Baaq Ka Dhan Ah Shilalka Gaadiidka Ah Ee Dalka Ka Dhaca

0
24

Waxaan halkan baaq ka dhan ah shilalka gaadiidka uga dirayaa madaxweynaha Somaliland MUDANE A.M.M SILAANYO iyo xukuumadiisa baaqaas oo ka dhan ah SHILALKA GAADIIDKA  saamaynta ay inagu yeesheen , qaran  ahaan, shaqsi ahaan, iyo bulsha ahaanba.

Waxa maalmihii u dambeeyay dalka ka socday shilal gaadhi oo dhimasho iyo dhaawacba leh, waxa aynu maalinkasta aragnaa  shil dhimasho, dhaawac, ama mid maaliyadeedba, Waxa ayaan daro ah inaynaan wax ka hor taga samaynin kaas oo quseeya yaraynta ama ka hor taga shilalka gaadiidka ee sida joogtada ah u socda.

Waxa aynu shil gaadiid ku waynay haldoor fara badan , oo ayna cidina waxba iska waydiin sidii wax looga qaban lahaa shilkaas sababay dhimashada.

farxaan maxamed suldaanShilalka gaadiidku waa Dhibaato aad u adag, waana dhibaato aynu ognahay xanuunka ay leedahay, waana mid u baahan ka hor tag qaran, oo gacmaha Is haysta, waa mid u baahan in  laga soo saaro wareegto dhaqan gasha oo shaqaysa, waa mid u baahan tirikoob saxa oo ah in sanadkasta , maalinkasta, bilkastaba la record gareeyo khasaaraha shilalka gaadiidka , haday dhimasho tahay, dhaawac tahay, ama khasare maaliyadeed tahay , taasi waxay kaa caawinaysaa inaad ogaatid xaqiiqda iyo dhibaatada saxda ah ee ay sababaan shilalka gaadiidku, waana muhiim  inaad samaysatid ka hor tageeda, adoo la kaashanaya dadka aqoonta iyo waayo aragnimada u leh Shilalka gaadiidka .

Waxa xaqiiq ah in markasta oo qof inaga dhinto shil gaadhi ay hoos u dhacayso  tirada guud ee bulsho, waxa xaqiiq ah in markasta oo qof inaga baxo ay  saamayn ku yeelanayso aqoontii iyo bulshadiiba , inkastoo dhimashada ALLE scw uu inoo qoray hadana waa muhiim inaynu samaysano qorshe aynu kaga hor tagi karno qasaaraha shilalka gaadiidka ee maalinkasta dhacaya.

Waxaan madaxweynaha qaranka mudane A.M.M SILAANYO aan halkan  mar labaad iyo mar sadexaadba ugu baaqayaa inuu sameeyo HAAYADA KA HOR TAGA SHILALKA GAADIIDKA , anigoo in badan ugu baaqay dawlada uu hogaaminayo MUDANE A.M.M SILAANYO inuu sameeyo haayad qaran oo maamusha ama ka hor tagta shilalka gaadiidka.

SHilalka gaadiidku waa aafo qaran oo aan laga war hayn , waxa aynu maqalna,aragnaa hebel oo ku dhintay shil gaadhi, laakin  hadaad aragto cid ku dhimatay sababo kale aad baa loo hadal hayaa iyadoo la sameeyo ka hor tagyo badan, hadaba shilalka gaadiidku waa saamaynta/dhibta ugu badan ee aynu la kulano, imisa aad taqaanay ayaa ku dhintay shil gaadhi, imisa aad taqaanay ayaa ku dhaawacnay shil gaadhi, laakin waad ilawday cidaas ee ogow,halka aanad ka ilaawin kii ama tii ku dhintay sabab kale.

GABO GABO  IYO TALOOYIN : ——————————————

Waxaan ku soo gaba, gabayn lahaa maqaalkaygan :————-

IN LA HELO haayad wadaniya oo ka shaqaysa shilalka gaadiidka iyo ka hor tageeda

In bulshada laga dhaadhiciyo qatarta gaadiidku leeyihiin

Wacyi galin balaadhan oo dhinaca shilalka  gaadiidka ka dhan ah

In loo sameeyo account dadka ay wax ka soo gaadhaan gaadiidka shilkiisa in  lagu caawiyo

In la soo kordhiyo barnaamijyada  marista wadoooyinka iyo gadiidka ee radio hargeisa

In calaamado lagu xidho wadooyinka dhinacyadooda ilaa gobolada taxan.

In la adkeeyo qaadashada LIISANKA WADISTA.

In la sameeyo training ku sabsan wado mariska oo dad badan aanay aqoon

in go,aan laga soo saaro darawallinta iyagoo mobil ku hadlaya hadana wax wadaya.

In la tayeeyo ciidanka tarafikada ee meel ay cadceeda ka  fadhiistaaan aan haysan

In la sameeyo isbiidh xadidan oo gaadiidku  ku dhex mari karaan meelaha suuqyada ah, ,gobolada taraaga I.W,M.

iska jira gaadiidku waxay keenan dhaawac iyo dhimasho

wadada markaad marayso dhinacyada ka eeg wax gaadhiya Adoo haysta haadkaaga saxda ah.

ku eekow haadkaaga hana deg-degin.

iska jir dhaafka khaladka ah waa ka sababa shilka ugu khatarsan.

ha ku hadlin telefoon adoo wada gaadhi.

ha cabin ama ha cunin adoo wada gaadhi.

U yeelo  aqoon buuxda shuruucda wadooyinka

 in aqoon buuxda loo yeesho gaadiidka iyo dayactirkooda

sheekooyinka dareenka qofka badalaya oo la joojiyo.

dulqaadka oo la badiyo xiliyada ay jiraan cidhiidhiga iyo buuqa gaadiidka.

deg-dega oo la joojiyo xiliyada ay jiraaan isku gudubka gaadiidka

 aqoon badan oo loo yeesho gaadiidka iyo wadistooda

dhagaysiga barnaamijka shuruucda wadooyinka oo la dhagaysto.

wacyi galinta gaadiidka iyo shilkooda oo la badiyo

 meelaha gooladaha oo aqoon badan loo yeesho marka la marayo.

Haddii aynu hir galino qodobadaas oo kor ku soo sheegay waxa hubaal ah in wax badan Is badalayaan , qodobadaasi waxay qaar khuseeyaan dawlada, qaarna waxay quseeyaan shacabka, markaa haddii la fuliyo wax badan ayaa hagaagaya.

F.G    Wiigan gudihiisa waxaan maqlayay oo aan arkayay Sawiradii shilal naxdin leh oo ay ku dhinteen madaxdii wasaarada maaliyadaWali daauud cigaal , maxamed daaud iyo askari muse  sidoo kale shilkii argagaxa lahaa ee manta 3/7/2015 uu ku dhintay gudoomiyihii basaska Socdaalka ee salaama Saleebaan Cumar Qaalib (Ina Cumar Durbaan)  iyo hooyadii, walaashii ay ku geeriyoodeen ALLE HAW NAXARIISTO marxuumiintaas iyo  CIdkasta  oo islaama oo  shil gaadhi  iyo dhimashaba la ku naf wayda.

 W/Q: Farxaan Maxamed Suld. Nuur (Rakad)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here