Adigoo cirbaxsan ayaad guriga soo gashay. Waad miliqsanaysaa sidii masa-cagalay haraadday. Afka ayaad shanta farood kula jirtaa sidii oo aad iyaga ku cadayanayso. Dadku way kula yaaban yihiin laakiin adigu waad findhicilanaysaa oo kaliya.
Saaka tobankii subaxnimo jabanihii aad ku bilawday ayaad tobankii habeenimo ka soo kacday. Mirqaan ayaad kax tahay. Kaxba waad dhaaftoo kaw ayaad ku dhawday. Qaadka kuma badnid laakiin markaad gacanta u qaaddo iimaankaa kaa taga oo waad ku mamtaa. Maqsinkaagii markaad gashay ayaad deg-deg maryaha isaga bixisay waayo kaadi kulul ayaa ku haysay. Wax shiday aduu war uma hayside, waxaad jaleecday shaashada Tv-ga oo uu ka dhex muuqdo nin xiiqsan. Qawlalada ayuu ka xunbaynayaa isagoo leh ”musuq-maasuq, wax-qabad la’aan iyo nidaam xumo ayaa ina rogay”. Adoon hadlin ayaad niyada ka tidhi ‘waa runtii’ ishana waad la sii raacday. ”caalamka xisaabtan la’aan iyo hantida umada oo sidii la doono laga yeelo lagama yaqaanno, sidan aynu nahayna cidi isuma maamusho” ayuu yidhi.
Wadh-wadh!! Waar horta ninkani kumuu ahaa ayaad is waydiisay. Cabaar haddaad ka fikirtayna waxaad xasuusatay inuu yahay ninkii aad maalintii dhawayd idaacadda codkiisa ka maqlaysay ee qurba joogta ahaa, haddase waddanka ayuu joogaa. Caawana majliskii lagu qayilaayey isaguunbaa lagu hadal hayey. ”Annagu caafimaadka, waxbarashada iyo shaqada ayaanu xoogga saaraynaa, dhallinyaradana shaqooyin ayaanu u abuuraynaa” intaa markuu yidhi ayay niyaddu kuu yara qabawday. Waayo busaarad ayaad indhaha isku haysatay oo dambaska ayaad ahayd, reerkana haddaan inanta dibada ku maqani wax idiin soo tuurin waa hore ayaad shuf beeli lahaydeen oo macaluul u madhan lahaydeen. Suuquna ayaamahan wuu soo xumaaday oo shaxaad ma leh, shaqana waligaaba kumaad salaaxin.
Caydh looga baxdan xaggaanu uga kacnaa ayaad maalin walba tidhaahdaa. Waxad haddana maqahsay isagoo leh ”Walaalayaal qabyaaladdu waa cudur halkaa wax ina dhigayna waa iyada, annaguna inaanu wax ka qabanno ayaa naga go’an”. Isaga haybtiisa xanbaad ku haysee waxaad isha la raacday dhawrka nin ee hareeraha ka taagan. Lix ka mid ah ayaad garatay wajiyadooda iyo ciddooda, waxaana kuu soo baxday inay isaga isku reer yihiin. ‘Ilmaadeerradiina wuu isku xeeray qabyaaladna wuu ka hadlayaa tolow ma inaanu waallanay ayuu noo haystaa’ ayaad haddana niyadda ka tidhi. Yaabkaagii ayaad sii wadatay isna dal-dalankiisii ayuu sii watay oo yidhi ”Dawladdu way ku fashilantay inay dhallinta badaha ka bad-baadiso sidaa darteed dhallinyarada waxaanu u sheegaynaa inay samraan oo aanay tahriibin”. ‘Isagu waa kan ka yimi Yurube sifo noocee ah ayuu ku tagay?’ ayaad hoos isu waydiisay.
Inanta guriga idiinka shaqaysaa waa inan wanaagsanoo markaad soo gasho guriga cunto iyo waxbay kuula soo carartaa laakiin caawa shaah ayey kuu keentay adna waad qaldhabaysay oo waabad isaga baahnayd. Markii ay ku tidhi ‘hoo qabsana’ adoo muraayadda ku maqan oo aan xaggeeda eegin ayaad ka qabatay, wax kale oo ay ku sii tidhina maad maqlayn, sidaad u sii wadayna afka ayaad koobkii saartay.
Waxa koobka ku jira maad hubin, haddana Illaahaybaa iska kaa ilaashanaayoo maad cantuugine fiiq ayaad ka siisay dabadeed faruuryaha ayaa ku muudh-muudhay ‘tufoo! ax ax! naa waa maxay waxan aad noo dhiibtay?’ ‘dee waa shaah sootaanu kuu sheegnay maaha ma dhagahaad la’day’ ayey ku tidhi, shan farood oo kuwii qumanyada aad moodo, oo macnahoodu yahay hana cunina sidaas ayey kuu soo fiiqday.
Intood indhaha sidaa ugu gubtay ayaad isaga jeesatay oo aad indhaha ku celisay shaashadii. Waa ninkii oo leh ”midnimada iyo wax wada qabsiga ayaanu annagu xoogga saaraynaa oo aanu ka shaqaynaynaa”. ‘Oo kuwan uu caayayo ee dhaleecaynayo iyagu miyaanay dadka la midaynaayo ka mid ahayn? Muxuuse ugu biiri waayey oo wax qabadka uu sheegayo ula kaashan waayey? ”Anigu nin siyaasadda ku cusub ayaan ahay been inaad igu barataana ma doonaayo, wax-qabad dhab ah ayaan idiin ballan qaadayaa” ayuu hadalkiisii ku soo geba-gebeeyey.
Ilayn qof nool oo soo jeeda ayaa tahaye afkaaga waxaa ka soo booday ‘beentan iyo siyaasaddan uu sheegayaa maxay kala yihiin horta?’. ‘Xiniinyaha Alla ku qabay, af-miishaar uray dheh’ intaad tidhi ayaad isaga kacday meeshii oo aad iska aadday suuliga ilayn kaadi kululbaa ku haysaye.
Markii xumadii ku haysay inteedii badnayd ku soo dhaaftay ayaad adiguna suuliga dhaaftay. Intii damboo dhan xamaamka waad iska dhex fadhiday uune laakiin ruuxdaadu kulamay joogin. Aduu ma siyaasibaa tahay horta? Maya. Ma kursibaad doonaysaa? Dee maya. Ma danbaad ka leeday tani hadday caawa olosho? Horta caawa hadday xagaa ka soo qiiqdo oo la isku dhufto adiga ma waxbaa kaa dhex yaalla? Bal iminka may cadaabaha jiidho daarina kaagama dhisna tukaana kaagama furnee. Illaahaw bal maa saacaddaa la isku rogmado. Raggan sharraxan mid qudhi miyuu wax kuu yahay: Aabbo iyo walaaltoona? Meesha waad aragtaa ninkastaaba wuxuu doono ayuu sheegayaa lacag waalli ahina way maraysaa. Doqoniimadaada malaha maalinkasta af qalalan ayaad magaalada kala soo noqon, qayrkaana hilib iyo caano iyo qaadka dhaadheer ayey sidaa isula dhici? Maxaad haysaa waataase caawa, xabad sigaarana magaalada kalamaad soo hoyane?
Adoo sida isula maqan ayay wax lugta kaa fuuleen. hush hush! Juud! Nacdali ku kortay waa baranbaro. Markaas ayaad ogaatay inaad suuliga dhex hawaarto. Tolow miyaad ku raagtay? Aar mooyee meesha isaga bax yaan lagugu dardarine. Awalba Allakood ayaad iska ahayd salaadda iyo cibaadadana iskumaydaan wanaagsanayne, histijo aad faraha caaradood iyo in yaroo biyo ah cawrada ku saydhay ka dib, waad isaga soo boodday meeshii qudhmuunayd. Casha yaroo qabawday oo aan kaa degayn markaad liq-liqday ayaad furaashka isku tuurtay. Sidaad u galgalanaysay ayaa laguugu daakiray dabadeedna cadceedda oo aanad markii hore dan ka gali jirin laakiin saaka aad raagsatay ayaa falaadheheedii kaaga muuqdeen faalamaydhka maqsinkii foosha xumaa ee aad sida caleenta u dhextaalay.
