“Ayaan Darrada Jirta, Waxa Weeye Xukuumadda Siilaanyo Ma’ Jiraan Wax Qorshe Siyaasadeed Ah oo Uga Yaala Goobaha Dalxiiska Somaliland.”

0
30

Hargeysa(Hubaal):-Xoghayaha dalxiiska ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Mubaarik Cabdi Xasan, ayaa si adag uga hadlay daryeel la’aanta goobaha dalxiiska Somaliland, waxaana uu sheegay in ay ayaan darro tahay in xukuumadda Siilaanyo aanay haba yaraatee lahayn wax qorshe siyaasadeed ah oo uga yaala sidii loo shaqeyn lahaa qurxinta iyo illaalinta goobaha dalxiiska Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in taa bedalkeeda ay xukuumadda Siilaanyo ku mashquulsan tahay waxyaabo iyada dan gaar ah u ah sida muddo kordhinta, iibinta hantida dadweynaha iyo sida oo kale kala qoqobka dadka walaalaha ah ee wada dega Somaliland.

mubbb

Md.Mubaarik Cabdi Xasan, ayaa sidan ku sheegay mar uu maanta la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu sida oo kale tilmaamay in dalxiisku yahay waxyaabaha ay wadamada aduunku ku kala horumareen sida oo kale uu ka soo galo dhaqaale aad u badan,

“Ayaan darrada jirta, waxa weeye xukuumadda Siilaanyo, ma jiraan wax qorshe siyaasadeed ah oo uga yaala goobaha dalxiiska Somaliland, wax Allaale waxa ay ka qabatayna ma jiraan muddadii ay xika haysay, goobaha dalxiisku waa meelo aad u muhiim sida oo kalena ay wadamadu ku kala horumareen, waa meelahii inta la maal galiyo deedna dadkeena qurba joogta ah iyo dunida kaleba lagu jeclaysiin lahaa dalka sidii ay ugu soo dalxiisi lahaayeen mar walba, si dakhli dhaqaale oo badan uu qaranka uga soo galo, waxaan cad intaasna aanay hada xukuumadda Siilaanyo diyaar u ahayn in daryeesho goobaha dalxiiska halka ay mar walba kaga mashquulsan tahay oo qudha wax iyada dan gaar ah u ah sida muddo kordhin ay dhaqaalahii dalka ku faraqday, iibinta meelaha muhiimka ah ee dhulalka danta guud, xukuumaddu qorshe xumada waxaa kale oo ay kaga dartay waa iyada oo aan ogeyn inta goobeed ee dalxiis ee dhulkeena Somaliland uu leeyahay halka ay ku foogan tahay kor u qaadida qabyaalada iyo sida oo kale kala qoqobka bulshooyinka walaalaha ah ee dalka degan.”.Ayuu yidhi Md.Mubaarik Cabdi Xasan.

Xoghayaha dalxiiska xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Mubaarik Cabdi Xasan oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa xukuumadda u soo jeediyey in ay la timaado qorshe cad oo ay dib ugu horumarinayso goobaha dalxiiska Somaliland si ay dhaqaale aad u badan uu wadanka uga soo galo dalxiisayaasha uga immanaaya dalka dibaddiisa.

“Xukuumadu waa in ay la timaada qorshe cuddoon oo ay ku horumarinayso goobaha dalxiiska ee dalka Somaliland sida buurta Daallo, Gacanlibaax, Laasgeel iyo meelo kale oo aad u fara badan oo aan la soo koobi karin oo dhulkeena hodanka ah ku yaala.”.Ayuu yidhi Md.Mubaarik Cabdi Xasan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here