Jawaabta Ay Beeshu Ka Bixisay Haddalo Ka Soo Yeedhay Calooshood U Shaqaystayaal Uu Wasiir Cadaani Soo Abaabulay
Burco (Hubaal)- Labeenta haldoorka wax-garadka, dhalinyarada iyo haween weynaha beel weynta Muuse Carre, ayaa habeenkii xalay ahaa xaflad ay ku muujinayaan cududa taageero ee ay u hayaan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ku qabtay magaalada Burco.
Munaasabadan qiimaha badan ayaa habeenkii xalay ahaa ka qabsoontay xarunta xisbiga WADDANI uu ku leeyahay magaalada Burco, waxaana ka soo qayb-galay odayaal cuqaal haween dhalinyaro, kuwaas oo dhammaantood ku abtirsada Beesha Muuse Carre, waxaanay sheegeen in ay beeshu aasaasta Xisbiga WADDANI, isla markaana ay taageero hiil iyo hooba la garab taagantahay Xisbi mucaaradka WADDAN..
Ugu horayn waxa halkaasi ka haddlay Jiif Caaqil Aadan Aaxmed Nuur,Caaqil Baashe Ganacsade Sadaama Caaqil Mahdi Jaamac, Caaqil Cabdiweli Budh Yare , waxaanay sheegeen in ay beeshu tahay xisbiga WADDANI, isla markaan aanay metelin
“Waxaan barbar taaganahay Xisbiga WADDANI, adeer baadi ma nihin waxaanu nahay Xisbiga WADDANI, Waxaanu leenanahay ishii bugtay ku bikaacso, haddii ay midhadh meelaha wax ka sheegi jireen arka waxa caawa dhinacyada dadka jooga ee uu calanka Xisbiga WADDANI madaxooda ku duuban yahay.”Ayuu yidhi Jiif caaqil Aadan Axmed Nuur
“Beeshu maanta Xisbiga WADDANI ku may soo biirin ee iyad ayaa aasaasatay xildhibaankooda waa WADDANI ka sanaag uga sharaxanin waa Xisbiga WADDANI,qoladaa haddashay waxay yidhaah deen inta ay dwolada joogto ayuun-baanu wax ka qaad-qaadanaynaaye “Caawa reerka meesha ka muuqdaa maaha reer caawa isa soo urursaday reerku ilaa maalintii la aasaasay Xisbiga WADDANI ayuu ahaa,”ayaa kamid ahaa haddaladoodii
Dhanka kalena odayaasha wax-garadka dhalinyarada iyo labeentan ka soo jeeda beel weynta Muuse Carre ayaa sheegay in aanay beesha metelin afar calooshood u shaqayste oo uu dhawaan soo abaabulay wasiir cadaani, kuwaasi oo sheegay in ay taageersan yihiin saldhiga uu imaraadku ka dhiganayo Berbera, kuna tiraabay haddal liid-nimo ah oo ay ugu guula wadanayaan xukuumkadda KULMIYE.
Ugu dambayntii haldoor cuqaasha iyo labeenta Beesha Muuse Carre ayaa sheegay inay gebi ahaanba ay ka soo horjeedaan in madaarka Berbera lagu wareejiyo imaraadka carabta, waxaana digniino culus u direen xukuumadda KULMIYE, iyagoo sheegay in mawqifka Xisbiga WADDANI ka qaatay ay taageersanyihiin..