Dhan Jafku waxa uu ka mid yahay xanuunada sida kadiska ah dadka ugu soo booda, isla markaana ka dhasha, ciladaha dhinaca caloosha qofka ka jira, inta badan qofka uu ku dhaco waxa markiiba laga dareemaa, astaamo qofka kale ee arkaa ku garto in dhan jaf ama madax xanuun hayo.
Haddaba baadhitaan caafimaad oo ay sameeyeen culimada xanuunada nafsaaniga ah, ayaa lagu ogaaday in xanuunkaasi ka mid yahay, xanuunada sida hargabka oo kale loo kala qaado, sida baadhitaanku muujinayana waxa loo kala qaada hab fudud oo deg deg ah.
Baadhitaankan caafimaad oo ay ka qayb galeen, tobanaan qof oo mutadawiciin ah, kuwaas oo inta qol lagu ururiyay laga dalbaday in qof, dhan jaf hayo ay la shaqeeyaan, muddo saacado ah, taas oo natiijadii noqotay in dhamaan dadkii mutadawaciinta ahaa oo dhami wada qaadaan xanuunkii ama dhan jafkii.
Waxa kale oo baadhitaankan lagu xaqiijiyay sababaha keenay in kooxdii baadhitaanka ka qayb qaadanayay oo dhami wada qaadaan, dhan jafkii, hayay halka qof, waxaana la ogaaday in dhawr sababood awgeed loo kala qaadayo.
Sababaha la isugu gudbinayo xanuunkaas ayaa la xidhiidha ama isugu jira dhinacyo kala duwan, oo muuqaalka qofka ee dhibani ka mid yahay, waxa kale oo ka mid ah hormoono neefsashada la isugu gudbiyo oo qofka xanuunkani hayaa ku daaran karo dadka kale.
Hormoonada inta badan keena in la kala qaado dhan jafka ayaa waxa ugu wayn ka loogu yeedho, Cortisol, kaas oo ah mid unugyada (Jens)-yada qofka uu xanuunkaasi hayaa, dhaliyaan si fududna habka neef mareenka uu dadka kale ugu gudbin karo.
Dhan jafka ayaa ka mid ah xanuunada aanay dadka badankoodu dareensanayn ama aanay ka aaminsanayn dhibaatooyin badan inay leeyihiin, waxaana ugu wacan wakhtiga kooban ee uu qofka hayo oo loo malayn karo in aanu lahayn saamayn sidaa u sii wayn, laakiin sida baadhitaankan lagu ogaaday waxa uu leeyahay riiq badan oo qofka noloshiisa oo dhan saamayn ku yeelan karta.
Sida baadhitaanku xaqiijiyay hormoonada jidhku sii daayo wakhtiga qofka dhan jafku hayo, oo ah kuwa inta badan u xil saaran, difaaca neerfayaashu waxa marka uu xanuunkaasi qofka ku soo noq noqdo ay yareeyaan kartidooda, taas oo inta badan la xidhiidha amarada maskaxdu bixiso oo neerfayaashu ay ka mid yihiin, kuwa ugu kartida badan ee si Otomaatik ah iyadu hawlahooda u qabsada.
Sida dhakhaatiirtu isla qireena, waxa neerfayaasha iyo difaaca jidhka ee u gaarka ahi noqon lahaayeen haddii loo magac bixinayo qaybaha Smart-ka ah, kartida badan ee aadamiga.