Baanka Dhexe Somaliland Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Machadka Tababarada Ee Horn Vocational Training Institute

0
108

Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Machadka tababarada Horn Vocational Training, Machadkan iyo Baanka dhexe ee Somaliland oo wada shaqayn weyni ka dhaxayso ayaa si wada jira u bixiya Tababaro kor loogu qaadayo Aqoonta Shaqaalaha Baanka.

 

Agaasimaha Qaybta Shaqaalaha Baanka dhexe ee Somaliland Marwo Amran Abdi Ismaaciil oo ka hadashay Xafladan ayaa xustay  sida Masuuliyada, Xilkasnimada, Aqoonta, Waayo aragnimada leh ee mahadkani u bixiyey tababarada Shaqaalaha,  sidoo kale Agaasimuhu waxay farta ku fiiqday in wax weyni iska bedeleen shaqada iyo adeegyada Baanku dadka u qabto ka dib markii shaqaalaha aqoontooda kor loo qaaday iyo in uu wanaagsanaaday xidhiidhka shaqaalaha dhexdooda taasina ay wanaajinayso wada shaqaynta Shaqaalaha Baanka iyo saaxiibtinimada goobta shaqada.

 

Dhinaca kale agaasimuhu waxay xustay in meelo kala duwan loogu diro aqoon korodhsi shaqaalaha Baanka oo ay ka mid yihiin Machadka shaqaalaha Dawlada, Jaamacada Hargeysa, Jaamcada ADMAS, Jaamacada Burco, Jaamacada Camuud , Jaamacada EELO, Jaamacada Nugaal iyo Jaamacada Sanaag. Iyadoo shaqaalaha kala duwan ee Baanka guud ahaan laga taageero Shahaadooyinka MASTERS-KA, DEGREE-GA IYO PROFESSIONAL EDUCATION.

 

Maamulaha Laanta Xarunta Abdirahmaan  Cali Warsame ayaa iska ka hadlay faa’iidooyinka tababaradu u leeyihiin Shaqaalaha. Maamulaha oo aad ugu nuuxnuuxsaday qiimaha shaqaalaha ay u leeyihiin tababarada noocan ahi waxaa hadaladiisii ka mida ahaa:-

 

‘‘waxyaabihii Mahadkani idin baray waxay ka muuqataa shaqadiina, markii hore ee aad tababarka galayseen maan filayn in aad aqoonta intaa le’eg ee sannadaha badan Jaamacada lagu dhigto aad ku soo baranaysaan Muddan kooban, Agaasimaha Shaqaalaha waxaan ka codsanayaa in tababarada la sii wado oo anay joogsan’’

 

Maamuluhu waxa uu u mahadnaqay Agaasimaha Machadka Tababarada Horn Vocational Training Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, sidoo kale ah xubin firfircoon oo ku takhasusay Arrimaha Bangiyada iyo dhaqaalaha horena uga soo shaqeeyey Baanka dhexe muddo dheer imikana ka caawiyada Arrimaha Sharcigayada iyo Xeerarka Baananka ee golaha Wakiilada loo gudbiyo.

 

Waxaa kale oo makrafoonka lagu soo dhaweeyey Agaasimaha Machadka Tababarada Horn Vocational Training Xildhibaan SIciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada

Xildhibaanku waxa uu Masuuliyiinta sare ee Baanka oo ugu horeeyo Guddoomiya Maxamed cabdi Ibraahim ‘‘Dhoobaale’’ iyo Agaasime Guud Abdilaahi Xasan Aadan  uga mahadnaqay sida weyn ay ugu soo jeedaan tayayta  shaqaalaha Baanka, kobcinta xirfadooda iyo daryeelkoodaba.

 

Waxaa kale oo iyaguna ka ka hadlay xafladan qaar kamida shaqaalihii aqoon korodhsiga loo sameeyey muddooyinkii kala dambeeyey ee Machadkani bixiyey. Oo ay ka mid ahaayeen Cabdirisaaq Maxamed CUmar (CMC) iyo Khaalid

 

Ugu dambeyn.

 

Ugu dambeyn Saraakiisha sare ee Baanka ayaa si wada jira u guddoonsiiyey Agaasimaha Machadka iyo Macalin Qaasim Shahaado sharaftyaas saraakiishaa oo kala ahaa:-

 

Agaasimaha Qaybta Xisaabaha Guud ee Baanka Abdirashiid Abdilaahi Jaamac

 

Agaasimaha Qaybta Shaqaalaha Amran abdi Ismaaciil

 

Lacaghayaha Guud ee Qaran Maxamed Ismaaciil Khalaf

 

Agaasimaha Qaybta Tababrada Safiya Cali Abshir

 

Agaasimaha Qaybta ITGa Xuseen Abdilaahi Rooble

 

Agaasimaha Qaybta Supervision-ka Abdirahmaan Muuse Abdi

 

Agaasimaha Qaybta Xoghaynta Guud Farduus Maxamed Qoofal

 

Maamulaha Laanta Xarunta Abdirahmaan Cali Warsame

 

Maamulaha Laanta koowaad Maxmed Abdurahmaan Xandulle

 

Maamulaha Laanta Labaad Maxamed Aadan Xaashi

 

Maamulaha Laanta Saddexaad Maxamed Jaamac Nuur

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here