Inantii jaariyadda ahayd oo daraada fiiqaysa intood dhankaa ka dhaaftay ayaad bullaacada korkeeda wajiga biyo ku soo saydhay dabadeed shaadh iyo surwaal aan jacdad badan lahayn ayaad daf isku siisay. Awal hore waad iska soo toosi jirtay, iyadoon meel gaari kuu cayinayna waad iska foofi jirtay oo suuqa iska soo gali jirtay, saaka laakiin meelbaad weerar ku tahay. Waa meeshii aad xalay oo dhan ka seexan wayday. Si fiican ayaad uga soo fikirtay halkaad ka bilaabayso, sidaad hawsha u galayso iyo waxaad odhanaysaba. Qofka kaa soo hor baxaa wajigaaga ayuu ka arkayaa farxadda, firfircoonida iyo kalsoonida kugu jirta. Dhiirranaan iyo indho adayg ayaad wax walba ku galaysaa oo kuu farsamo ah.
Badhtamaha suuqa ayaad isqotomisay markaasaad bidix iyo midig eegtay oo aad hore iyo gadaalba jalleecada ku baadhay. Waxaad raadinaysaa meel lagu urursanyey ama dhaqdhaqaaq olole ka socdo. Inta indhahaagu sheedaalinta iyo baadigoobka ku jiraan ka badan ayay dhagahaagu raadinayaan meel maykarafoon ka baxayo. Tolow saaka miyaanay waxbaba jirin mise adaa soo kalahay? Cadceeddii ayaa sii kululaatay adna indhaha ayaad haydh-haydh ku yeelatay oo aad kolba hadh raadsatay. Waad diiqadootay oo aad gubatay dhidid badanina waa kaa horayaa. Inkaari kugu dhacday qaadirada iyo cadceedda baasi isu daranaa. Waxba ma leh laakiin, maantoo qudha waxba u noqonmayside adkayso dantaad leeday ayaa ka wayne. Mar dhaw markaad laba laamood oo jabane ah afka galiso danba way kaaga duuli qaadiraduye. Waxaad sidii xuunsho wadkeed galay kolba dhan u dawaaftaba waxaad heshay meel barxad ah oo hawli ka socoto oo loo diyaarinaayo inuu mar dhaw nin ka khudbadeeyo. Waa intaad doonaysaye bariido galaangal iyo dani ka muuqato ka dib barbarka ayaad hawshii kaga qabatay: ubaxan halkaa sudh; mayee ka daa halkaa calankaasi kuma wanaagsane halkaa kale dhigoo; maykarafoonkii ma rakibnee maxaa dhacay? keen bal rakibnee; intaa gaabanee sigaarka ah ii dhiiboo; waaryaa adigu maxaad la taagantay kaalayoo halkan biyaha ku rushee; sideed leeday sawirka wuu qaloocaye toosi dee; shuba bahasha waadigaa isku laba rogay sidii oo aad ka shaqaynayso arooskii saaxiibkaagii kugu dheeraa.
Afar gaadhi oo muraayaduhu u dalacanyihiin ayaa barqadii kululayd soo istaagay goobtii. Boodh iyo habaas ayay sidaa idiin liqsiiyeen. Dadka qaar ayaa dhibsanaya adiga laakiin boodhba kuuma muuqdo. Waxaad dhibsanayso ayaan saaka jirinba. Rag muraayado madmadaw xidhan ayaa ka soo degay oo si wacan u labbisan. Mid ka mid ah ayaa ubax iyo sharaaxado lagu boobay oo qoorta loo sudhay. Nacalba waa ninkii xaloo dhan madaxaaga ka guuxayey ee maskaxda kaa qabsaday. Xalay markuu Tv-ga ka hadlaayey malaha toban jeer ayaad habaar iyo higaad isugu dartay laakiin saaka waa madax madaxi dhashay oo gob ah.
