Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Oo Bangiga Adduunka Ka Guddoomiyey Baabuurtan Oo Mashruuca Tiro Koobka Iyo Tayeynta Shaqaalaha Dawladdu Ku Hawl-geli Doono
Hargeysa (Hubaal) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa Xaruntooda kula wareegay 8 Gaaddiida oo uu ugu deeqay Baanka Adduunku, gaadiidkaasi oo bud dhig u noqon doona barbilawga Mashruuca Tiro Koobka , Tayeynta, Tababarka guud ahaan Shaqaalaha kala duwan ee Qaranka Somaliland oo dhawaan Hay’adda Shaqaaluhu dalka ka bilaabi doonto. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle), Madaxa Mashaariicda ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland md Cabdi Aadan Diiriye iyo Madaxda kale ee Hay’adda Shaqaalah, ayaa shalay Shir Jaraa’id oo ay si wada jira Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ee Hargeysa ay ku qabteen, waxay ku soo bandhigeen 8 Gaaddiida oo Baanka Adduunku ugu deeqay Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Gaadiidkaasi oo sida Masuuliyiintu sheegeen ka hawlgeli doona Mashruuca muhiimka ah ee dhawaan Somaliland ka bilaabmi doona ee Tiro Koobka iyo Tayeynta Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, Mashruucaasi oo ay Hay’adda World Bank ay Somaliland ka maalgelin doonto kana caawinayso. Madaxa Madaxa Mashaariicda ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland md Cabdi Aadan Diiriye oo ugu horeyn sharaxay tiradda Gaadiidka Bangiga Adduunku ku caawiyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland ee hada soo gaadhay waxa uu yidhi “Waxaan Illaahay maanta uga mahadnaqaynaa inay na soo gaadheen Gaadiidkii Mashruucan sare loogu qaadayo Shaqaalaha dawladda ee uu maalgelinaayo Baanka adduunka ee Hay’adda shaqaaluhuna ay fulinayso mashruucan, maanta gawaadhidii waynu helay oo qoladii soo Iibinaysay ayeynu ka helay Xaflad weyn ayaa la qaban doona hadii Illaahay ka dhigo goob joogna ay ka ahaan doonaan madax ka socota Hay’adda World Bank iyo madaxda mashruucan gacanta ku haysa iyo masuuliyiinta iyo Madaxda Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ee mashruucan fulinaysa”.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) oo isaguna dul istaagay Ahmiyadda Mashruucan ay bud dhiga u yihiin Gaadiidka uu Bangiga Adduunku Hay’adda Shaqaalaha soo gaadhsiiyey waxa uu yidhi “Marka hore ALLE ayaa mahad leh, maanta waa maalin guul ah oo dhamaan u farxad ah Hay’adda shaqaalaha qaranka iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaynu ku faraxsanahay in mashruucan taabagalkiisa iyo talagalkiisa iyo qorsheyntiisuba uu meel wanaagsan inoo maraayo oo maalinba wax wanaagsan iyo talaabo halkii hore ka wanaagsan aynu qaadayno, sida uu sarkaalka madaxa mashruucani xusay madashani maanta waa mahadcelin iyo la wareegida gaadidkii oo na soo gaadhay si rasmi ah ayaa loo qaban doona xafladdii la wareegida, Bangiga Adduunka iyo qoladii inaga caawisay ay inaga la soo qaybgeli doonaan hadii ALLE yidhaahdo, maanta waa uun isku bushaarayn iyo in gaadiidkaasi na soo gaadhay warbixin”. Md Sharmarke Geelle oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Arintani ayaa waxay saameyn weyn ku leedahay qorshaha wanaagsan ee marka uu Mashruuc qaran ku guulaysto uu u hanaaniyo, mashruucii waxaynu u hanaaninay oo u maamulay si wanaagsan , waxaynu ka bilaabnay talaabooyin aad yar aad yar ah si aynu guusha halka u saraysa ka gaadhno , waxaanu ka ilaalinay wax kasta oo aan manfac u ahayn qaranka Somaliland oo Mashruucan Siminaar iyo Saambuus iyo wax fudud kamaanaan dhigin oo runtii Qorshe wanaagsan ayaanu u dejinay Dunidda inoo heelan inay Horumarka Qarankeena Somaliland Inaga caawiso ee kamaanaan dhigin Siminaar iyo socdaal aan macno iyo xigmadtoona ku fadhiyin , qorshihiisii waxaanu u dhignay si wanaagsan oo umaddani raandhiis iyo Aayatiin mustaqbalka ah u noqon doono, aayatiinka iyo Mustaqbalka waxa kow ka ah maanta inay horteena yaalaan 8 Gaadhi oo ah nooca adag ee loogu talo galay inay Buur iyo Bari ba ka baxi karaaya ee loogu talogalaayo tirinta, tayeynta iyo taabo gelinta shaqaalaha dawladda dhamaan maanta waanu isku hambalyeynaynaa qorshihii aynu dhignay in uu maalinba meel wanaagsan inoo maraayo iyo in qaranku ka dhaxlaayo Gaadiid wanaagsan iyo hanti ma guurto ah”.