Balliga Diiriye Guuleed Wax Go’ lagu qaado ka weyn NacNac, Kijaandhe iyo Fadanoow ha ku khaatumo seegina
ugu horeyn waxan canbaareynaynaa xadhiga lagula kacay odayaasha dhaqanka ee cabdalla arab ee ku xidhan magaalada Burco,dadku haddii ay dulmi tirsanayaan waxay u baahanyihiin garsoor caddaalad ku dhisan
Laakiin in xadhig iyo cabudhin loo adeegsadaa waa dictaternimo iyo wixii ay ummadani horey uga diidey Siyaad barre,hadaba waxan u sheegeynaa Xildhibaan Nacnac, Xildh kijaandhe Iyo Taliye Fadan in ay taariikhdu xusi doonto haddii aad ka leexataan caddaalada,waxanad ogaataan in ay dharaarihii qaar hadheen.arinta Balliga Diiriye Guuleedna maaha mid khuseysa Arab oo kaliya,ee waa qadiyad HABAR-MAGAADO u taala,sidaa darteed waxan xukuumada u soo jeedinayaa in ay ka tanaasisho tijaabooyinka madhaleyska ah,Madaxweyne Siilaanyana Waxan leeyahay Madaxdii kaa horeysey beelohoo dhul ay ka qaadaan mooyee dhul umey soo kordhin,Dhulbeereedka Togwajaale intiisa badan beesha HabarAwal ayaa iska lahayd Dawladii M.siyaad Barre
balse Allaha u naxariistee Maxamed X.ibraahim cigaal ayaa ka wareejiyey.milgaha Madaxtinimaduna waa in aanad garabsaarin beeshaada.
Guntii iyo Gabagabadii xadhig iyo cabudhini xal noqon mayso ee caddaalad ayaa rag deeqda
Wabillaahi towfiiq
By Garaad Mustafa Sh Gabiley Region