Hargaysa (Hubaal)- Xildhibaan ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Dawlada Somaliya ayaa sheegay in Baarlamaankoodu Mooshin Ka Keenayo Heshiiska ay wada gadheen dawladaha Itoobiya, Somaliland Iyo Shirkadda Dp World ee maal-galinta caalamiga ah ku samaynaysa dekeda berbera. Xildhibaankan Oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Abukaate oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiiskaas somaliland ee lagu maal-galinayo uu yahay sharci daro,waxaaana uu tilmaamay in mooshinkani uu yahay mid ka adag kii hore.
Raysal wasaaraha somaliya mudane Xasan cali khayre oo isaguna la hadlay warbaahinta isaga oo ku sugan Imaraadka Carabta waxa uu heshiiska somaliland ee lagu maal-galinayo dekeda berbera ku tilmaamay sharci daro,balse waxa hadalka raysal wasaaraha ka soo yeedhay somaliland ku sheegtay mid aan waxba ka duwanayn hadaladii hore uga soo yeedhi jiray.
Somaliland ayaan iyaddu ka mid ahayn dawlada fadaraalka ah ee somaliya,balse somaliya ayaa ilaa hadda isku Adkanaynsa Midnimo ay somaliland ku tilmaamto in ay luntay lixdankii.