“Waxaan filayaa in dad badani ay taageeri doonaan fikradaha Ra’iisul-wasaaraha oo ah afkaartii ay maskaxda ku hayeen,” Xildhibaan Temesegen.
Addis ababa (Hubaal)- Golaha Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa shalay ku qancay warbixin uu Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu tafaasiil kaga bixiyey go’aannadiisa ku wajahan khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya iyo hindisihiisa ku saabsan dib u habaynta dhaqaalaha, siday werisay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA.
Xildhibaan Temesegen Burka oo ka tirsan Baarlamaanka dawladda federaalka Itoobiya, ayaa wakaallada ENA u sheegay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya uu warbixin waafiya ka siiyey Baarlamaanka xaaladda dalka, waxaanu xusay in laga yeeshay falanqeyn dheer.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in warbixintii Ra’iisul-wasaaraha iyo jawaabaha uu ka bixiyey su’aalihii la weydiiyey ay ahaayeen qaar meesha ka saaray wixii madmadow ahaa ee jiray.
“Waxaan filayaa in dad badani ay taageeri doonaan fikradaha Ra’iisul-wasaaraha oo ah afkaartii ay maskaxda ku hayeen,”ayuu yidhi Xildhibaan Temesegen.
Xoghayaha Guud ee xisbiga All Ethiopia Democratic Party Mr. Zemenu Molla, ayaa sheegay in Xog-warankii Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed ka jeediyey Baarlamaanku ay meesha ka saartay wixii shaki laga qabay go’aannadii uu hore ugu dhawaaqay.
Mr. Zemenu Molla wuxuu caddeeyey in xisbigiisu si buuxda u garab taagan yahay mowqifka Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya.
Sidoo kalena Maxamed Nuur oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in ummadda reer Itoobiya ay u baahan tahay shaqo, waxaanu tilmaamay inuu Ra’iisul-wasaare Ahmed doonayo inuu xasiliyo ammaanka Itoobiya oo dhan.