Bahalkii Ilmaha Naga Qaatay! – Turjumiddii: Maxamed-Haykal

0
52

 – Turjumiddii: Maxamed-Haykal

Dhanka jikada kolkii aan u soo dhaqaaqay ayay ii soo urtay cunto aad u udgooni. Inantayda Liisa ayaa kolkaa gacanta kula jirtay dheriga. ‘Waa noocee cuntada aad maanta karisay hooyo?’ Ayaan weyddiiyay. ‘Wax aan kariyay baasto, [lasagne]’ ayay tidhi. Inantayda Liisa, waxa ay tababar ugu jirtaa in ay noqoto cunto-kariye sare, sababtaas ayaanay had iyo jeer madbakha ugu badnayd. Waxa ay ahayd mid jecel in ay markasta hilib shiilan iyo digaag la moofeeyay u kariso aabbaheed [Rowdhi] iyo aniga, beryahan se waxaad mooddaa in woxogaa isbeddel ku dhacay. Hadda dhow ayuun bay is barteen wiil ay is calmadeen. Magaciisa waxa la yidhaahdaa Istiif, aad ayaanay iskaga heleen. Si kastaba ha ahaato’e, markasta waxaannu jeclayn in aannu aragno aniga iyo aabbaheed, weli se lama aannu kulmin wiilka. Inkasta oo aanu isagu qiran, haddana Istiif toban sannadood ayuu da’ ahaan ka weynaa Liisa. Galab galbaha ka mid ah ayaan ka imid shaqada. Kolkii aan guriga soo galay, waxa aan arkay inantaydii [Liisa] oo keligeed fadhiga yuururta, ciddiyaheedana qanqaniinaysa! ‘Ma wax dhibaa jira hooyo?’ ayaan weyddiiyay. Cabbaar ayay iga aammustay, dabeedna waxay hoos u tidhi “uur ayaan leeyahay.” Neeftu inta ay igu noqotay ayaan ku idhi: “Istiif ma ogyahay arrinkaa [uurka]? Muxuu se ka qabaa?’ waxa ay tidhi: “waxa uu rabaa in aan ilmaha iska soo rido, aniguna ma doonayo in aan sidaa yeelo!’ Inta aan kacay ayaan gacantayda dhabankeeda saaray, kuna idhi ‘aniga iyo aabbahaa ayaa kuu nool, waannu ku taageeri doonnaa adiga iyo ilmahaagaba.. ha werwerin hooyo.’  Da’deeda oo aad u yarayd iyo hooyonnimada ku soo fool leh darteed, waan u werweray runtii. Liisa kolkaas ayuun bay 19 sano jir noqotay. Si kastaba ha ahaatee, Istiif muddo ayuu ka cago’jiidayay in uu aqbalo in ilmaha Liisa caloosheeda ku jira uu aabbe u noqdo. Waxaan se is lahaa, aakhirka wuu oggolaan doonaa fekerka aabbennimada. Ugu danbayn Istiif wax uu oggolaaday in uu na soo booqdo oo gurigayaga yimaaddo. Runtii wax aan ila habboonayn ayay ahayd kolkii uu caweys noo soo galay isagoo xidhan surwaal baalid ah iyo funaanad kuwa ciyaartoyda ah. Kolkii uu soo fadhiistay, madaxa ayuu yara gundhiyey [salaan ahaan] – laakiin erayada la isku salaamaa afkiisa kama soo bixin! Si kastaba ha ahaato’e, xidhiidhkii isaga iyo Liisa u dhexaysay ayaannu kala hadalnay. Kolkii aannu toos ula soo qaadnay arrintii qusaysay uurka, isaga oo aan hadal toos ah soo celin ayuu garbaha gundhiyay [in aanu waxba ka qabin]. Kol danbe ayay Liisa tidhi, ‘Istiif waa uu iska xishood badan yahay, sababtaas ayaanu u hadal badnayn..’ – hayeeshee aniga wax foolxun ayay iila muuqatay qof aan ku faraxsanayn in uu waalid u noqdo canug u dhalan doona! Wakhtigu waa uu sii socday oo Liisa sidkeedii ayaa soo dhowaaday. Jeer kasta waayo’aragnimadayda hooyonnimo ayaan la qaybsan jiray oo wax uga sheegi jiray marxaladaha ay marayso, anigoo niyadda u dhisi jiray. Arrin kolkol werwer igu abuuri jirtay wax ay ahayd; kolka ay ii sheegto in aanu Istiif weli ku faraxsanayn ilmaha u dhalan doona! Ayaamo dabadeed ayaan goor fiid ah guriga soo galay, anigoo qolkayga jiifka nasasho isku yara kala bixiyay [yara jiifsaday]. Inyar dabadeed, wax aan maqlay Liisa oo qolkeeda ka qaylinaysa! Degdeg inta aan u kacay ayaan u cararay dhankii qolkeeda. Albaabka haddii aan ka galay, waxa aan arkay wiilkii (Istiif) oo laad iyo dhirbaaxo la dhacaya Liisa! Inta aan ku soo booday ayaan gacanta soo dhuftay isaga, kor inta aan ugu qayliyayna ku idhi, “iiga bax gurigayga!” aayar ayuu iska baxay. Dabadeed, Liisa oo sariirteeda kor fadhida, aadna u gariiraysa ayaan ku foorsaday. ‘Sidee wax u dhaceen hooyo?’ ayaan weyddiiyay. Waxa ay iigu jawaabtay: “ma doonayo in aan ka hadlo wixii uu igu dilay!” Mar danbe ayay ii sheegtay, kolkii uu dilayay in uu ku yidhi, ‘haddii aad ilmaha iska soo ridi weydo aniga ayaa xoog kaaga soo ridi’! Aniga wax ay ila ahayd; markani in ay ahayd kolkii ugu horraysay ee uu sidan ula dhaqmo inantayda. Cabbaar dabadeed, waxa aan kula taliyay in ay xidhiidhka u jarto, wixii ay kaalmo u baahatana aniga iyo aabbaheed ugu filnaan doonno. Laakiin ima ay maqlin oo xidhiidhkoodu wuu iska soo socday, illaa ay ka dhalanaysay inantooda curad [Keyti]. Maalintii ay umushay, waa uu la joogay wax aanu u muuqday nin danaynaya ilmihiisa yar. Bilo ka dib, kol uu guriga nagu soo booqday, inantiisu marka ay ooydo waxa uu u muuqday sidii qof dhibsanaya oo kale! Beryihii danbe, waxaaba nasiib wanaag noo ahayd, kolkii uu joojiyay in uu soo booqdo Liisa iyo inanteeda. Keyti kolkii ay laba sano jirsatay, waxa aannu u qabannay xaflad dhalasho (birthday party), halkaas oo aannu ku guddoonsiinnay keegag iyo agabka ay carruurtu ku ciyaarto. Habeenkaa, Keyti aad ayay u faraxsanayd, iyadoo siidhi afuufaysay kolna xumbo ku biibinaysay hooyadeed.

Toddobaadkii kaa xigay, Keyti aniga ayay guriga ila sii joogtay, maaddaama hooyadeed [Liisa] u baxday ballan ay la lahayd Istiif. Woxogaa dabadeed, kolkii ay ahayd in ay Keyti seexato, ayay soo wacday si ay u tidhaahdo: ‘habeen wanaagsan inantaydiiyeey, hurdo fiican seexo.’ Kolkii ay la hadashay kaddib, waan seexiyay Keyti. Inyar kaddib ayaan aniguna sariirtayda iska tegay oo hurdo isu diyaariyay. Goor hore ayaan habeenkaa seexday, laakiin, hiraabtii ayaa uu telefoon igu soo dhacay. Waa telefoonkayga gacanta.  Qofka I soo wacay waa Istiif hooyadii. Weligeed ba xilligan oo kale ima ay soo wicin. Kolkii aan telefoonka ka jawaabay, gargariir iyo hiqhiqlayn hoose ayaan ka dareemay. ‘Naansiyeey, waxa ii soo galay Istiif, waxa aan u malaynayaa qofka uu soo dilay waa Liisa, dharkiisa iyo gacmihiisaba dhiig ayaa ka muuqda!’ Naxdin ayuu dhulku ila wareegay. Waxa igu adkaatay in aan rumaysto codka oohintu weheliso ee warka dhiillada leh ii sheegaya. Degdeg ayaan booliska u wacay anigoo weliba qaylo uugu sheegay waxa dhacay. Daqiiqado gudahood, biligbiligta nalalka baabuurta booliska ayaa daaqadda iiga muuqatay. Cusbitaalka ayaannu degdeg u tagnay annagoo rumaysan la’a waxa inantaydii aan jeclaa ay mudatay. Nasiib wanaag, dhakhaatiirtu wax ay nagu wargeliyeen in ay Liisa nooshahay. Laakiin kolkii la I tusay iyadii oo qalabka neefsigu ku rakiban yahay, dhab ahaan waan aqoonsan waayay in ay Liisa tahay iyo inkale! Madaxeedu waxa uu le’ekaa una muuq eekaa kubbad aad loo buufiyay oo kale! Dhakhaatiirtu werwer ayay ka qabeen, Liisa in ay sii noolaan karto inta ay xaaladdan ku jirto. Aniga iyo Rowdhi, naxdin ayaannu ku fadhinay qaybta bukaan-socotada lagu sugo. Mar kaliya ma aannu xasuusan xitaa Keyti oo aannu jaarka kaga nimid. Muddadaa saddex bilood kaddib, dhakhaatiirtii ayaa nagu wargeliyay in ay Liisa ka soo baxday miyir-beelkii ay ku jirtay. – Saddex bilood oo xidhiidh ah ayay inantaydu miyir-daboolnaan (coma) ku jirtay. Ayaamo dabadeed ayaa laga soo saaray cusbitaalkii ay muddadaa ku jirtay. Guriga goortii la keenay, Keyti waa ay aqoonsan weyday qofka muuqan lihi in uu yahay hooyadeedii ay jeclayd [Liisa]. Inantaydii aan jeclaa ee cunto karinta wanaagsanayd, waa ay naafoowday oo dareemayaasha maskaxda, xangullaha, duud-dheerta iyo madaxa ayaa shaqo gabay! Sidoo kale, xasuustii ayaa ka luntay, jidhkeeda intiisa badanna dareenkii ayaa ka tegay! Waxa cawo noo ahaa, kaliya suulkeeda bidix ee gacanta in ay dhaqaajin karaysay kolka ay wax doonayso amma tilmaamayso. Waxa ay noqotay, qof nolosha inta uuga dhiman u baahan daryeel gooni ah iyo qof kale oo markasta xannaaneeya amma kaalmeeya. Inanteedii Keyti ayaa xitaa ku dhici weyday in ay hooyadeed dhunkato amma salaan laab’gelin ah siiso. Qalbijab iyo xanuun nafsiyeed oo aanan hore u qabin ayaan ka qaaday dhibta ay inantaydu mudatay runtii. Sannad kolkii laga joogo habeenkii waxyeelladaasi Liisa gaadhay, maxkamad ayaa la soo taagay soddon iyo laba jirkii inantayda naafeeyay. Waxa lagu helay: xadgudub denbi oo ah; in uu afartan (40) jeer madaxa laad xoog ah kaga dhuftay Liisa, illaa dhiiggeedu uu qariyay surwaalkiisa, garacacis naxariis la’aan ah oo ku siman wejiga illaa dhabarka oo uu u gaystay iyo in uu meel lagu nasto oo cidlo ah (park) kaga tegay. Naxariislaawihii danbiyadaa lagu helay, maxkamaddu wax ay ku xukuntay afar sano oo xabsi ah! Runtii, qalbijabkii iga soo gaadhay ciqaabtii ay inantaydu ay martay, waxa igaga sii darnaa qafiifnimada xukunka lagu qaaday dhib-gayste Istiif. Inantaydii uu dilay, waxa ay gabtay socodkii, in ay hadasho, in ay wax cunto iyo in ay xitaa musqul aadi karto! Waxa ay noqotay; mid aan hooyo u sii ahaan karin inanteedii ay jeclayd [Keyti]. Isaguna (Istiif), maalintii uu xabsiga sii geliyay ee aannu maxkamadda ka soo baxaynnay, si digasho ah ayuu suulashiisa gacmaha noogu soo taagay (isaga oo noo muujinaya sida uu ugu faraxsan yahay wixii uu Liisa u gaystay). Bahdilaad iyo xurmo darro tii ugu xumayd ayay nagu ahayd, ninkii inantayda carcaraafiyay in uu sidaa weliba noogu sii jeesjeeso! Laba sano ayaa ka soo wareegtay maalintii xukunka maxkamaddu dhacay. Aniga iyo Rowdhi waxa aannu mashquul ku noqonnay daryeelka inantayada Liisa, iyadoo noloshii kale naga dayacantay. Waxa intaa noo sii dheerayd, iyadoo labadayaduba aannu da’ ahaan sii gaboobaynnay. Dhinaca kale, waxa nasiib fiican yara ahayd in ay Keyti soo koraysay oo markan ogaanaysay hooyadeed iyo xaaladaha ay martay. Waxa se iyaduna nasiib darro ahayd, Liisa in aanay inanteeda Keyti marnaba cod ahaan ula hadli karin, si kale oo ay u fahmi kartana wax ugu gudbin karin! Annaga oo xaaladahaa murugsan ku nool, ayaannu markale ka war helnay in danbiilihii Liisa xabaal’nololiyay xabsigii laga soo daayey! Waxa uu xabsiga ku soo qaatay laba sannadood oo kaliya. (Waa nidaamka garsoorka Ingiriiska oo maxbuuska maalintiisu waan 12 saacadood). Kolkii la soo daayay maalmo kaddib, galab anigoo guriga jooga ayaa telefoonka laga iga soo wacay. Cidda i soo wacday waa waaxda adeegga bulshada (social services). Kolkii aan dhegaystay arrinta ay igala hadlayeen, waxa aan ku sigtay in aan dhulka ku dhaco! Waxa ay ii sheegeen: in Istiif uu rabo in loo oggolaado gabadhiisa Keyti in uu arko! ‘Maya, waa ma dhacdo taasi’ ayaan ku idhi. Ka hor intii aanan dhulka ku tuurin telefoonkii ay igala hadlayeen, ayay ii sheegeen in uu sharcigu xaq u siinayo in uu gabadhiisa arko! Wax aan samayn karo, oo arrintaa aan ku baajin karaa ma jirin. Ma ninkii inantayda nolosha ku silciyay, si kastana u aayotiin tiray ayaan u oggolaadaa gurigayga si uu canugta aan ayeeyda u ahay wakhti ula qaato? Ma aan rumaysnayn, in uu xaq u yeelan karo danbiile in uu arko inantii uu hooyadeed ifka seejiyay, iska daa in uu wakhti la qaato’e. Sidee ayuu ‘aabbo’ ugu dhihi karaa una dhunkan karaa canugtii uu hooyadeed dilay? Weyddiimahaa ayaa maankayga ruxayay. Si kastaba ha ahaato’e, hooyadii ayaa maalin danbe ii timid si ay u kaxayso Keyti, si ay toddobaad ula soo joogto dilaagii aabbaheed ku magacawgaa. Toddobaadkii oo aan dhammaan ayay masiibo kale i heshay! Waxa xanuun u geeriyooday odaygaygii Rowdhi! Dhib iyo kadeed kale ayaa halkaa iiga bilaabmay. Runtii murugo ayaa wehel u noqotay noloshaydii oo idil, rejo kasta oo aan qabayna waan ka quustay. Inantaydii uu arxanlaawe Istiif dilay, waxa jidhkeeda ku dhacay barar saa’id ah. Kolkii aan muddo la tacaalayay xaaladda caafimaad ee Liisa, ayaan markii danbe go’aansaday in aan ka guuro gurigii aan degganaa si aan u dego mid kale oo cusbitaalka aad ugu dhow. Waxa ay noqotay in aan cusbitaalka hore iyo gadaal ugu sii wado. Maalin maalmaha ka mid ah, Liisa oo sariirta cusbitaalka jiifta, ayaan dibedda u baxay si aan koob shaah ah u soo qabsado. Kolkii aan soo laabtay, anigoo daaradda cusbitaalka maraya ayuu igu soo duulay cod aan garanayaa! Waa aan naxay dhab ahaan. Gadaal ayaan fiiriyay, mise waa Istiif… waa arxanlaawihii oo gabadh ku leh: “Waa ii farxad in aan ku arkaa, waa aad muuq qurxoon tahay!” Niyadda ayaan iska idhi: ‘Liisa maanta ma muuqaal qurxoona sow ma aha? Cidda sidaa ka yeeshay waa ayo? Waa arxanlaawahan! Oohin baan isku celinayay indhahaygana ilmada ayaa ka tifiq lahayd. Inyar kaddib ayaan ogaaday; ninkan naxariista darani in uu shaqaale ka yahay cusbitaalkan ay jiifto gabadhii uu xabaal-nololiyay! Waan argaggaxay runtii, mana ahayn wax la aqbali karo. Kolkiiba waxa igu soo dhacday; haddii ay Liisa indhaha saarto arxanlaawe Istiif in ay naxdin u geeriyoon karto! Dabadeed, farriin cabasho ah ayaan u gudbiyay maammulkii cusbitaalka. Waa ay iga aqbaleen [malaha qayb kale ayay isagii u wareejiyeen]. Dhab abaantii, caddaalad-darro tii ugu xumayd ee bani’aadam muto ayay ahayd, in uu Istiif xaq u yeesho shaqo iyo in uu noloshiisa dabbaro, halka ay gabadhaydii aan jeclaa ku nolol weyday! Waxa igaga sii darnayd; kolkii aan arkay uma uu muuqan nin weligii cid biyo ka daadiyay – jewi naruuro leh iyo farxad ayaana wejigiisa ka muuqatay. Haddii aan maalin kaliya arko Liisa oo nuuxsanaysa amma suulkeeda bidix dhaqaajinaysa, waxa ay ii ahayd mucjiso samada la iiga soo diray iyo nasri ii bidhbidhay! (Dhaqaajintii suulkana waa ay gabtay)! Kolkii aan talax gabay, ee culayskii adduunna iga batay, Liisa oo dhul-yaal ahna aan ka badin waayay, Keyti oo ah canugtii inantaydu dhashay waa la igala wareegay! Ninkii Liisa xaaladdaa baday afar sano ayaa lagu xukumay oo weliba laba sano u noqday, aniga iyo Liisana inta noloshayada ka dhiman ayaa na lagu xukumay! Waxa ii raacday; Keyti oo magacii laga beddelay arxanlaawihii dhalayna maxkamadi siisay!

F.G: sheekadan waxa qortay majalladda dhacdooyinka runta ah qorta ee  Take a Break, cadadkeedii soo baxay 16 July 2015. Waxa aan u turjumay sidii ugu dhowayd, aniga oo aan waxba ka tegin waxna ku darin.

Turjumiddii: Maxamed Muxumed Cabdi “Haykal”

Email:maxamedhaykal020@gmail.com

Bristol/UK

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here