Hargeysa, (Hubaal) – Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Jaamac Xaaji Axmed Cabdi oo ay wehelinayaan xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa iyo guddida xaafada dalooldho ayaa dhagaxdhigay wado laami ah oo isku Isku Xidhi Doonta Xaafada Dalooldho iyo Xabaalaha Baqiic ee magaalada Hargeysa. Munaasibadii Wadadaasi laamiga ah oo dhan 6KM lagu dhagax dhigay ayaa waxa hadalo ka soo jeediyey Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi-Jeex Khadar Baaruud, Xildhibaan Xildhibaan Xasan Shahar, Xildhibaan Cabdi Cali, Guddida Xaafada Daloodho iyo masuuliyiin kale oo ka waramay faa’iidada wadadaasi ay bulshada u leedahay.
Ugu horayn badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Joo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxa noo sharaf ah in aanu idinkala soo qaybgalno dhagax dhiga waddadan dhererkeedu yahay 6KM, bala balaceeduna yahay 60-ka mitir ee ay Wada fulinayaan Dawladda Hoose iyo dadweynaha 26-ka June.
Waddooyinku runtii waxay muhiim u yihiin nolosha bani’aadamka iyo quruxda magaalooyinka, waxa laga yaabaa waddadani marka ay bilaabanto in dadkii beeralayda ahaa ee is-abaabulay ee dhulkan lahaa inuu qiimo fiicani ugu kordho, Runtii waanu idiinka mahad naqaynaa sida xaafadaha magaaladu ay isku abaabuleen ee ay uga qaybqaadanayaan horumarka dalka” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa, waxaanu yidhi “Wax waliba qorshay leeyihiin, qorshuhuna ka noqosho ma laha, marka hore wixii la qorsheeyo sidii loo qorsheeyey iyadoo cidna aan loo danaynayn oo ummadda oo dhan loo danaynayo ayay u dhacaysaa.
Waxaan dadweynaha uga mahadnaqayaa is-abaabulka ay is-abaabuleen ee ay qaybtoodii ula yimaadeen si waddadan loogu dhiso oo wadadaasi ay dhisanto oo faa’iido aan la qiyaasi karin u yeelan doontaa xaafada.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdi Cali.
Waxa kale oo isaguna munaasibadii dhagaxdhiga Wadadaasi laamiga ah ka hadlay Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa kaas oo dadweynaha xaafadaha ugu baaqay inay gacmaha isku qabsadaan sidii waddooyin ay u dhisan lahaayeen, horumarkana ay uga shaqayn lahaayeen.
Xildhibaan Xasan Shahar Shahar oo arimahaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Dadweynaha xaafada waxaan leeyahay waar gacmaha ha la isqabsado oo cidii wax soo bixisay maahee cida kale ee ay wax ku hadhsan yihiin, cidna wax laga qaadi maayo cidna la dhaafi maayee jeebadooda ka ku noqoto, maxaa yeelay qiimaha meeshoodu waxay ku xidhan tahay wadadaasi.
Waa in aad taasi ogaataan oo si lexejeclo ah looga shaqeeyo oo wadada la ilaashado oo hadaynaan hareeraha ka joogsan oo aynu wadadaasi ilaashano, dad wadooyinka baabiiyo oo guba ayaa jira ee aynu wadooyinka ilaashano, oo tacabkeenana aynu muujino oo sida aynu wadadanba iskagaga kaashanay aynu kuwo kalena iskaga kaashano oo aynu uga wada shaqayno” ayuu yidhi Xildhibaan Shahar.
Cabdiraxmaan Nuur Cigaal oo isaguna ku hadlay Afka guddida Xaafada Daloodho ayaa yidhi “Wadadan waxa u kacay dadka beeralayda iyo deegaanka xaafada, anagaana ku tashanay in aanu Wadadan dhisano iyo in aanu Xarun Bileys iyo in aanu Dugsiyadii Samaysano. Xaafadu hadii aanay iskaashan ‘gacmo wada-jir ayay wax ku keenaan’ runtii dawladda awoodeeda waynu garanaynaa oo wax yar ayay qaban kartaa, maalinta dawladdu ay dhaqaale hesho iyadaa wadooyinka oo dhan inaga kafaala qaado doonta oo inoo dhisi doonta, balse waxay wakhtigan u baahan tahay in shacabku ay kala shaqeeyaan” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Nuur Cigaal, Guddoomiyaha Guddida Xaafada Dalooldho.
Badhasaab ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex Khadar Baaruud iyo masuuliyiin tiro badan kuwaas oo dhamaantoodba ka waramay faa’iidada wadadani ay bulshada u yeelan doonto, maadaama oo ay isku xidhayso Xaafada Daloodho iyo Xabaalaha Baqiic ee magaalada Hargeysa oo ay fududayn doonto isku socodkooda.