Bal Arrimahan Hoos U Eeg!!

0
54

– Shalay waxaynu markhaati ka wada ahayn laba wasiir oo midi ba af ku hadlay, kolkii ay heshiiska saldhigga ka hadlayeen.

– Maanta kolkii madaxweynihii mashruuca watay uu dhammeeyey laba waraaqood oo uu akhriyayay, inta uu Guddoomiyihii Guurtidu kacay ayuu yidhi “madaxweynaha waan fasaxayaa, madaxweyne fasax baad tahay”

Waar qof kii su’aal qabaa miyaanu xaq u lahayn in uu madaxweynaha su’aal ka wayddiiyo waraaqihii uu akhriyay?

– Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisii ku sheegay in jidka isku xidhi doona Berbera iyo Wajaale (Berbera corridor) ay dhisaysayaan European Economic Community (EEC)

– Warqadaha Golayaasha la keenay waxaa ka hor akhriyay Wasiirka Duulista. Isna wuxuu sheegay in ay jidkaa dhisi doonaan Emirates-ku oo uu ka mid yahay waxyaalaha Somaliland ay ka faa’iidi doonto saldhigga milatariga ee Berbera.

– Shan iyo toban qodob oo wixii Golayaasha la hor geeyay uu ka koobnnaa dhammaantii wuxuu ahaa xayaysiis ay xukuumaddu soo qortay, kolka laga reebo muddada heshiisku socon doono oo lagu sheegay 25 sanno.

– Heshiiskaa iyo dagaalada gacanka ee laga yaabo in saldhiggan loo adeegsado wixii dhibaato innagaga iman karaya, Wasiirka Madaxtooyadu horteenna ayuu kaga afeeftay in aanu masuul ka ahayn. Haddaa ma innagaa ka masuul ah?

Muwaaddin, talo ayaynu u baahannahay. Raggii waddankan Siyaad Barre oo Afrika ugu xoog badnnaa ka dhiciyay inteenna halkan wararka ku kala qaata way innaga da’yaraayeen, nolol teenna ka xidhxidhan oo ka cidhiidhi badanna way ku jireen, kolkaa ‘nin la tumay ayay talo joogtaa’

Qalinkii: Mustafe Adan Nuur

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here