Hargeysa:(Hubaal)-Masuuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baanka dhexe Md. Maxamed Cabdi Ibraahim Dhoobaale, ayaa lacago dollar ah maalilntii shalay suuqa geliyey si hoos loogu dhigo qiimaha dollarka oo kor u kac weyni ku yimi.
Lacagta Dollarka ah ee uu guddoomiye Dhoobaale iyo saraakiisha sarsare ee Baanka dhexe oo uu agaasimaha guud ee Baanka dhexe Md. Cabdilaahi Xasan Aadan qayb ka ahaa, ayaa lacagaha dollarka ah ee ay suuqa badhtamaha Hargeysa ku qaybinayeen uga gol lahaa sidii qiimaha shilinka Somaliland kor loogu qaadi lahaa, waxana cadaadi ka yimi koru kacaas Dollarka oo halka Dollar hore u gaadhay ilaa 8500slshl(sideed kun iyo shan boqol oo shilin).
Tallaabooyinkan muuqda ee uu Baanka dhexe kula dagaallamayo qiime dhaca ku yimi shillinkii Somaliland oo uu gudoomiye Dhoobaale, ayaa isla shalayba qaddar waxoogaa ah hoos udhigay qiimaha dollarka oo la sheegay inuu xalay soo gaadhay halka Dollar ilaa iyo 8200slsh.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Md. Maxamed Cabdi Ibraahim(dhoobaale) oo isaga oo ku sugnaa badhtamaha suuqa Hargeysa ee lacagtan lagu qaybinayey warbaahinta la hadlay, ayaa ujeeddada ay baan ahaan ka leeyihiin inay suuqa lacago dollar ah geliyaan faahfaahin ka bixiyey, waxana uu yidhi, “Maalmahanba waxanu ku gudo jirney la dagaallanka sarrif-bararka oo ka jiray suuqyadeena Somaliland, kaas oo aynu u guntanahay sidii uu shilinkeenu kor ugu kici lahaa iyada oo shirkadaha muwaadiniinta ahina u guntan yihiin inay ka qayb galaan sidii sarrifku hoos ugu dhici lahaa, waxana shacabka iyo dadka lacagta ka ganacsadaba aan ku guubaaninayaa inay shilinka kor u qaadaan oo ay lacagtooda ka dhigtaan mid ay leeyihiin oo ay lexejeclo kaga jirto oo ay u jiidh naxaan oo ay u dul qaataan cidhiidhiga ay ku hayaan lacagaha kale ee qalaad.”
Lacagaha dollarka ah ee uu Baanka dhexe suuqa gelinayo, ayaa haddii sidan kusii socdaan, isla markaana uu baanku diyaariyo qorshe cad oo xummad jebin looga dhigi karo koru kaca dollarka, ayaa wax weyn ka tari kara qiime dhaca ku socda lacagta Somaliland, waxana tallaabadani lafiif u tahay dadka danyarta ah oo qiime kaca dollarka ku yimi uu kor ugu qaaday maciishaddii daruuriga ahayd.