Beel-weynta Gaashaan-buur Axmed Faarax Oo Madaxweynaha Hortiisa Kaga Ballan-qaadday Taageerada Ay U Hayaan Xisbiga KULMIYE Iyo Murrashaxiisa

0
57

dsc_0004-1

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maalintii shalay kulan ballaadhan la yeeshay cuqaal, waxgarad, siyaasiyiin iyo xildhibaanno kasoo jeeda Beelaha gaashaan-buur Axmed Faarax Kasoo Jeeda, kuwaas oo madaxweynaha guddoonsiiyey kalsoonida ay ku qabaan xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE.

Kulankan oo ka qabsoomay aqalka madaxtooyada ee magaalada Burco, ayaa waxa fadhiyey ugu yaraan 21-caaqil oo beeshaas kasoo jeeda, isla-markaana ay garab socdeen siyaasiyiinta iyo xildhibaanada beeshaasi, waxana ay dhammaantood madaxweynaha hortiisa ka sheegeen inay garab taagan yihiin siyaasadda uu dalka ku hayo, waxana ay shaaca ka qaadeen inay si buuxda u taageersan yihiin murrashaxa madaxweynaha iyo xisbigiisuba u cugteen inuu u tartamo doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona sanadda 2017-ka.

Waxgaradka iyo cuqaasha beelaha Gaashaan-buur Axmed Faarax waxa ay sheegeen inaan deegaanadda ay ku dhaqan yihiin lagula loollami Karin xisbiga talada haya ee KULMIYE, isla markaana ay caan ku yihiin taageeradooda ay xisbigaas siiyaan.

“Waxanu nahay KULMIYE, cid aanu uga tagnona garan maynno, Naf iyo maalba waa nagaga baxeen, isagaanu ku daalnay, isagaanu ku kharash garawnay oo nalooga tegay, cid aanu uga tegaynaana ma jirto” ayuu yidhi Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame(hurre)oo katirsan madaxda beelaha Axmed Faarax.

Xildhibaannada beelahan kasoo jeeda oo uu horkacayo duqa magaalada Burco Maxamed Muraad, ayaa iyaguna muujiyey sida ay ugu qanacsan yihiin  inuu hoggaanka dalka qabto murrshaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana ay tilmaameen inaanu jirin qof kale oo ay ku doorsan karaan.

“Madaxweyne Maanta aad baan u faraxsanahay, xisbigana waanu taageersanahay oo waanu nahay imika iyo berriba, taageerada aad nagu ballamisay xisbigii aad abuurtay ee aad murrshaxnimadiisa ka tanaasushayna sida aad noogu ballamisay ayaanu u taageeraynaa oo u daba soconaa, barbarkaaga iyo barbarka Muuse Biixi baanu taaganahay, ilaahay idinkiisana waanu soo saari doonaa” ayuu yidhi duqa magaalada Burco oo isaguna madasha ka hadlay.

Badhasabaaka gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa isaguna si hufan usoo dhaweeyey ballanqaadyada ardaaga Axmed Faarax madaxweynaha hortiisa kaga dhawaaqeen, waxana uu xusay inuu kalsooni badan ku qabo ballamaha la sameeyey.

Wasiirka wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u ammaanay madaxweynaha qaranka, waxana uu sheegay inuu taariikh lama ilaawaan ah sameeyey, markii uu diyaariyey madaxweynihii isaga beddelka u noqon lahaa oo ah Muuse Biixi Cabdi, waxana uu yidhi, “Madaxweynaha Somaliland waa madaxweynihii ugu horreeyey ee isaga oo xilka haya diyaariya madaxweynihii isaga beddeli lahaa, sidaas aad u taageerteenna waad ku mahadsan tihiin xisbiga KULMIYE iyo dhammaantayobana farxad bay noo tahay.”

Wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka haatan Marwo Samsam Cabdi Aadan, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ma mahadceliyey taageerada ay beeshaasi la garab istaagtay xisbul-xaamka KULMIYE, waxana ay ku baaqeen in wada jir loo wada hawlgalo.

Ugu dambayntii waxa kulankaas soo af-meeray madaweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), waxana uu beesha Axmed Faarax uga mahad celiyey sida hufan ee ay taageerada ula garab taagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashixiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Aad baan ugu faraxsanahay inaan shirkan ka qaybgalo, waanan idiinka mahadcelinayaa sida fiican aad noosoo dhaweyseen, waxanan ku faraxsanahay inaynu m aanta isku raacnso taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrshaxiisa oo aynu meel uga soo wada jeedsanno, taageerada aad na siiseen iyo ta aad xisbiga iyo murrashixiisaba siiseenna waan idiinka mahad celinayaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here