Waa ninka dalku u baahanyey ee rafaadka iyo silic ka saari lahaa. Waa siyaasi da yar oo daacad ah dalkiisana jecel. Ma marka hore ayuu sidaa ahaa mise markaa dantaada ka dhex aragtay? Codkiina haddaad ugu deeqdaan tuugta dalka boobka iyo dhaca maalin walba ku haysa ayuu idiinka hiilinayaa. Wuxuu shubay hadalladiisii farshaxnimada iyo tolmoonaantu ka buuxday adiguna sacabka ayaad darandoori ugu garaacday ilaa faraha iyo baabbocooyinku ku casaadeen. Malaha dadka adaa ugu sacab iyo qaylo badnaa uguna waali casaa. Carrabkaaga ayaan mashxarada ku wacnayne laakiin waad kaga danani lahayd iyadana. Calanka ayaad kor u haysaa oo la daba taagantay musharaxa boqolaalka qof u khudbadaynaya, waliba kamarada laga duubayo ayaad isu dhigaysaa si aad isu muujiso. Boqol shaqo oo aan midna cidi kuu diran ayaad isku wadaa, xataa nabad gelyada meesha waad ka shaqaynaysaa iyo inaan buuq iyo dagaal ka dhicin. Maxaa kaa galay wixii kaa soo hor baxaba qabo.
Khudbadii iyo hadalkii markuu dhamaadayna gaadhi dusha ka banaan oo iska rogato ah ayaad sida dhagaxa isugu tuurtay, laakiin bas kaloo halkaa taagnaa ayaa lagaaga yeedhay dabadeed kooxda saaran oo dhan ayaa adiga iyo nin kale la idin ku yidhi hoggaamiya. Mijin jabane ah iyo midhadh sigaar ah markii laguu dhiibay waadigaa sida faraska u duulay, waadiga magaalada dhankaaga kaga qaylisiiyey ee ruxay. Qiirada iyo xamaasada kaa muuqata waxaa la moodaa inaad jihaad fiisabiililaahi ku jirto. Todoba casho oo xidhiidh ah ayaa quruskaagu meel saarnaa oo aad hawshana wadday, xaafaddiinana ka soo kallihi jirtay sidii nin shaqo tagaya. Aduu ma sharraxnid ninka sharraxana waxba isuma tihidin ee mijinta ayaa meesha kula gashay oo xiiqa kuugu wacan. Ninka loo ololaynaayo qaar badan oo tolkiisa iyo qabanqaabiyaasha hawsha ka mid ah ayaad si fudud isku barateen oo ka helay firfircoonidaada iyo shaqo badnaantaada. Aakhirkii xaafiis laga furay xaafadihiinna ayaa laguu dhiibay. Garan uu ku sawiranyey musharraxa ayaad xidhataa calanka xisbigana sidii marxuum qaranka ka baxay ayaad dusha iska saartaa.
Dadka kugula qayila xafiiska kursiga, miiska iyo cawdu dhex taallo, ee isugu kaa sheegay inay yihiin taageerayaasha xisbigiinna, ayaad sida taxaliisha ugu qulaamisaa isbedelka iyo waxqabadka xisbigiinu qaban doono. Intaasoo qudha maahee xisbiyada kalee ee aad iska soo horjeeddaana sidaad ceebtooda uga sheekeynaysaan ayaad aakhiro ugu tuurtaan oo aad digada kaga dhigtaan.
Xisbigan ayaa lambar one ah musharixiinna ayaana ugu cadcad laakiin qolyaha kale waa beenaalayaal aan siyaasadda waxba ka garanayn. Sidaas ayaad ku digridaan oo ku xadraysaan qaadkuna idiinku dhadhamaa. Qaadka maalinkasta lagu siiyo waxaa marar kuu raaca qarash yaroo fara guudkooda ah. Oo tolow waayo? Maxaa wax hagaagsan laguugu dhiibi waayey? Oo sallaan kursiga lagu fuulayo ayaa tahee ma sallaan adduun iyo xoolo la siiyo ayaad aragtay? Marduuf iyo kooka-koole iyo biyo mooya saxo ah oo aanad markii hore hayn ayaad maalin kasta heshaaye ku ekaw waad hadal badantee iimaanka lagaa qaadye.
