Ballan-qaadka 100-ka Maalmood ee U Horreeya Uu Donald Trump Sheegay In ay Dawladdiisu Qaban Doonto

0
75

Ballan-qaadka 100-ka Maalmood ee U Horreeya Uu  Donald Trump Sheegay In ay Dawladdiisu Qaban Doonto

Ma jiro madaxweyne mareykank soo maray taariikhda oo la mid ah Donald Trump oo ah ganacsade maalqabeen ah.

Hadaladiisa adag ee ku saabsan dadka ajnabiga ayaa kala qaybiyay waddanka iyo xitaa xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga.

Laakiin balanqaadkiisii inuu “Ameerika wax walba ka hormarinayo” ayaa soo jiidatay dad badan oo dareemaya in dowladda aysan waxba u qaban.

Marka maxaa laga filayaa madaxweynenimada Trump?

Qaar ka mid ah waxyaabaha uu qaban doono 100-ka maalmood ee uu xukunka hayo ayuu marar kala duwan ka hadlay.

Iyadoo lagu salaynayo waxa uu ku sheegay qudbadiisa iyo waxyaabaha kale ee uu ka hadlay ee muhiimka u ah madaxweynenimadiisa, waxaan filan karnaa waxyaabaha soo socda.

Hadaladiisa

“Xeerarka ganacsiga ayaa noqday kuwa aad u waynaaday oo dilay shaqooyinkii. Hayadaha dajiya xeerarka ganacsiga ayaa ah kuwa aan joojin doono maalinta ugu horaysa” Trump ayaa dhahay bishii September.

“Waxaan waydiisanayaa dadka Maraykanka inay ka waynadaan wararka siyaasadaha fashilmay, oo ay doortaan aaminsanaanta iyo rajada lagu yaqaanay dadka Maraykanka” Mr Trump ayaa ka sheegay Gettysburg ” Waxaan idin waydiisanayaa inaad wax wayn ku riyootaan.”

100 maalmood ee ugu horeeya:

In la bilaabo sidii “waddanka looga bixin lahaa in ka badan laba milyan oo qof oo sharci la’aan waddanka ku jooga”

In laga joojiyo visa la’aanta ay ku soo galaan dadka waddamada diida in dadkooda dib loogu celiyo

Inuu joojiyo sharciyadii uu Obama ansixiyay kaligiis isagoo marin Congresska

In laga xayiro shaqaalaha Aqalka Cad inay ololeeyaan

In waqtiga xubnaha Congress-ka la xadido

In la joojiyo dhammaan lacagta la siiyay barnaamijka Qaramada Midoobay ee isbadalka cimilada

In loo isticmaalo lacagtaas dhisida kaabayaassha dhaqaalaha ee Maraykanka

In Shiinaha lagu sheego inay qiimaha lacagtooda faragaliyaan – iyagoo ka dhigaya marba qiimaha ay doonaan marka la sarifayo.

trump dollWuxuu balanqaaday inuu ka dhisaayo darbi xuduudda koonfurta ee Mexico ayna bixinayso Mexico. Ilaa maalmihii ugu danbeeyay wuxuu u sheegay taageerayaashiisa inay dhici doonto. Laakiin lama hubo siday u dhici doonto.

Waxaa kale ee muhiimka u ah in dib looga wadaxaajoodo heshiisyada ganacsiga sida North American Free Trade Agreement ee lala galay Canada iyo Mexico.

Wuxuu sheegay in heshiisyadan ay mas’uul ka yihiin shaqooyinka Maraykanka in dibadda la geeyo.

Mr Trump ayaa sidoo kale balanqaaday inuu xiriir dhow la samayn doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo uu sheegay inuu yahay hogaamiye adag.

Wuxuu balan qaaday inuu joojinayo heshiiska Iran ee nukliyeerka, inkastoo aysan cadayn sida uu uga bixi karo heshiiska oo ay saxiixeen lix waddan ee ugu awooda badan adduunka iyadoo la qorshaynayay 12 sano.

Ma ku guulaysan doonaa?

Madaxweyne Trump ayaa xukunka qabanaya iyadoo Aqalka hoose iyo Sanate-ka ay ku badan yihiin xisbigiisa. Wuxuu kaloo haystaa inuu magacaabo xubnaha ka mid noqon doono maxkamadda sare.

Qorshihii Mr Obama uu ka joojin lahaa shan milyan oo qof oo sharci la’aan ah in la musaafuriyo ayaa waxaa diiday maxkamad gobolka Texas , waana la hakiyay kadib markii maxkamadda sare ay ku kala qaybsantay. Arrintan ayaa ahayd mid ka mid ah go’aanadii uu qaatay madaxweynaha kaligiis ee aad looga soo horjeestay.

In la meel mariyo go’aankan ayaa hadda ay rajadeedu yar tahay intuu Trump yahay madaxweyne.

Laakiin dad badan oo ka tirsan xisbigiisa ayaa diiday inay taageeraan, inkastoo xisbigiisa uu hadda ugu awood badan yahay muddo toban sano ah.

Waxyaabaha la isku raaci karo waxaa ka mid ah in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Trump wuxuu horay u ballan qaaday in bilaayiin dollar lagu maalgaliyo jidadka, buundooyinka iyo garoonada diyaaradaha. Laakiin xisbiga Jamhuuriga ayaa doonaya inay yareeyaan qarashka dowladda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here