Beelaha Degaannada Xeebta (Xarshaw Ilaa Geelweyte) Ee Gobolka Sanaag Oo Qaylo-dhaan ka muujiyey Boob iyo Xaalufinta Ajnebigu ku hayo Khayraadka Baddooda + Buuro-macdaneedyo degaannadaas ku yaalla.

0
131

“Wasiirrada Kalluumaysiga Iyo Macdantu Dhulkoodana Kalluumaysatada & Chinaha Macdan doonka ah Uma Oggola Annaguna Dhulkayaga Inay Usoo Diraan kama yeelayno”.

ceerigaabo

Ceerigaabo (Hubaal) – Madax-dhaqameedyada iyo guurtida bulshada ku dhaqan degaannada Xarshaw, Laasasurad, Waqderiya iyo Geelweyte ayaa shir-jaraa’id oo ay ku qabteen beerta xorriyadda magaalada Ceerigaabo Waxay halkaas qaylo-dhaan ka muujiyeen Boob iyo Xaalufinta Ajnebigu ku hayo Khayraadka Baddooda iyo Buuro-macdaneedyo degaannadaas ku yaalla arrimahaas oo ay ku eedeyeen wasiirrada kalluumaysiga iyo macdanta Waxayna baaqyo kala duwan u direen Madaxwynaha Somaliland iyo Golayaashiisa Qaranka Sidoo kalena halkaas digniino kama danbays ah waxay uga direen dadka dhibaatada ku haya baddooda iyo buurohoodaba.

“Kalluuunka badda Waxa Lagu qabanayaa Xaawi oo ah shebeg dhawr kilo-mitir ah oo hareeraha lagala marayo kaddibna halkaas markuu wada galo ayaa wixii loo baahnaa lagala baxayaa wixii kalena isagoo dhintay ayaa badda lagu daadinayaa”. “Waxa kaloo jirta wax la yidhaahdo Caydi-xay oo ah kalluunkii oo isaga la is cunsiinayo iyadoo caydiga yaryar oo badan inta nolol lagu qabto lagu kaydinayo qayb doonyaha ka mid ah oo uu ku noolaan karo oo isagoo nool inta jilibka la sudho badda lagu tuurayo kaddibna kalluunkii weynaa ee caydiga cunayey soo doonanayo oo afka gashanayo sidaasna kii yaraa oo la cunay iyo kii weynaa oo la qabtayba ku dhimanayaan” . Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Ismaashatada Kalluumaysiga Wadajir Xuseen Ismaaciil Saalax.

“Waxa la sheegayaa Wasiirka Macdantu inaanu u oggolayn inay dhulkiisa tahaan dadka annaga naloo soo dirayaa oo Wasiirka Kalluumaysigu aanu u oggolayn inay Laasqoay iyo Ceelaayo tagaan balse meesha keliyee khayraadkeeda lagu soo duuley ee la baabi’inayaa ay dhulkayaga ilaah nagu beeray tahay taas cidna ka yeeli mayno”. Sidaas waxa yidhi Oday C/laahi Faarax Xaammud.

“Dhiaatada ay badda ku hayaan doonyaha carbeed iyo kuwa la midka ah ee xaawiga ah arrintaasi mid aannu u dulqaadanayno ma aha waxannu kaloo leenahay nimanka quusaaga ah ee haamaha sita ee jooga degaankaas )Xarshaw ilaa Geelweyte) hadday ka tegi waayaan dhibaatada ka timaadda ciddii keentay iyo iyaga ayaa mas’uul ka ah”. Sidaasna waxa yidhi Oday Yaasiin Cali Dheere. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Waxa kaloo beryahan jirey niman China ah oo la wado oo meel ay ka imanayaan iyo meel ay u socdaan toonna aannaan ka warhayn markaa degaannadayadaas khayraadka dabiiciga ah eek u jira badda iyo berrigaba aqbali mayno cid aannaan ogayn markaa ha nalaka joojiyo”. Wuxuna intaas kusii daray “Wasiirrada Kalluumaysiga iyo Macdantu horta degaannadooda ha ka hir geliyeen oo kan kalluumaysiguna degaankiisa ha ka bilaabo kalluumaysiga kan macdantuna degaankiiisa China-ha ha u diro”.

Caaqil-C/laahi Xaaji Faarax oo isaguna shirkan jaraa’id kelmedo kooban kazoo jeediyey ayaa wuxu yidhi “Waxannu leenahay dadkaas dhaqaalahayaga iyo baddayada baabi’inaya si deg deg ah ha nalooka saaro haddii kale dib uga wada hadli mayno”.

“Annagu dawladda xidhiidh lama lihin degaannadayadana annagaa u dawlad ah oo u ciidan ah oo wixii dhib ah oo dhacda annagaa xallilanna Kalluunka debedda loo daadinayo isagoo dhintay dhibaatooyinka khasaaraha dhimashadiisa ka sokow naga haysta waxa ka mid ah xoolihii baa cunay oo xanuunno ka qaaday dhidarkii baa cunay oo ku hororrbey oo dadkii khatar ku haya”. Sidaas waxa yidhi Caaqil-Cawed oo isaguna halkaas ka hadlayey.

Ugu danbayntiina Chief-caaqilka degaannadan Xuseen Xasan Cali Muuse oo halkaas hadal dheer kazoo jeediyey ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Xoolihii miyiga abaar baa haysa xoolihii kaydka ahaa ee baddana waa kuwaas dhibaatada lagu hayo laga qaylinayaa markaa haddii aan xukuumadda dadka lexejeclo ka hayn baddayadu waa kob woqooyi wixii nasoo weerarana waannu iska celinaynaa kuwa haddeer joogana waxannu leenahay Xarshaw ilaa Geelweyte bila shuruud haddeer ha kaga bexeen  baaqaasna ilaa madaxweyne ilaa wasiir waxannu leenahay Allaahu-ma-ballaqnaa”. “Wasiiradan degaannadoodiina kalluumaysiga iyo xaalufka ka ilaalinaya annagana nagu soo xeelaya oo shatiyada usoo goynaya waxannu leenahay ha naloo maxkamadeeyo gef bay naga galeene dalka Somalilandna gef bay ka galeene”. Ugu danbayn chief-caaqilkani wuxu intaas kusii daray “Madaxweynaha Iyo Baarlammaanka iyo Guurtidaba waxannu leenahay beelahayaga halkan ka hadlayaa wasiirro kuma lihin Somaliland laakiin dadkayagu waa oggol yahay markaa arrintayadan hoos ha loo eego oo ha nagu hallaynina wasiirradan”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here