Ayax Ku Habsaday Dhul Roob Kal Hore Da’ay uu Waxoogaa Calaf Ah Kaga Tegey Iyo Wasiirka Beeraha Oo Kormeeray

0
77

“Haddii Aynaan Qaban Ayaxaasi Intuu Gurguuranayo Waxa Uu Inala Gaadhi Doonaa Xilli Uu Aafeeyo Inaga Iyo Dhulka Kaleba”

AYAX

Hargeysa ( Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr.  Maxamed Awdaahir Ibraahin ayaa safar Kormeer ku tegey dhul beereedyo  uu ka dilaacay ayax  faro baas ku haya degsiimooyinka beeraha ee degmooyinka Bullaxaar iyo Lughaya. Deegaannadan oo kamid ah meellaha ay u soo hayaameen dadka ay abaaruhu barko kiciyeen halkaas oo dhul daaqsimeed baadku ku sii yaallo ah ayaa Wasiir Maxamed Aw Daahir waxaa uu ugu kuur galay xaallada deegaannada iyo sidii ay u qorsheyn lahaayeen karantiimeynta ayaxan.

 Ayaxan ayaa si gaar ah ugu habsaday dhul beereed uu kal hore roob yari ku da’ay  halkaas oo waxoogaa manfac ah ka soo saaray, ayaa dadka deegaanku sheegeen in waxoogaa calaf ah oo dhul daaqsimeedkaas ku yaallay oo xooluhu cuni lahaayeen uu ayaxani leefay.WASAARADDA BEERAHA

Wasiirka Beeraha Maxamed Aw Daahir oo kormeerkan ka war bixiyey waxaa uu sheegay in ay wasaarad ahaan khubaro u dirayaan soo dersa sidii loo dabar jari lahaa ayaxa  “Ujeedada kormeerku  waxay la xidhiidhaa sidii aanu ugu kuur gali shaqadu siday u socoto iyo baaxad ayaxu leeg yahay intii aanaan galin bulo xaar waxaa ayaxu buuxay meel sadex kiiloo mitir u jirta galbeedka Bullo xaar.

Dhanka kale isagoo wasiirku la dardaarmaaya shaqaalaha ku hawlan ayaxa wuxuu yidhi  “runtii shaqad aad haysaan waa shaqo aad iyo aad u adag dhibaato badan ay leedahay mushkilad ugu weyni waa ayax oo aad iyo aad u baaxad weyn  isle markaana  baadi doon keeda iyo dab socod keenu uu adag yahay bacaadka ,buuraha sintood iyo suuro galan aytahay in meelkasta lag helo. Runtii waxaa dhibaato kale ah in dadkii ay daan gacan ka helay iyagoo ka shakisan waxan aad ku buufinaysaan oo ay is leeyihiin xoolaha ama dadkaa wax idinkagag noqon doona ,waxaan u sheegayaa bulshad in suntan lagu buu finaayo ayaxa ay tahay mid aan dhibaato u geysanaynin dadk,deegan ,iyo dhirta iyo daaqa midna waan sun loogu talo galay inay yax hawad ka xidho , waxaana haboon hadii aad tihiin khubaradii wasaarad eek u hulanayd buufintiisa inaad bulshada ku wacyi galisaan inaanay dhibaato lahayn oo xataa Koran korad ama arax aan markaab dilaynin balse 7 dobaad ka dib  markay hawadu ka xidhan to uu ku dhimaayo  idinkii aad gacmihii lagalaysaan oo aad hadan wax ku cunaysaan. Bulshadu waxay hore u arki jireen sumo aad u xun oo markaa dadka aan wax ka buufinaysaan halayaabin intay la qabsanayaan waxaan ogsoonahay  kulayilka meesha ka jira iyo shaqad aad haysaan culayskeeda oo dhabarka uu idiin saran yahay mishiin is taadhan oo dhago hiina iyo dhabarkiinab u fiicnayn hayeeshee qaranka ayaad masuuliyad u qaadeen waa inaad sided ugu soo baxadaan. “Haddii aynaan qaban ayaxaasi intuu gurguuranayo waxa uu inala gaadhi doonaa xilli uu aafeeyo inaga iyo dhulka kaleba” ayuu wasiirku yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here