Baadhasaabka Togdheer Oo Hargeysa U Jooga Sidii Uu Jeel Masaafaysan Ugu Heli Lahaa Dhalinyaro Boqol Ka Badan Oo Uu Xabsiga Burco Ku Guray

0
32

qabo

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer MD. Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa caasimadda Hargeysa u jooga sidii uu in kabadan 150-dhallinyaro ah oo rabshado Burco ka dhacay lagu eedaynayo ugu heli lahaa xabsiyo lagu xidho oo ku yaalla meel ka fog magaalada laga soo qabqabtay.

Guddoomiye Qabo oo u warramay telefishanka Star, ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen dhallinyaro tiro badan oo ku lug yeeshay rabshado la isku adeegsanayo faashash iyo middiyo oo muddooyinkii ugu dambeeyey magaalada Burco ammaankeeda khalkhal geliyey, waxana uu tilmaamay inay ku daba jiraan kuwo kale oo weli ka maqan gacanta ciidamada ammaanka.

Waxa uu qabo sheegay inaan dhallinyaradaas lagu xidhi doonin gobolka ay kasoo jeedaan ee Togdheer, taas beddelkeedana loo wareejin doono gobollo kale oo masaafo ahaan ka durugsan meesha ay kasoo jeedaan,“Xalay 72-dhallinyaro ah baanu qabannay, habeen horena 48-baanu qabannay, nimankaasna kuma xidhi doono gobolka Togdheer meel u dhaw oo gobollada kale ayaanu geynaynayaa, Hargeysa-na waxa aan u joogaa inaanu diyaarino meelihii aanu ku xidhi lahayn, waayo haddii Burco meel u dhaw lagu xidho waalidkii baan ka hadhaynin.” Ayuu yidhi guddoomiye Qabo.

Magaalada Burco waxa ammaankeeda halis weyn ku hayey muddooyinkii ugu dambaysay dhallinyaro kooxo-kooxo u wada socda oo iyagu is-weeraraya, dadka kalena weeraraya, kuwaas oo dhaawacyo gaadhsiiyey qaar kamid ah dadweynaha magaalada Burco ku dhaqan, waxana ay arrintaasi hakad gelisay isu-socodkii caadiga ahaa ee magaalada gaar ahaan xilliyada habeenkii.

Dhallinyarada rabshadahan ku lugta leh, ayaa u badan, qaar arday oo dugsiyga iyo jaamacadaha kala duwan ee magaalada Burco wax ka barta, kuwaas oo waayey cid jihaysa, isla-markaana aan haynin goobo ay ku caweeyaan xilliyada ay firaaqada leeyihiin, waxana ay taas beddelkeeda dan moodeen inay iyagu weerarro isku qaadaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here