Ballan-qaad Farxadi Keentay Oo Muuse Biixi Ku Shaaciyey Xaafaddo Ku Yaalla Hargeysa Oo Uu Magac Dhabay Booqasho U Qorsheysan In Uu Ku Tago

0
66

Komeer Bedelay Shucuurta Guddoomiyaha Oo Isu Rogay Marti-qaad Aanu Filayn & Magacyadda Wasiirro Ku Lammaanaa Oo Dadweyne Heellan

  Guddoomiye; Qolyaha Codka Doonayaa Hudheellada Waaweyn Uun Bey Tagaane Bal hudheelkan Oo Kale Isku Daya In Aad Cagta Ku Badisaan”

Hargeysa (Hubaaal) – Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer ku maray suuqa ganacsiga Gobonimo ee degmada 26-ka June ee caasimadda  khamiistii la soo dhaafay , kaas oo markii dambena loogu sameeyey casuumad. Guddoomiye Muuse Biixi oo ay kormeerkaasi ku wehelinayeen xubno wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin:-muuse

1-Wasiirka Beeraha Maxamed  Beeraha  Dr. Maxamed Aw Daahir

2-Wasiirka Cadaaladda Axmed Faarax Cadarre

3-  Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye.

waxa uu ku soo wareegay dhammaan qaybaha kala duwan ee suuqaasi ganacsi, halkaas oo ay soo dhawayn ku qaabileen boqolaal qof oo isugu jira ganacsatada iyo dadweynaha ka adeeganayey, kuwaas oo si weyn u muujiyey taageerada ay u hayaan Guddoomiyaha, ahna murrashaxa KULMIYE ee doorashooyinka soo socda. Intaasi kadib Guddoomiyaha iyo xubnaha masuuliyiinta ee wehelinayey waxa isla suuqa Gobonimo ku martiqaaday ganacsade Siciid Aw Cismaan Ismaaciil Maygaag Samatar oo ah mulkiilaha hudheelka magaciisa la yidhaa 680 ee suuqaasi ku yaal. Ganacsade Siciid Cismaan Ismaaciil Maygaag iyo Maxamed Ismaaciil (Digtoorka) oo casuumaddaasi ka hadlay, ayaa hadallo soo dhawayn ah u jeediyey Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee wehelinaysay. “Qolyaha codka doonayaa Hudheellada waaweyn uunbay tagaane waxaan idin odhan lahaa Guddoomiye codkii wuxuu yaalla hudheelkan oo kale, suuqa gobanimo iyo waaheen oo kale, markaas bal isku daya inaad cagta ku badisaan.” Sidaa waxa yidhi Ganacsade Siciid. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir, ayaa isna ka mahadceliyey martiqaadka uu ganacsade Siciid u sameeyey Guddoomiyaha iyo wasiirrada xukuumadda ka tirsan, taas oo ka dhacday goob muhiim u ah codka loo baahnaa. “Halkani waa meelaha codka badani yaalo ee loo baahnaa in la is arko, waanan ka mahadcelinayaa arrintaa, Isha Allaahu cagta xisbiguna way ku badan tahay halkan,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Aw Daahir. Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn uga mahadnaqay casuumadda lagu maamuusay iyo taageerada ballaadhan ee uu kala kulmay dadweynaha suuqa Gobonimo.

Xaafadahee Ayuu Guddoomiye Muuse Uga Sii Gudbayaa 26 June?

“Waxa kaloo ii farxad ah halkani (suuqa Gobonimo) waa labadii Biyo-dhacay dhexdoodii, waa labadii dugsi ee aan ka bilaabay noloshaba. Rag ka maqan halkan ma nihin, waana bilow wanaagsan oo waxay noqon doontaa Isha Allaahu in aannu suuqyada Waaheen, sayladda Xoolaha iyo Siinaay oo mid walba aannu tagno, markaa Siciid Aw Cismaan waxaad noo furtay tallaabo wanaagsan oo haddii la yidhi afarta huteel ee waawayn ha la daayo waa inoo ballan in aynu suuqyada shacabka tagno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here