Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo saraakiisha sarsare ee xisbigaas,hogaanka dhalinyarada iyo haweenka,mudanayaal ka tirsan baarlamaanka,madax-dhaqameed,dhalinyaro iyo taagerayaal badan ayaa Habeen hore waxay isugu yimaadeen munaasibad uu xisbiga Waddani ugu dabaaldegayay xuska sanad guurada 24-aad ee kasoo wareegtay maalinta gooni isutaaga Somaliland oo lagu qabtay hotel Maansoor ee ,magaaladda hargeysa.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka waramay ahmiyada ay umada maalintani leedahay,isla markaana dhambaal hambalyo ah u diray shacbiga reer Somaliland iyo ciidamada “waxaan u hibaynayaa shacabkayga reer Somaliland iyo Dhammaan ciidamada Somaliland ee kala duwan inaynu maanta u dabaaldageyno maalinta qaranimada jamhuuriyada Somaliland 24 sanadood ka bacdi waxaan leeyahay dhammaantiin hambalyo,sidaynu ognahay 18-ka May waa maalin ku weyn quluubta shacabiga reer Somaliland oo ay u rumowday himiladii ay tabaysay ee ahayd inay gobanimadeedii Lixdankii ka luntay ay dib ula soo noqdaan magaaladda Burco 18-kii May 1991-kii”. Munaasibadan oo ku bilaabantay jawi degan,isla markaana kusoo gabagabowday ayaa dhammaan masuuliyiintii kala duwanaa ee ka soo qaybgalay waxay tilmaameen geedi socodkii loo soo maray badax-bannaanida qaranka jamhuuriyada Somaliland ee haatan 24 jirsaday.