Tixdan waxa qalinka u qaatay mujaahid/siyaasi Cali Cismaan Libaax oo ku magac dheer Xaraaro oo had iyo jeer isagu ah mucaarid madaxbannaan oo dhaliilo u jeediyaya xukuumadda Siilaanyo waana tan ee ku soo dhawaada
Ka damqaday subeer Awal
haduu duudsi laasimey
dareen siiyey diidena
inay dib uga laabtaan
dar dar geliyey oo mar qudha
dooxna odhan waaye
anigii uba doodayey
igu dabreeyeene
dariiqyadana way ii joogsadeen
ina dagaaleene
cawlkii la dabay ee
mindida dabaxda loo waayey
ee qoday birtii lagu dirdhebey
ayaa loogu duur xulaye
daabacaad dhabarkaa
u hadhiyo diilin aan go’in
iyaguba dirham iyo
wey sitaan doolar lacageede
damacooda liishaan ka daran
daacad ma ahayn
durbaankii ha daran dooriyeen
hana dayaan sheene
dabeetana ha u sii raaciyeen
dumarku heestee
damiirkii xumaa iyo
lawaag ha isla doonteen
derbe dhaxan leh
hala yuurureen
diilalyo iyo ciile
intay daaman waaweyn dhigaan
dadar ha ruugeen
kol hadaanay dooneyn
daartan guradeeda
oonay debinta saareyn
berbera loona dacareeyey
iyagaba deris baanu nahay
dooxna wada naale
bal siilaanyo maxaa igu direen
deyrkan ugu sheegan
Qalinkii: mujaahid Cali Cismaan Libaax (Cali Xarooro)