Maalintaad ololaha u leedihiin magaalada oo dhanbaa idiin kacda. Dumar iyo caruur iyo jirri oo dhanbaa idin daba uugaanta. Doorashada inaad idinku ku guulaysanaysaan shaki idinkama saarna waayo umaduba idinkay idiin raxlaynaysaa. Marba marka ka dambaysa xamaasada iyo ololuhu way sii kululaanayaan. Adiga yididiilo badan ayaa ku soo gashay iyo huguri dheeraad ah. In xil laguu dhiibi doono ama ugu yaraan shaqo fiican lagu siin doono ayaad iska aaminsantay. Habeenkasta mirqaanku wuxuu kuugu baxaa markaad maskaxda ka sawirato adoo xafiis qurux badan dhex fadhiya. Mooyi sidaad ku aamintay iyo waxaad ku amaantay. Sidaa idinkoo u wada ayaa maalintii doorashada la gaadhay oo codbixintii loo dareeray. Adigu codkaaga daaye xataa codka xaafadiina iyo asxaabtaadoo dhan haddaad gacanta ku hayso waad ugu shubi lahayd musharraxaaga, iyaguna way kuu balan qaadeen inaanay meel kale la mari doonin. Codka ayaad la idiinku guray dalam dalam dalam. Idinkoo tiro fiican haysta goobahana inta badanna hoggaaminaaya ayaad haddana markay fiidkii gaadhay baayacaad iyo cod iibsasho iyo sad bursi bilawdeen. Sidaa waxaad u samaynaysaan qolyaha kaleba inay samaynayaan ayaad iska fahamsantihiin. Waxan aad samaynaysaana cid xaaraan ku sheegi kartaa ma jirto waayo siyaasada ayaaba caynkaas ah.
Markii lagu dhawaaqay wixii natiijada loo yaqaanayna hambalyo, farxad, damaashaad iyo guul ayaad isugu wada hambalyeyseen. Si yaroo fudud ayuu musharraxii u noqday madax qaran araggiisii iyo helistiisii markastaba fududayd iminka ma jirtoo baryaahaba indhaha maad saarin. Askar iyo bala ka jini aan barigii hore la soccon ayaa iminka sidaa u hareera yaacaya. Ballantiisii ahayd inuu ugu yaraan agaasime kaa dhigi doonana dirida ayaad u dhacday oo wallay kaa tahay. Wax walba waxaa kaaga daran afkiibaa kaa waynaaday oo qaadka kiiloo iyo wixii ka sareeya mooyee wax ka yari kuma soo celinayaan. Jabanah oo qudha ayaad marduuf liqi jirtay intii ololuhu socday.
Sidan maad ahaan jirine laakiin hada waad waalatay oo waxaa lagaa dhigay haamaan. Horta adiga iyo ninkana iyo ciidankii bar-bar yaacayey maxaad heshiis ku ahaydeen? Markaad cododka iibsanayseen ma musuqmaasuq ayaa waddeen mise wax kale ayay ahayd? Adigu waddaniyadii iyo wax qabadkii aad shubaysay xaggeed ka keentay? Sootaad habeenkii suuliga ka dhex lahayd bal maa iminka la isku rogmado? Goormaad wadaniga noqotay sootaad xayraanka ahayd aan qardhaca hayn? Sidaadaba markaad soo galaysay is-eryadkan iyo dam-damtan sawtaad qaad doonka uun ahayd muxuu ahaa xilka lagu ballan qaada? Isagu sootuu lahaa in been la igu barto dooni maayo goormuu is bedelay? Bahal ayuu ahaa adna bahal kale ayaad ahayd dabadeed bahal oo is helaybaa ahaydeen.
Khadar Abdi Abdilaahi
khadarcc98@hotmail.com
Vienna, Austria.