Badweynta Mediterranean-ka Oo Mar Kale Liqday Doonni Cabirkeedu Yahay 25m & Muhaajiriin 700 Ka Badan Oo Saarnaa

0
35

AKHRI: Tirada Meydadka La Helay, Inta Nolol Lagu Bedbaadiyey Iyo Qaabka ay Doonidani U DegtayCIIDAN-BADBAADINAYA-TAHRIIBAYAAL-BADDA-KU-DEGAY

Crete (Hubaal):- Ugu yaraan Boqol iyo Siddeed Qof, ayaa la weriyey in ay dhinteen, Boqollaal kalena waa la la’yahay, ka dib markii ay degtey Doon ay saarnaayeen Muhaajiriin Afrikaan ah oo maraysay Badda Mediterranianka. Wakaaladda Wararka ee AFP, ayaa sheegtay in Doontani ay ku degtey Xeebaha dalka Giriiga. Afhayeen u hadlay Ciidammada dalka Giriiga, ayaa sheegay in illaa 340 Qof la soo badbaadiyey, halka afar Maydna ay heleen ilaalada Xeebaha ee Giriiggu, Boqol iyo Afar Ruuxna ay Meydadkooda heleen Ciidanka ilaalada Badda ee Liibiya. Howlgal ballaadhan oo badbaadin ah, ayaa ka socota meel ka baxsan Jasiiradda Giriigga ee Crete, halkaas oo ay Doon sidday illaa toddoba Boqol oo Muhaajiriin ah oo ay sidday kula degtay Badda Mediterranianka. Wakiilka Ururka caalamiga ah ee Muhaajiriinta Daniel Esdras, ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay in Doonta oo 25 Mitir aheyd ay qaadi karaysay illaa 700 (toddoba boqol) oo Qof. Maraakiibta ilaalada Xeebaha, Diyaarado iyo Helikobatoro ah, ayaa howlgalka qeyb ka ahaa oo Boqol Kiilomitir Xeebta ka fog. Illaa hadda dhowr Doonyood oo Muhaajiriin ah, ayaa soo gaadhay Xeebta Crete oo ku taal Waqooyiga Libiya iyo Masar. Hay’adda socdaalka dunida ee IOM loo yaqaanno, ayaa Masuuliyiin u hadlay waxay sheegeen inay aamminsan yihiin in Doontani ay ka tagtay Qaaradda Afrika, isla markaana ay saarnaayeen illaa 700 oo Qof. Warar kale, ayaa sheegay in Ciidammada Xeebaha ee Liibiya ay ka heleen Badda illaa 104 Boqol iyo Afar Meyd oo loo malaynayo dadka Doontaas saarnaa ee adda ku nafwaayey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here