaasibadan uga faa’iideysanaya asxaabta qaranka, xeerarka dalka gaar ahaan xeerka 14 ee ururada iyo asxaabta, wuxuu u banneeyay in ay warbaahin ay gaar u leeyihiin furan karaan,sidaas daraadeed waxaanu ka codsanaynaa haddii ay biyo hoostood iska hirdiyayaan inay u samaystaan warbaahin ay gaar u leeyihiin oo aanay bahda saxaafadda ee Somaliland kula soo gal-galan been abuur iyo wararka qaldan ee ay baahinayaan”. “ururada bulshada rayidka ah oon afkooda ku hadlayo waxay kasoo saareen maalmahan u dambeeyay xaaladii siyaasadeed ee taagnayd baaqyo ku wajahan sidii loogu dhamayn lahaa wadahadal iyo isu tanaasul sidii ay Somaliland kusoo caanamaashay,bahda bulshada rayidku waxay halkan caawa xisbiga Waddani iyo asxaabta qaranka iyo xukuumaddaba ugu baaqaysaa maadaama oo loo ballamay wadahadal inaanu arrintaa soo dhaweynayno kuna garab taaganahay dhexdhexaadnimo”