Wasiir ku-xigeenkii Hore Ee Caddaaladda Oo Lafa-gurey Xaalada Gobolka Sool + Talo-bixin Uu Siiyey Madaxweynaha Somaliland
Hargeysa (Hubaal) Wasiir ku xigeenkii hore wasaarada cadaalada ee dawladii madaxweyne Siilaanyo Mudane Yuusuf Axmed Aflahaar, xilligan ah guddoomiyaha jaamacada Golis Faraceeda Lascanod, ayaa sheegay in saamiga mansabka dhismaha dawladan dhismaheeda lagu saleeyey sidii uu xisbiga kulmiye oo uu xubin ka tirsan ahaa xilligaa masuulku, uu xisbigu codka uga helay gobolkaa, isagoo sheegay in ay ahayd ballanqaad uu madaxweyne Muuse Biixi xilligii ololaha doorashada is arag ay ka yeeesheen uu heshiis kula galay.
Masuulkan ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyey wargeyska dawladda ee DAWAN, kaas oo uu ku iftiimiyey xog dhinacyo badan taabanaysa isagoo uga danbayn talo bixin u soo jeediyey madaxweynaha qaranka Somaliland Muuse Biixi Axmed, Waxaanu ku bilaabay hadalkiisii, ” Aniga oo ka mid mid ahaa masuuliyiintii xisbiga kulmiye ee ololaha doorashada gobolada bariga u qaabilsanaa, isla markaana ololihii cod raadinta ee uu ku yimid hogaanka talada dalka haya ee madaxweyne muuse biixi qayb ka ahaa, waxaanu anaga oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolkaa ah aanu kulan aanu wada yeelanay musharaxa madaxweyne nimada kuna weydiisanay si heshiis ah inaanu dhisno, isaguna uu haddii uu guuleysto noo caddaalad sameeyo, ka dib waxa uu jawaab nagu siiyey, cadaaladu waxay ku xidhan tahay sida aad gobolkiina cod uga keentaan, anaga oo ogsoon in aan deegaankayaga lagu qaadan kaadhadh badan ayaanu ku hawlgalley anaga oo qaadnay olole ballaadhan, waxaanuna gaadhnay meelo aanay xukuumada somaliland awoodeeda xukun aanay gaadhin, iyadoo ay nala gaadhay raadcada cod raadintu, hase ahaatee waxaan qirayaa inay na soo wajaheen laba kooxood, kuwaas oo ay kooxda hore ahayd siyaasiyiin ka soo jeedday gobolka, heshiis hoosena kula jirtey xisbiga wadani kuwaas oo qaarkood xilal ka soo qabteen somaliya, isla markaana ogaa in shacabka deegaankaasu yahay mid sidiisaba u hanqal taaga somaliya, sidaa awgeed waxay ka dhigteen arrintaa fikrad ay shacabka taageeradooda kaga iibsadaan , iyaga oo u sheegay inay aaminsan yihiin somaliweyn haddey guulaystaana ay u horraan qaadi doonaan somaliweyn, taas oo noqotay mid ka gadantay maskaxdii shacabkaas.”
”Kooxda kale waxa ay ahayd odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin gobolkaa u yimid inay shacabka reer, reer ula shiraan,kuwaas oo warbaahintana iska fogaynayey, isla markaana u sheegayey beelaha inay somaliweyn yihiin si ay xisbigii ay wateen ugu helaan cod”
”Labadaa caqabadood waxay ahaayeen kuwii sababay in xisbiga kulmiye 35% cod ah uu ka helo gobolka sool, natiijadaasuna waxay noqotay mida keentay in dhismihii xukuumadan kulmiye ee uu madaxweyne Muuse Biixi uu goboladaas qoondo uga siiyo sadex wasiir”,
Halkaa waxaan shacabka gobolkaa uga soo jeedinayaa in hadii ay uu codkooda 100% noqon lahaa ama ay keeni lahaayeen ay qoondo u heli lahaayeen 10 wasiir iyo in ka badanba.
”Dhinaca kale waxaan madaxweynaha u sheegayaa talo bixina ku siinayaa in ay shacabka goboladaasu wax badan kaga duwan yihiin gobolada kale, iyaga oo intooda badani aaminsan yihiin in mucaaradnimada waxa lagu helaa ay ka badan tahay waxa lagu helo muxaafidnimada, tusaalena waxa u ah haddii aan u soo qaato dawladii madaxweyne siilaanyo, iyadoo shacabku 100% ka soo horjeedo, isaguna aanu weligii habeen u hoyan, in uu gobolkaa Sool u sii daayey mashaariic badan iyo xaruntiisa Lascanod iyo degmooyinka kaleba qaarkood kuwaasoo dhamaantood la fuliyey, waxa kale oo uu u magacaabay ilaa dhawr iyo toban xil oo isugu jira wasiiro, ku xigeeno, iyo agaasimayaal guud, taasina waxay keentay in shacabkii 90% taageeraan, ka dibna halkii aanu ka seexan jirin ay suurtagasho in uu habeeno u hoydo, magaaladana uu lug ku dhex maro, halka uu mashaariico xadhiga kaga soo jaray, halka uu kuwa kalena ka soo dhagax dhigay”
Dhinaca kale waxay keentay in maamulkii khaatumo ku magacawnaa oo somaliland dagaal kula jirey, markii ay arkeen shacabkii oo taageeradoodii ka wareegtay ay iyaguna ogolaadaan heshiis ay la galaan xukuumadii somaliland. Ugu danbeyna waxaan Madaxweynaha leeyahay Mudane waxaa lagaa sugayaa, in aad dariiqii madaxweynihii kaa horreeyey u marey aad u marto, si aad u hesho taageerada shacabka, isla markaana aanay noqonin in wakhtigu kaaga dhamaado fulinta go’aamadii ololaha iyo cod raadinta kaaga meel yaalley kuwaas oo saluug badan laga dhadhansanayo xukuumadaada laba jirsanaysa.
Mudane Madaxweyne waxaa lagaa sugayaa ballanqaadkaagii biyaha oo aan illaa hadda nidaamsanayn.
Mudane Madaxweyne waxaa lagaa sugayaa mashaariicdii horumarineed, ee ballanqaadkaaga sida 15 kii Km ee beeraha oo ahayd mid gobol kasta laga sameyn doono kaas oo aan ilaa hadda la hayn.
Iyo mashaariicdii kale ee horumarineed si xukuumaduna ay u hesho kasbashada tageerada shacabka, kuwaas oo aan ku qiimeyn karo in indhaha shacabka gobolkaasu yahay mid si joogto ah ula socda somaliya iyo madaxweynaheeda kaas oo aanu jirin wax uu u hayaa, iyagana wakhtigii iyo waxay qabsan lahaayeenba kaga lumayo, laakiin aad moodo in ay sababayso rajo ay hungo ka muujinayaan oo xukuumadaada ah’’.