Muqdisho, Somalia (Hubaal) – Maamulka Bangi laga leeyahay dalka Somalia oo xaruntiisu tahay Muqdisho, lana yidhaahdo Baanka Caalamiga ah ee Somalia (International Bank of Somalia “IBS”), ayaa sheegay inay qorshaynayaan inay dabayaaqadda sannadkan 2015 xafiis ka furan doonaan Somaliland, kaas oo hirgelin doona laba barnaamij oo ay dadka lacagaha dibadda loogaga soo diri doono, ayna ku diri doonaan.
War ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuter’s ayaa lagu sheegay in Baankani ruqsad ka haysto Baanka dhexe ee dawladda Somalia, isla markaana ka mid yahay lix ruqsadood oo bangiyo ganacsi ah oo uu Baanka dhexe ee dawladda Somalia bixiyay tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Somalia sannadkii 1991.
Baankan IBS ayaa xafiiskii ugu horeeyay waxa uu magaalada Muqdisho ka furtay sannadkii ina dhaafay ee 2014, isagoo haddana shaaciyay inuu ganacsatada iyo dadka maal-qabeenka ah ka iibinayo saamiyo qiimahoodu dhan yahay $10 Milyan oo dollar, taas oo saamiga guud ka noqon doonta 10%. Hase yeeshee Xasan Yuusuf oo ay Reuters sheegtay inuu yahay guddoomiyaha Baanka IBS, ayaan sheegin in Baankani ruqsad ka haysto dawladda Somaliland, balse waxa keliya oo uu sheegay in sannadkan dabayaaqadiisa ay afar xafiis ka furan doonaan meelo ka baxsan Muqdisho, kuwaas oo mid ka mid ah laga furi doono Somaliland, isla markaana adeegyada uu qaban doono ay noqon laba adeeg oo ah kuwo casriga ah ee loo yaqaan online Banking iyo Mobile Banking.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI