Waa maalinba ayaanteed, xiligan aynu hada joogno,waxaa si aada usoo badanaayey wal welka ay Asxaabta Mucaaradku ka qabaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanku in ay dalka ka dhacaan.
Sida oo kale arrintani ayaa dhinaca kale marka laga eego waxaa ay guud ahaanba saamaysay shacbiga reer Somaliland oo in badan oo ka mid ahi ay iyaguna qabaan dareenka ay wal walka kaga muujinayaan Axsaabta Mucaaradku in doorashooyin dalka ka hirgalaan wakhtigii loogu talagalay.
Oday Geele oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Socda inta badana ka mid ah dadka aadka uga sheekeeya arrimaha Siyaasada ayaa waxaa uu garabkiisa ku sitaa Radiyow yar oo uu had iyo jeer kala socdo hadba halka ay marayso xaalada dalku,Oday Geele sida oo kale waa nin da’ah oo cimrigiisa marka aad qiyaasto aad malaha odhanba lahayd wakhti uma hadhin oo hada waxaa uu ku sii dhaw yahayba xagii Aakhiro iyada oo geeridana loo siman yahay.
Hada sidii caadada ahayd socdaalkii Baarlamaanka ayaa bilaabmay,dhaqaaqna ka sameeyey halkii loogu talagalay in uu aalaaba uu ka socdaalo,maadaama uu soo buuxsamay kooramkii looga baahnaa mudanayaasha Golaha fadhiya.
Cabaar la yara kala aamus,mudane waliba dhinaciisa isu la shawr kana feker hawlaha aduunyo ee qofba meel lamaraayo.balse Oday Geele oo ah nin aan isagu Allaaba shaqo kale aan qaban,wakhtigiisa ugu badan ku bixiya ka sheekaynta Arrimaha Siyaasada ayaa markiiba illeyn isma xejin karaayee bilaabay doodiisii,mar qudha ayuunbaa deedna muddanayaashii kale ku warheleen ninkan ku tiraabaya Sidani Xal ma aha!!,haddii Siilaanyo Doorasho dalka ka qaban waayo,Adeer walaahi in aan la wada joogayn!!, oo barigii uu Mucaaradka ahaa waxii uu samayn jiray horta miyaanu dib u xasuusnayn!!.Adeer dalka doorasho in uu ka qabtaa waa ku sandulle,hadduu qaban waayo waa laga tashan doonaa!!.
Muddane kale oo isna barbar fadhiyey,si aadana u dhagaysanaayey hadaladii uu Oday Geele ku tiraabayey ayaa isna inta uu xagii Odayga jaleecay yidhi:Adeer Geeloow horta nin weyn oo da’ah ayaad tahay,markastana Golaha adiga ayaa doodaha u bilaaba,Iga wala se tan aad maanta keentay waaba tii aynu isku fara saaraynay,oo Adeer ma waxaad ilawday in aanu xilka haynay 4-Sano oo qudha,waanad ogtahay Afar Sano oo kaliya,waxaanu ku qabanay in aan cidna dalka kaga qaban,oo Xukuumadii ka horaysay ee Rayaale kamay suurta galin sideedii Sano ee ay Xilka haysay waxqabad yada aanu fulinay Afartii sano,markaa adeer yaanay ku waalin nimankan mucaaradka ahi ee marwalba wax aan jirin dadka u sheegaya.
Muddane kale oo isna fadhiya gadaal danbe ayaa isna hadalkii boobay.Adeer marka hore baryahanba waan maqlaayey in Mucaaradku ay hadal hayaan in ay ka war warsan yihiin in dalka ay doorasho ka dhacdo.waar iga daa waa niman dantooda uun ka hadlaayee bal maxay danta shacabka ay uga hadli waayeen oo noloshii dalka iyo dadkuba ilayn waa ay qaaliyoobeen tusaale ahaan haddii aad Hargeysa qof ku nool aad tahay,waxaa aad lamid tahay qof ku nool dalalka Aduunyada ee horumaray sida ay noloshu ay qaali u tahay,hada iyada oo aynu nahay dal faqiira oo waliba soo koraaya dunidana aan ka mid noqon.markaa horta dee waa in ay Xukuumada u sheegaan meelaha khaladku ka jiro ee wax ka qabashada u baahan hadii aad iska qayliyaan uun Iyagana dee marka ay hadhaw dalka qabsadaan qaar kale ayuunbaa ku qaylin deedna arrinteenu isku qaylintaas ayaa ay ku dhamaan doontaa.
Nin kale oo isna magaciisa layidhaado Faarax ayaa isna arrintii dhinaciisa kaga soo booday.waar bal u kaadiya runta aynu isu sheegno.nimankan dalka hayaa iska daa in ay dalka wax ka qabtaanoo,waxaa ay u soo tafa xayteen sidii ay dalka uun jeebka uga buuxsan lahaayeen,waayo Adeer Oday geeloow waxaa arrintaasi inoo cadaynaysa waxqabad yada ay ku faanan ee hadh iyo habeenba ay Tv-yada ka sheegaan waa wax ay Xukuumadii ka horaysay ee Daahir Rayaale ay sii fududaysay,tanina dalkii ayaa noloshiisii ay qaali ka dhigtay iska daa wax kaloo,waar anigu nimankaa Mucaaradka ah waan ku raacsanahay in dalku isbadal dag deg ah u baahan yahay,waxaana aan aamin sanahay in haddii ay dalka qabsadaan Mucaaradku in ay horumar badan oo la taaban karro ka suurta galin karaan dalka, oo waxaa ay u badan yihiin niman dunida kale si fiican ula soo shaqeeyey.
Doodii halkii ka sii socotay hadba Xildhibaan kale ku soo biir,ma jarihii hore ee ay lahayd ka sii booday,mid kale iyo qabyaalad u baydhay,dalka ka talin maysaan iyo waanu ka talinaynaa laysla gaadh,hadba dhinac kale layska weerar,u muuqatay in loo kala safan yahay Mucaarad iyo Muxaafad,qolo kastaa mawduucoodii difaacatay,cid dhexdhexaadin ah waaye,qaar kamid ahi faraha isula tage,qaar kalena afka hadalo iskaga soo tuur tuure.waji furnaantii yaraatay in qaarba ay qaarka kale wax ka sheegto markay dhaafi wayday kala aamuse.
Cabaar markii aan laysla hadlin socdaalkiina wali lagu jiro,Oday Geele Xilkii ka dhamaa,markii uu damcay in uu Baarlamaanka ka hadho ayaa uu intii aanu dagin waxaa uu Xildhibaanadii kale ka codsaday in laysa saamaxo,maadama uu halkan kaga hadhaayo oo muddo xileedkiisii dhamaaday.
Intii aanu dagin ayaa Xildhibaan ka mida kuwii aadka uga soo horjeestay doodihiisii ayaa markiiba ku soo booday oo yidhi:Adeer naga hadh,shaydaan ayaad tahee,waayo waad naga dambaajisee,in aanad khayr qabin waan ku arkaynee,mooyi se wax doodaada nasoo dhex galiyee.
Badiba se Xildhibaanadii kale cafis iyo saamax kala wada dalbade Oday geelana iska saamaxe iyana isa saamaxe waxii hadalo turxaan leh soo kala gaadhay.
Hada muddo xileedkii qof walba ka dhamaa,waxana qof waliba uu diyaar u yahay in uu xilka si fiican u wareejiyo.
Baarlamaanka Socda:Bal Adba!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Khadar Cabdi Xasan(Gureyte)
Khadargurayte@gmail.com