Ballam-Allee Qudhaa xigi! ‘MIYAAN MADAX ILAAHAY TAQAAN NOOBA IMANAYNIN?.!’ Ayaanle Maxamed X.Jaamac

0
79

Ballam-Allee Qudhaa xigi!
Markii ugu horreysay ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan lagu dhex arkay magaalada Buuhoodle,ayaa waxa il-gaar ah ku eegay,nin la odhan jiray Qoor-leexshe,oo(Cali geri ahaa).Waxa uu Qoor-leexshe dadkii la dhacsanaa Ina Cabdulle Xasan weydiiyay”Waar ninkani muxuu ahaa?”Ammaan ayaa lagal wada dul-dhacay’Waa nin sidan ah,oo sidan ah”ayaana lawada ydihi.Wuxuu mar labaad weydiiyay”Waar ninka tolkii ma la socdaa”Maya,ayay jawaabtu noqotay.Hagaag,”Haddaba Isaaq ma lasocdaa?”ayuu weydiiyay.Maya,ayaa loogu jawaabay.Gartay,’Waayahee Majeerteen ma lasocdaa?”Ayuu weydiiyay haddana.Sidii oo kale ayaa ‘Maya’ loogu jawaabay.Qoor-leexshe waxa uu ahaa nin aad u masxak badan.Weydiimahaasna wax badan baa uga dhex iftiimay.Waxa uu ku yidhi nimankii Ina Cabdulle Xasan la dhacsanaa”Waar ninkan fahmi maynee,gabadhna aynu u dhisno,geelna aynu ku darno”.Waa laga yeeli waayey Qoorleexshe taladaas uu soo jeediyay.Maalmo yar kadib,ayaa meel uu fadhiisan jiray Qoor-leexshe waxaa kusoo maray,niman kayimi meeshii uu Ina Cabdulle Xasan dadka ugu Khudbadayn jiray.Kadib markii ay salaameen,ayuu Qoor-leexshe weydiiyay”Haye,maantana maxaa laga hadlayey?”.Waxa ay dhaheen”Si fiican ayuu maanta wacdigu noogu dhacay,waxaase la ganaaxay oo la dhengedeeyay,niman amar diiddo sameeyay”!.Qoor-leexshe nin masaxbadan ayuu ahaaye,intuu sidaa u eegay ayuu ku yidhi”Ballamalle Qudhaa xigi”.Macnii adinku qaar la dhengedeeyaybaad sheegaysaane,qaar dhegta dhiigga loo darayna waa la arki.!

 

maqaal

Ninka aragtida dheeri waxa jooga ayuu ka dheegtaa waxa kusoo maqan.Haddii aad aragto meel xorriyaddii si sibiq ah ay ugasii baxayso,waxa soo socda iska garo.Haddii aad adigu la yaabbantahay,Wargeysyo la xidhay iyo Warfidiyeenno afka laga tolay,anigu waxaaban ka casbi qabaa,tallaabooyinka taas xigi doona.Xukuumadaha marka qaamudkood galaa,waa marka ay Xal-kaste ka dhexdayaan xadhig iyo cago jugleyn.Waa marka ay awoodahooda khalad fahmaan.Waa marka ay aragtida kasoo horjeedda tix-gelin waayaan.
Anaa dunida keligay leh,buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma gelin wiil-yarbaa,keebka kuu qabane
Ragoow kibirka waa lagu kufaa,ee kaa halla ogaado

Uma hadlayo Wargeys cayiman,laakiin waxaan ka hadlayaa Xukuumad cayiman.Waayo dhibaatadu kuma eka cid gaara.! Maanta hadday adiga ku haysato,shalay mid kula mid ah ayey haysatay.Haddii aanad marka ay walaalkaa haysato ka hadlin oo aanad dufaacin,marka adiga doorkaagii ay tahay,hadalkaagu waa af-kala qaad iyo cabaad.!

Xukuumaddu ha ogaato,in marka shacabku ay ugu tamarta iyo itaalka roonyihiin ay tahay marka ay tebaan xorriyaddooda.Haddii aanay taasu jirinna,maxaa keenay kacdoonnadii Carabta ka dhacay? Maxaa boqorradii dhibishaxanayey,aayar oo dhalatay,guryahoodii looga baacsaday,qaarkoodna laamiyada loo jiid-jiiday? Siyaad barre iyo waxii gaadhayna idinkaaba iiga ogaal badan.!
Mintid faro-yar midhihii bataa,kama macaashaane
Is macaashintaa reer Wacays,mahadin maayaane

Arrintu ma aha feedhaha Shacabka oo la tirsado,kadibna la tunjilicsadao.Umaddu waxay xukuumada u dooratay in ay dhibaatooyinka haysta maareeyaan,laakiin sida maanta muuqata dhibaatooyin cusub ayaabay u horseedday.Waxaa toos kuugu muuqanaya,midnimadii umaddani ay ku naaloonaysay oo sii wiiqmaysa.Sidoo kale waxa aad arkaysaa basar-xumooyin qabyaalad u badan,oo dadka hortooda lagu sameenayo.Habeen walba wax calooshu kaa xanuunayso ayaad Shaashadaha kala kulmaysaa.”Anigoo ah Suldaanka reer hebel”,”Annagoo ah cuqaasha iyo wax-garadka reer hebel”,imakana waxaaba kusoo biiray safkaas”Annagoo ah dhallinyarta reer hebel”,tan iyo wax ka liitana ha filan-waayin”Annagoo ah caano-leyda reer hebel”!.Ceeb! Waxaasoo dhamina waxay bilowdeen,markii la arkay in ay Xukuumaddu gacansaar la leedahay qabyaaladda.Haddii uu masuulka gurigu yahay,kan muyuusigga tumaya,dadka xaafadda jooga waxa u caado ah Jaas.Soomaaliduna horay u tidhi”Geela duqdiisu dur-duriso,Aarankiisana maxaad moodday”.

Ma diidayo in ay Xukuumadda Axmed Siilaanyo wax qabatay,laakiin waxay xukuumaddani belaayo ku dhigtay,cabudhin,kala qaad-qaad iyo qoqobid,caqli kaste oo nadiif ahi uu diidayo.Mudnaanteeda Koobaadna waa beesha.Inta ay qabatay,waxa la odhan karaa waxa ka badan inta ay qarribtay.! Kii hore(Daahir Rayaale),waxba dadka iyo dalka toona uma qaban,laakiin midnimadoodii way ka nabad gashay.Taas baana lagu illaabay wax-tar yaridiisii.Kani(Siilaanyo),waaba kii hore(Rayaale) lidkiisii,ama kasoo horjeedkiisi.!

MIYAAN MADAX ILAAHAY TAQAAN NOOBA IMANAYNIN?.!

Ayaanle Maxamed X.Jaamac
ayaanle303@hotmail.com
Hargeysa,Soomaaliland
8Julaay,2014

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here