Baashe Cadde Iyo Wasiirro Cadho Kala Soo Dheemaalay Caleemo-Saarkii Garaad Soofe

0
30

Xaglo-Toosiye Oo U Ba-Bac Dhigay Madaxweyne-Ku-Xigeenka Puntland  Iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Wakiillada Oo Cago-Dhabad Ku Soo Galay Burco

Caleemo-saarka Garaad Soofaha Saddexaad iyo guuxii Madasha

Buuhoodle.(Hubaal)- Munaasibad Balaadhan oo ka dhacday Duleedka Magaalada Buuhoodle, ayaa shalay  lagu caleemo Saaray Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo ay walaallo ahaayeen AHN Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo badhtamihii sanadkii 2014- ku geeriyooday Magaaladaas.,

baasheCaleemo saarka Garaadka, ayaa waxa ka soo qayb galay, Wufuud ka kala socota Somaliland, Puntland, Dawllad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Gobollada kale ee Soomaalidu degto, kuwaasoo halkaasi soo gaadhay labadii maalmood ee ugu dambeeyay, si ay uga markhaati noqdaan Caleemo saarka Sandalada saddexaad ee Garaadka Beesha Axmed Garaad, oo bedelaya AHN Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo isugu hore sandalada uga dhaxlay Aabihii Garaad Soofe.

Xaflada Caleemo saarka ah oo ay khudbado ka jeediyeen hogaamiye-dhaqameedyadii ka soo qaybgalay  iyo xubno ka mid ah Siyaasiyiinta madasha ku casuumnaa, ayaa waxa Somaliland uga qayb-galay wefti uu hogaamineyey Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, kuna weheliyeen xubno wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed Xaglo-toosiye, Madaxdhaqameedyo iyo Siyaasiyiin kala duwan oo ka kala socday Goleyaasha Dawladda.

Haddaba, Munaasibadan oo ahayd mid dhaqan, balse ay goob-joog ka ahaayeen Siyaasiyiin badan oo isku beel ah, laakiinse ka watay afkaar siyaasaddeed oo aad u kala fog, Tusaalle ahaan Weftiga Maamulka Puntland ka socday oo uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaasi, Weftiga Somaliland oo ahaa heer Baarlamaan, iyo Hogaanka Maamulka la baxay khaatumo oo iyagu dabcan isbidayay inay Marti loo yahay, ayaa intii aanay furmin waxyaabo badan oo laysku khilaafay. Waxaana arrimaha laysku maandhaafay ka mid ahaa  Calamo kala duwan oo Madasha laga taagay, iyo in khudbadaha lagu koobo arrinta dhaqan ee Meesha loo yimi, oo aan laga hadal wax siyaasad khuseeya.

Waxaana is-maandhaafkaasi sababay inay xubno ka mid ah weftiga Somaliland, xaflada ka dareeraan, isla markaana si kedis ah uga soo ambo baxaan Madasha, kaddib markii ay ka biyo-diideen Khudbad uu ka jeediyay Xaflada furitaankeedii, Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante, Garaad Jaamac Garaad Cali, kaasoo halkaasi kaga dhawaaqay kelmad uu ku soo dhaweynayay garaadka cusub, kuna yidhi “Garaad ku soo dhawoow Golaha dhaqanka ee Maamulka Khaatumo” , hadalkaasi ayaa waxa dhibsaday Ergooyinka ka socday Somaliland iyo Puntland oo  mowqif isku dhow ka taagan Khaatumo.

Xubnaha Weftiga Somaliland ee bilowgii Khudbadaha munaasibada ka soo hulleelay Madasha, oo ay horkacayeen Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Howlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo ay weheliyan Isinno, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale, ayaa xalay soo gaadhay Magaalada Burco, kaddib markii ay ka soo cadhoodeen Xaflada,  inkasta oo aanay tafaasiil dheeraad ah ka bixin sababta ay uga yimaadeen.

“Markii ay khudbadihii bilaabmeen ayay ka soo dareereen xaflada, iyagoo u muuqday sidii wax ka cadhooday qaabka madashu u furantay”ayay Wargeyska Yool u sheegeen xubno ka mid ah wufuuda Munaasibada ka qayb-gashay oo aanu khadka Telefoonka ee Buuhoodle kula xidhiidhnay, kaddib markii Telefoonnada gacanta ka jawaabi waayay xubno ka mid ah  Masuuliyiinta  la sheegay inay ka soo baqooleen xaflada Caleemo Garaadka Buuhoodle oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu warkan uga xaqiijino.

Geesta kale, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe oo ay walaallo yihiin Garaadka Caleemo saarkiisa loo fadhiyay iyo xubno Madaxdhaqameedyo ah oo dhinaca Somaliland ka socday, ayaa iyagu halkaasi kaga hadhay Kooxda duhurkii shalay ka soo baqoolay Buuhoodle.

Ma cadda sababta keentay inay sidan u  kala aragti duwanaadaan Weftigan isku dhinac ahaa, kuna kala hadhaan Xaflada uu Dhibsaday guddoomiye Baashe, hase ahaatee warku wuxuu intaas ku darayaa inay Xaglo-toosiye iyo xubnaha kale ee weftigu xaflada ku sii sugnaayeen ilaa markii ay dhamaatay, isla markaana khudbadihii laga jeediyay ay qaybtooda qaateen, dhegahana ka furaysteen hadaladii aan u cuntameyn ee la jeediyay.

Wasiirka Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo hadal ka jeediyay Xaflada, ayaa Garaadka la caleemo saaray Salaan iyo Hambalyo uu sheegay inuu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland gaadhsiiyey “anigoo ah ku hadlaya afka Dawladda Somaliland ee aan Wasiirkeeda  Caafimaadka ahay, waxaanu Garaadka ku soo dhaweynayaan gacmo furan, waxaanan Hambalyo kaaga sidaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo” ayuu yidhi Dr. Xaglo-toosiye oo xaflada ka hadlay. Waxaanu intaas ku daray isagoo Garaadka kala dar-daarmaya  arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqanka ee uu ku soo biiray “Waxaad tahay Isin Axmed Garaad ah, waxaa loo baahanyahay inaad dhexdhexaad ka noqoto arrimaha Gobolladan ka jira” ayuu sii yidhi isagoo dhanka kalena Wasiir Xaglo-toosiye Munaasibada kaga dhawaaqay in  Buuhoodle ay tahay Dhul  Somaliland.

Inkasta oo aan si cad loo biniixin Karin, dhinaca Saxda ku taagnaa labada garab ee uu Weftiga Somaliland ugu kala jabay Xaflada dhexdeeda, ee ay Kooxina ka soo dareertay, qaarna ku hadheen, haddana marka la eego duruufaha Siyaasaddeed ee Madasha yaallay, waxa la tilmaamaya inay Kaadh Siyaasaddeed oo loo baahnaa ay ciyaareen Xubnaha Xaglo-toosiye hogaaminayo ee goobta ku hadhay, maadaama oo sida  la wariyey aanay waxba u habayn ee markii Jaanta laysku daray ay Madashaasi badheedhahooda ka dhiibteen. Waxaanay taasi waji gabax kale ku sii riday Weftiga Puntland oo waxoogaa debecsanaan ah dareemi lahaa hadii wufuudda Somaliland u soo faaruqiso goobta.

“Qolada Puntland laftoodu waxay la kulmeen Waji-gabax aad u heer sareeyo ee laakiinse iyagu way iska adkaysanayeen.” Sidaasi waxa Yool khadka Telefoonka ugu sheegay  Siyaasi reer Buuhoodle ah oo Xaflada ka qayb-galay.

Madashan kulmisay Dhinacyada ahdaafta siyaasadeed ee saddex geesoodka ah kala metelayay, ayaa  duwanayd tii badhtamihii sanadkii hore ay isugu yimaadeen Ergooyinkani markii ay ka qayb-galeen Aaska Marxuum Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe., maadaama aan maalintii Geerida lays dhaafsan weedho siyaasadeed, isla markaana qolo waliba markii ay aaska gondaha soo gelisay si niyad samaan ah dib ugu laabatay. Halkan Munaasibadan shalay guux iyo hugun badan dhexdeeda laga dareemayay, qof walba oo ka hadlana hadalkiisa la sarifayey.

xigasho:GNA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here