“Baadhitaanno Aan Ugu Kuur-galayey Caafimaad-darrada Ay Dadku U Geeriyoodaan Waxaan 80% Ku Ogaaday In Ay Dhiig-bax U Dhintaan”

0
169

“Baadhitaanno Aan Ugu Kuur-galayey Caafimaad-darrada Ay Dadku U Geeriyoodaan Waxaan 80% Ku Ogaaday In Ay Dhiig-bax U Dhintaan” Dr. Mustafe Cumar

Hargeysa (Hubaal)- Cilmi baadhis caafimaad oo  lagu sameeyey bukaannada ay la soo dersaan xaalladaha caafimaad ama aan aan dhakhso u helin gargaarka degdega ayaa lagu soo bandhigay natiijadeeda magaallada Hargeysa. Cilmi baadhistan oo uu sameeyey Dr. Mustafe Cumar Yuusuf oo kamid ah dhalinyarada aqoonyahanka ah ee reer Somaliland isla markaana dhawaan natiijadeeda la shaaciyey  ayaa lagu soo bandhigay xaalladaha inta badan sababa in bulshada ay xaalladuhu lasoo dersaan ee aan badanka helin  gargaar degdeg ah oo caafimaad ay 80% ay ku sababto dhimasho degdeg ah. Dhakhtarkan oo kamid ah aasaaseyaasha xarun muddooyinkii u dembeeyey  bixinaysay adeegyo caafimaad oo aan hore dalka uga jirin ayaa natiijada daraasadan oo ay sameeyeen ku faahfaahiyey ujeedada ka dembeysay cilmi baadhistan iyo siyaabaha ay ugu kuurgalayeen amuurahan. Xaruntan oo  magaceeda la yidhaahdo Q-unit Medical Instruments Co Ltd  ayaa Dr. Mustafe    sharaxaad ka bixiyay sababta ku dhalisay hirgelinteeda waxaana uu yidhi “Markii Aan Ku soo laabtay wadanka oo aan muddo dheer ka maqnaa , waxaan la kulamay waxyaabo fara badan oo ka dhiman adeegyada caafimaadka iyo tayada istibaalada wadankeena oo aad u hoosaysa , waxa wax lala yaabo igu noqotay sida ay tayada goobaha caafimaadku ee dalka ay u liidato kaaso xittaa laga qaadi karo xanuuno badan . goob caafimaad sideedaaba waa in ay ahaata meel nafadeeda laga shaqeeyay si looga hor tago infectionka ama xanuunada kale ee ka dhalan karra”. Sidaa ayuu yidhi, waxaanu  Dr-Mustafe   intaas ku daray “Mmuddo dheer oo aan ku jiray case-study ama baadhitaan ka xaaladaha caafimaad darro ee ay dadku u dhintaan , in aan ogaaday in bulshadeenu 80% ay u dhintaan dhiig bax (blood loss) taaso ay keentay in aanay jirin wax daawooyin ah oo lagaga hor tago xaaladaha. waxa sidoo kale aan ogaanay in bulshadeenu 90% ay sidoo kale u dhintaan ‘ Infection ‘ marka qaliin lagu sameeyo ka dib taaso ay keentay tayada iyo qalabka loo isticmaalayo iyo nadaafada goobta caafimaadka oo aad u liidata . haddaba sababta igu dhalisay in aan qalab kan caafimaad aan dalka keeno waxay ahayd ka dib markii aan arkay.

Dr. Mustafe Omar waxa uu hadalkiisa ku sii daray “markaan arkay in ee aan ogaaday in ay muhiim tahay dadaal u muujinta bukaanada kala duwan ee imanaya ama yaaalla goobaha caafimaadka. waxaan go’aan ku gaadhay anigo ujeedadaydu tahay sidii looga hor tagi lahaa xaalad kasta oo timaada iyo sidii ay dadku u heli lahaayeen qalab tayadiisu aad u sareeyso oo faaido weyn u taraya bulshada iyo dhamaan wixii bukaan ah ee yaalla goobaha caafimaadka haddi ay tahay qaar qaliin lagu sameeyay iyo qaar kalaba . waxaan hadalkayga kusii koobayaa oo aan cod dheerna ku leeyahay in dadkeenu u baahan yahay oo ay xaq u leeyihiin in ay helaan wax waxtar u leh caafimaadkooda , haddaba anigo ah maamulaha shirkadi waxaan u sheegaya bulshadeena in aan dadaal dheer u gali doono sidii aad u heli lahaydeen tayo caafimaad.

Dadweynaha Magaalada Hargeysa ayaa xaruntan si weyn usoo dhaweeyay iyaga oo sheegay in ay ahayd in mar hore xaruntan oo kale dadka loo furo si ay uga raystaan socdaalo dibeda ah oo ay u tegi jireen dibeda

Faahfaahinta iyo Tilmaanta Xaruntan kala xidhiidh Addresyadan hoose:

Q-unit Medical Instruments Co Ltd

Dr-Mustafe O Yousuf

CEO & Founder

Contacts: +252633226127/ 0634142009/ 0633819145

Email: Q.unitm@gmail.com

img_1444

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here