Guusha iyo midho Ka Midho dhalinta Mabda waxay ka yimaadaan maskax Iyo Maanka Misaaman Ee leh Himilo iyo Hadaf Muuqda , Guusha lagu gaadho goob dagaal oo laysu Adeegsanayo Hub waxaa ka Howl dadan mida laga gaadho dad sita af kaaro kala gadisan si Loogu dabaalo afkaar mid ah taana waxaa gaadhi kara halyay leh himilo iyo hayaan fog Maskaxdana ka ah geesi ku dhac leh taan waxaa ilahay hibo u siiyay marwo HINDA JAAMAC GAANI.
Hirgalinta , Hanaaninta , Horseedida Hiigsiga iyo Hadafka Cad Ee Aan Lagabashada Lahayn waa Kii Marwo Hinda Jaamac Gaani sida cadceeda ugaga soo iftay xisbigii wadani Ee Ay Ka Ahay Xoghayaha Arimaha Bulshada
Marwo Hinda jaamac Gaani Waxay xisbiga Wadani Lagashay olole balaadhan kaas oo uu wadani Kaga soo baxay ururnimadii iyadoo xisbiga xildhibaano ka badan 40 xildhibaan ka sharaxday Gobolada dalka sida Sanaag Saraar Togdheer Sool iyo Saaxil goboladan oo dhammaantood Marwo Hindi ku leedahay taageero tiro iyo tayoba lagu gaadhayn iyadoo dalka oo idilna ku Leh shacab markasta iyo meelkastaba marag kacaaya Firfircoonida, Aftahanimada ,Jjacaylka Dalka iyo Dadka Dacadnimada Muuqata caadaysiga sheegida runta iyo utudhaalaynta Samirka , ka eegida dhinaca togan waa sababta ay ku hanatay kumanaan dada oo ku kala nool Dacalada dalka xisbiga wadanina ku helay taageerayaal badan oo u heegana xisbiga balse Nasiib daro waxaa xisbiga wadani ku shugriyi waayay oo ka ilduufay jaanis kaa dahabka ahaa Ee Uu Gacanta Ku hayay
Balse siyaasad xumo xafiiltan liita xiisayn weelmadan xaqiraad dadkii xisbiba ka dhigay iyo Xurmo laaan aan sal iyo raadtoona lahayn bay ka biyo diiday oo u cuntami wayday marwo HINDA taasina sababtay inay maseerkeeda siyaasadeed ka tashato siday ku caanka ahaydna Qaadato goaan cad
Marwo HINDA jaamac gaani waxay noqotay aasaasayaashii garabkii toosinta iyo cadaalad Doonka xisbga wadani oo markii danbe ku midoobeen siyaasiyiin mud iyo miisaanba ku leh Gayiga soomaliland waxaana gucle iyo gaatanba ugu jira xisbul xaakinka xisbiga kulmiye oo Hada sitoosa ula furay wada hadalo ugu danbayntii xisbiga wadani baa meeraalaysi ugu jira Marwadan iyo garabkan ay ku midoobeen siyaasiyiintu balse gaadhi la
Taladu Waa maraad garan waydo iyo maraad gaadhi waydo
Qalinkii Xidig Maxamuud Xidig (Xamse)
Email Hamze016@gmail.com