Maamulka Dugsiyada Azhar Oo Sagootiyey Dufcadii Koowaad Oo Ka Kooban 8 Arday Oo Ka Gudbay Imtixaankii Fasalada 8aad, 62 Arday Oo Dhamaystay Qur’aanka Kariimka Ahna Shahaadooyin Gudoonsiiyay
Hargeysa (Hubaal) Dugsiyada Azhar ayaa xaflad balaadhan u sameeyay dufcadii koowaad oo ka kooban Sideed arday oo ka qalinjabisay ama ka gudubtay imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada Sideedaad ee sanad-dugsiyeedka 2016-2017, iyo 62 arday oo dhamaystay qur’aanka kariimka. Munaasibad oo ay kasoo qaybgaleen madaxda dawladda, qaar kamid ah culimaa’udiinka, maamulka dugsiyada Azhar, macalimiin, arday, waalidiin iyo martisharaf kale ayaa lagu qabtay hotel Kaah ee magaaladda Hargeysa.
Ugu horeyn maamulaha guud ee dugsiyada Azhar Mukhtaar Muuse Xasan ayaa ka waramay taariikhda iskuulka iyo ardayda sanadkan u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga, waxaana uu ku bilaabay’ “marka hore waxaan halkan ka salaamayaa madaxda wasaaradda waxbarashada, waalidiinta, ardayda iyo ardayda iyo macalimiinta kasoo qaybgalay xafladan. Munaasibadan waxaynu ku sagootinaynaa ardayda kasoo gudubtay ama ka qalinjabisay fasalada 8aad ee Azhar schools oo ay u fadhiisteen sideed arday imtixaankii shahaadiga ahaa ee qaranka, ardaydaasi oo si fiican uga gudubtay imtixaankii shahaadiga ahaa ee qaranka, derejooyin fiicannu ugu gudbay fasalada 1aad ee dugsiga sare. Sidoo kale munaasibadan waxaanu shahaadooyin ku gudoonsiinaynaa 62 arday oo dhamaystay qur’aanka kariimka ah, oo runtii ah wax aad loogu farxo. Arday oo isugu jira kuwo dhamaystay Sodonka jis ee qur’aanka, qolo dhamaysay 20 jis iyo qolo dhamaysay 15 jis. Ardaydaas laba iyo lixdanka ah runtii waa wax aad loogu faano inay dhamaystaan qur’aanka kariimka ah, isla markaasina ay maanta qaataan shahaado qur’aanka kariimka ah.” Ayuu yidhi maamulaha dugsiga Azhar, Mukhtaar Muuse Xasan oo sidoo kalena ka warbixiyey taariikhda dugsiga iyo maraaxilkii kala duwanaa ee uu samara, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi; “Dugsiga Azhar waxaa la aasaasay sanadkii 2007, waa uu toban jirsday maanta. Runtii muddaas ilaa maanta waxaanu usoo joognay munaasibada tan maanta aynu usoo joogno oo aanu ku sagootinayno arday ka baxday iskuulkan sida kuwan. Arday sanadkan ka gudbay imtixaankana waxa suurtogaliyay, macallimiintooda oo runtii dedaal farabadan ku bixiyey iyo waalidiinta oo runtii iyaguna qaybtooda kasoo baxay, waanan uga mahadcelinayaa, anigoo kula dardaarmaya inay halkaasi kasii wadaan dedaalkooda.
Dhinaca Agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka ah Muuse Maxamed Shire oo isna madashaasi hadalo kooban ka jeediyay ayaa ku hambalyeeyy ardaydaasi iyo sidoo kale dusgigooda oo uu tilmaamay inuu ka duwan dugsiyada kale ee dalka ka jira, “runtii waan ku hanbalyeynaya ardayda ka gudbay fasalada sideedaad ee dugsiga Azhar iyo macalimiintoodaba. Dugsiga Azhar waa dugsi yar, xaqiiqdii iskuulka ay arday koobani fasalidiisa fadhiyaan waa mid tayo ahaan ka sareeyay ka tirada badani fadhido, oo waayo, ka wasaarad ahaan annaga waxaa noo dejisan inaan fasalku ka badan 45 arday, oo tas micnaheeda wuxuu yahay, 45-ka aqiiqo ee xiisadu ka kooban tahay arday kasta hal daqiiqo oo macallinku wax ku weydiiyo ayuu leeyahay, waana sida saxda ah, laakiin fasalka ay fadhiyaan boqol arday, macallinkaasi waxba udhigi maayo ardayda. Waana taas halka uu dugsigani kaga duwan yahay. Sideed arday baa u fadhiistay imtixaankii fasalada sideedaad, runtii sideeduba waxay ku gudbeen maarkis wacan, oo arday kamuu dhicin dugsigan Azhar.” Ayuu yidhi Agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka ah Muuse Maxamed Shire
Gabogabadii waxa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ardaydii dhamaystay qur’aanka kariimka ah, iyadoo dhinaca kalena ardaydu macallimiintooda ku maamuusay shahaado sharaf ay usoo diyaariyeen, sidii wacnayd ee ay macalimiintoodu ula soo dadaaleen.
DAAWO SAWIRRADA