Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inay Caddaalad Heli Doonto Hooyo Dhawaan Dil Loogu Gaystay Magaalada Burco, Hay’addaha Garsoorkana Farriin U Diray
Burco (Hubaal) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay dil fool xun oo dhawaan Magaalada Burco loogu geystay Hooyo Magaceeda ahaa Ugbaad Cali, taasi oo haysatay saddex Carruur ah isla-markaana ka mid ahayd Ardayda Jaamacadda Burco.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad ka jeedinayay Jaamacadda Burco oo ay ka qalin-jebiyeen Arday gaadhaysa 500, ayaa sheegay in Ciddii dilka geysatay Sharciga la marinayo, sidaasi darteedna wuxuu u digay Dad uu sheegay inay Faro-gelin ku sameeyaan Kiisaska Maxkamadaha ku jira, waxaanu xusay in arrintaasi marka ay isaga soo gaadho uu si deg-deg ah loo fulin doono.
“Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa, gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa jaamacadda Burco , gaar ahaan haweenka, dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalinjabinaysa jaamacadda, waxaanan farayaa hay’addaha garsoorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo , balana waxaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaadho.” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi