“Kadib markii aan ogaaday in siyaasigii 1963-kii hormoodka ahaa uu weli 2016-ka umadda hor taagan yahay waxan yaqiinsaday in la helo nin dhallinyaro ah oo hammi leh….”Murrashax Barkhad Jaamac
Hargeysa:(Hubaal)-Xog-hayaha Caddaaladda ee xisbiga WADDANI Md. Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa shaaca ka qaaday inuu u tartamayo jagada madaxweyne-ku-xigeenka xisbigaas oo lagu dooran doono shirweyne dhici doona horraanta bisha soo socota ee October, sanadkan aynu ku jirno ee 2016-ka.
Barkhad Jaamac Xirsi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu wada-tashi dheer iyo ka-baaraandeg badan kadib go’aansaday inuu u tafo-xayto sidii uu ugu tartami lahaa kursiga madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga WADDANI, isla markaana uu diyaar u yahay inuu calafkiisa ka qaado madasha murrashaxiinta lagu kala saari doono.
Barkhad Jaamac oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa hadalladiisa kamid ahaa,“waxan iclaaminayaa inaan kusoo biiray masraxa loogu loollamayo kursiga kursiga labaad ee jagada madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga WADDANI. Sababaha aan ugu dhawaaqayana waxa kamid ah kadib markii aan la tashaday dad waayo arag ah oo waayeel, kadib markii aan xoog u daraaseeyey xeerka xisbiga qodobkiisa 11-aad, faqradihiisa 2-aad iyo 4-afraad oo sheegaysa in xubin kasta oo xisbiga kamid ahi xaq u leedahay in la doorto waxna ay doorato, kadib markii aan arkay kuna qancay in hoggaanka xisbigu jecel yahay in dhallinyaradu masiirka iyo meelaha siyaasiga ah ay mansabyo ku yeelato. Kadib markii aan daraasad dheer ku sameeyey in siyaasigii 1963-kii hormoodka ahaa uu weli 2016-ka umadda hor taagan yahay waxan yaqiinsaday inay qiimo iyo qurux leedahay in la helo nin dhallinyaro ah oo hammi leh oo dalkan hagi karaya.”.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ugu baaqay guud ahaan taageerayaashiisa inay kula hawlgalaan ka-midho dhalinta hankiisa cusub ee kaga gungaadhayo xisbiga WADDANI dhexdiisa,“Waxan ugu baaqayaa guud ahaan taageerayaashayda, xisbigayaga WADDANI iyo bulsho-weynta reer Somaliland-ba inaan sidaas ku hawlgelayo oo aan musharrax ahay.” Ayuu yidhi Barkhad Jaamac.
Dhawaaqa kasoo baxay Barkhad Jaamac ee ugu tartamayo kursiga madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga WADDANI, ayaa noqonayaa afraad ee ka yimaadda xubnaha siyaasiyiinta ah ee xisbigaas ku jira, waxana isaga ka hor shaaciyey inay sharraxan yihiin saddex siyaasi oo kasoo jeeda gobolka Awdal, iyada oo lagu wado in toddobaadyada soo socdana ay mawqifyadooda caddeeyaan xubno cusub oo uu hunguri ka hayo kurisga madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga WADDANI.
Guddoomiye Cirro iyo kaadirka sare ee xisbigiisa oo u badan beesha uu guddoomiyuhu kasoo jeedo, ayaan raalli ka ahayn inay murrashixiintu bataan, waxana ka go’an inay meesha ka saaraan hanka dhammaanba xubnaha kursigaas hungurigu ka hayo, iyaga oo qorsheeyey inay kursigaas u barraxaan Maxamed Cali oo isago haatan ku dhawaaqay inuu yahay murrshax kursiga madaxweyne-ku-xigeenka u tartamayo.