Madaxweyne Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Deyntii Baanka Adduunku ka Cafiyey Somalia, muxuuse Ka Yidhi Xubnihii labada xisbi mucaarid ee shalay Wakiilladu diideen?
Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo gaarkiisa u taagan, waxana uu Baanka adduunka u diray farriin uu ku caddaynayo in deymaha Soomaaliya laga dhaafay aanay ahayn wax u yaalla Somaliland, sidaasina waxa uu madaxweynuhu ka sheegay kulan wadajir ah oo isaga iyo labada hoggaamiye mucaarid shalay yeesheen, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Baanka Adduunka waxanu leenahay labadaas dawladood ee 1960-kii isu tegay ee 1991-kiina kala baxay mid walba sideeda iyo gaarkeeda ayaa loola macaamilayaa, Somaliland haddii la leeyahay kuma ictiraafsanin oo kula macaamili maynno, Soomaaliya waxa aad ka dhaafteen iyo waxa u qabanaysaan idinka ayey idin taallaa, annaguse Somaliland baannu nahay, wixii nalagala hadlayo annagaa nalagala xaajoonayaa oo naloo soo marin maayo cid kale, madax-bannaannida iyo ictiraafkaad sheegaysaan waa kaannu ka baxnay ee ka dagaallanay ee aannu goonida u joogno ee aannu dawladda ka dhisannay.”
Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka dareen celiyey diidmadii ay shalay golaha wakiilladu kala hortageen labadii xubnood ee ay axsaabta mucaaridku usoo magacaabeen komishanka doorashooyinka qaranka, waxana uu sheegay inay tallaabadaasi ahayd mid aan loo fadhiyin oo lama filaan noqotay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tilmaamay inay golaha wakiilladu ku ixtiraaman yihiin go’aannadooda, balse la joogo waqtigii wada-jirka iyo isku-duubnida, qaranku aannu diidmadaas u filaynin, waxana uu yidhi, “Golaha wakiilladu waa sharci oo way madax-bannaan yihiin, go’aankoodana iyagaa xor u ah, sharciyan baannu taas u arkaynaa, waanna aqbalaynaa wixii ay soo saareen oo ma diiddanin, laakiin talada dalka iyo danta dalku maanta waxa ay ku jirtaa inaynu is wadanno, Komishanka dhibtiisu waxa uu ina gaadhsiiyey laba sano iyo dheeraad, wejiyaal badan buu lahaa, khilaaf badan baa ka jirey, weynu soo af-jarnay. Iyada oo dalku maanta midaysan yahay oo wax walba laga heshiiyey oo xisbiyadii mucaaridka ahaa la oggolaysiiyey inay labadii keenaan oo ay ahayd inaynnu midnimada u dhaqaaqno oo aynnu doorasho higsanno, midnimada iyo wada-jirka dalkuna ku jireen maanta inay ansixiyaan labadaas xubnood, arrintaasi maanta kammaannu filayn, qarankuna kama uu filayn, sabab loo soo celiyo nimankaas, waase gole oo waa u xor wixii uu gaadhay,” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Waxa uu madaxweynuhu sheegay in arrintaas talo la isaga noqon doono, axsaab, xukuumad iyo wakiilloba, islamarkaana uu ku han weyn yahay in lasii ambo qaadi doono geeddi-socodka loogu jiro sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda.
Ugu dambayn, madaxweynaha ayaa bulshada reer Somaliland u direy farriin faahfaahsan oo ku saabsan ka hortagga caabuqa COVID-19, waxana uu kula dardaarmay in ka hor-taggu yahay tallaabada kaliya ee xanuunkaas bulsho ahaan lagaga badbaadi karo.