Baadhasaabka Saaxil Oo Saluugay Nasashada Uu Dhiggiisa Ay Xilalku Isu Weydaarsan Yihiin Ku Yimaado Berbera

0
22

“Guddoomiyaha Borama Halkan Waxa Uu Iman Karaa Isaga Oo Tolkii Iyo Xaafadiisii U Yimi, Laakiin Kama Hadli Karo

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Md Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa jawaab ka bixiyey dhaqamo uu dhiggiisa Awdal Maxamuud Cali Saleebaan(ramaax)ka sameeyo magaalada Berbera xilliyada uu halkaas safarka ku joogo, waxana uu tilmaamay in cid aan isaga ahayni halkaas aanay ka hadli karin.

badhasaabyoFahmi Cabdi-bidaar oo shalay warbaahinta kula Hadlay xafiiskiisa magaalada Berbera, waxa uu sheegay in Guddoomiye waliba marka uu Gobol kale joogu uu marti yahay, isla-markaana looga baahan yahay inuu hannaan suuban u dhaqmo inta uu halkaas ku sugan yahay, “Gobolkan anigaa ka masuul ah, Guddoomiyaha Awdalna kaligii ma ahee Guddoomiye-yaal badan baa yimaadda, Boraman-na anigu waan tagaa laakiin qaab baan u tagaa oo marka aan tago ogaysiis baan bixiyaa oo waan imi baan idhaahdaa, markaasaanan Hawlahayga gaarka ah qabsadaa, laakiin Nin aan aniga ahayni Halkan kaga hadli karo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Fahmi Cabdi-bidaar.

Fahmi Cabdi-bidaar waxa uu Guddoomiyaha Awdal u diray farriin cad, waxana uu u sheegay inuu u dhaqmo sidii nin xaaskiisii iyo carruurtiisii soo booqday uun, waxana uu yidhi,“Guddoomiyaha Borama Halkan kama hadli karo, haddii uu halkan yimaaddana waxa uu imanayaa isagoo tolkii iyo xaafadiisa iyo ehelkiisa u yimi Guddoomiye Gobol ha iska ahaadee.”

Hadalka Guddoomiye Fahmi, ayaa kusoo beegmaya xilli uu dhawaan Guddoomiyaha Gobolka Awdal cago-juglayn u geystay warbaahin su’aalo weydiinaysay Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor xoor, waxana arrintaasi cadho gelisay Guddoomiye Fahmi.

Dhaqanka ka muuqday Guddoomiye Ramaax, ayaa u ekaa inuu wali isu haysto inuu Guddoomiye ka yahay Gobolka Saaxil oo wakhti hore laga caydhiyey, waxana arrintaas su’aalo badan iska weydiiyey Shacabka Reer Berbera oo ka raystay Qallafsanaantii Guddoomiye Ramaax.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here