Badhasaabka Maroodi-jeex oo Markii ugu Horreysay Shahaado-sharaf ku Maamuusay Mid ka Mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolkiisa

0
103

Guddoomiyaha Degmada Daarsalaam oo muddo kooban oo uu xilka hayey kasbaday ammaan iyo bogaadin weyn

gudoomiyaha degmada daarasalaam

Hargeysa (Hubaal)- Xafiiska Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex ayaa markii ugu horreysay taariikhda shahaado-sharaf waxqabad ku maamuusay mid ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka hoos-yimaad.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mr. Cabdillaahi Gaaxnuug (Buraale), ayaa shahaado-sharaf uu ku mutaystay waxqabadkiisa guddoonsiiyey Guddoomiyaha Degmada Daarsalaam Mr. Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed shalay.

Xaflad maamulka Gobolka Maroodi-jeex shahaado-sharafta ku guddoonsiiyeen Guddoomiyaha Degmada Daarasalaam Mr. Cabdikariim oo xilka hayey muddo ka yar laba bilood oo lagu qabtay xafiiska Badhasaabka, waxa ka qaybgalay masuuliyiinta gobolka, siyaasiyiin, cuqaal, odayaal iyo waxgarad kale.

Xoghayaha Maamulka Gobolka Maroodi-jeex Mr. Xamse Ciise Cabdi, ayaa sharraxaad ka bixiyey sababaha maamulka gobolkiisu markii ugu horreysay shahaado-sharafta dhiirrigelinta ah ugu maamuuseen Guddoomiyaha Degmada Daarsalaam oo dhacda woqooyiga caasimadda Hargeysa.

 “Waxa uu Guddoomiyaha Degmada Daarsalaam ku mutaystay shahaado-sharaftan waxqabad uu muujiyey muddo kooban oo uu xilka hayey iyo qolo maalin dhewayd sifo sharci-darro ah macdan kaga baadhanayey degmada iyagoon soo marin Wasaaradda Macadanta iyo Tamarta Somaliland, kuwaas oo uu gacantiisa ku soo dhigay, isla markaan horkeenay xafiiska badhasaabka. Run ahaantii waa arrin aannu aad iyo aad ugu ammaanayno xilkasnimadaasi iyo delaalkaas uu muujiyey,” ayuu yidhi Xoghaye Xamse.

Siyaasiga Axmed Cali Dable oo ah guddoomiyihii ugu horreeyey ee degmada Daarsalaam oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa wax lagu farxo iyo guul taariikhi ah ku tilmaamay shahaadada maamulka Gobolka Maroodi-jeex ku maamuuseen waxqabad uu muddo kooban ku muujiyey Guddoomiyaha degmadooda Mr. Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed oo ah wiil dhallinyaro ah oo aad u dedaal iyo karti badan.

Mr. Dable oo arrimahaas ka hadlayey waxa uu yidhi; “Runtii farax weyn bay aniga ii tahay inaan arko guddoomiyaha Degmada Daarsalaam oo abaalmarin lagu maamuusayo, waayo waxaan ka mid ahay dadkii aasaasay degmada iyo guddoomiyihii ugu horreeyey, waxaanan Guddoomiye Cabdikariim ku ammaanayaa isagoo muddo kooban joogay inuu guul ka soo hooyey. Waxaan ku boorrinayaa odayaasha iyo bulshada degmada far kaliya fool ma dhaqo ee waa in lala shaqeeyo oo la isgarab taago guddoomiyahaasi shaqaynaya.”

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Mr. Cabdillaahi Gaaxnuug (Buraale) oo isaga laftiisu xilka ku cusub, ayaa ammaan iyo bogaadin weyn u jeediyey Guddoomiyaha Degmada Daarsalaam oo uu sheegay inuu la yimmi waxqabad iyo dedaal xooggan oo sababay in maamulka gobolkiisu ku maamuuso shahaado-sharaf dhiirrigelin ah, isagoo guddoomiyeyaasha kale ee degmooyinka gobolkana ugu baaqay inay ku daydaan Cabdikariim.

“Cabdikariin waa masuul xilkiisii ka soo baxay. Waxa uu magacownaa muddo aan lab bilood gaadhayn. Nimanka ajnebiga ah khayiraadka dalkeenna tuugada ku guranayey ee uu soo qabtay, xafiiska ayaa la iigu keenay, waxaanan leeyahay Guddoomiye Cabdikariim waddankaaga ayaa ku abaalmarin doona, Ilaahay baa kaa abaalmarin doona waxqabadkaaga.

Waxa kaloon halkan farriin uga dirayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka kale ee Gobolka Maroodi-jeex oo aan leeyahay ilaashada khayraadka dalkiina oo sidaas Cabdikariin waajibaadkiisa uga maray waa in aad heegan u ahaataan horumarinta iyo ilaalinta degaannada aad qaranka ugu xilsaaran tihiin,” ayuu yidhi Guddoomiye Buraale.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Degmada Daarsalaam Mr. Cabdikariim Cali Sheekh Maxamed, ayaa si weyn ugaga mahad-celiyey Badhsaabka iyo guud ahaan maamulka Gobolka Maroodi-jeex shahaadada ay ku sharfeen, waxaannu ballanqaaday inuu sii kordhin doono dedaallada uu ku doonayo horumarinta degmadiisa, isagoo shacabka degaankiisana ka dalbay inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan horumarka adeegyada kala duwan ee degmada.

“Runtii aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Gobolka shahaado-sharafta ay igu maamuuseen, waxaan isleeyahay waxaad qabatay  hawl qaran oo waajib igu ahayd,  waan mid ku waajib ah masuul kasta oo qaranka xil ka haya inuu ilaaliyo qarankiisa, markaa aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in igu dhiirrigaliyo hawasha qaran ee aan hayo.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay qaar ka mid ah cuqaasha iyo odayaasha degaannada degmada Daarsalaam, kuwaas oo dhammaantood soo dhoweeyey shahaado-sharafta lagu maamuusay guddoomiyaha cusub ee degmadooda, iyagoo ballanqaaday inay taageero buuxda la garab joogsan doonaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here