Beellaha Arab oo Shir Duco ah ku Qabsaday Degaanka Habaas-weyn iyo Khudbadihii Salaadiintu ka jeediyeen

0
183

“Arrinta mudan inaynu xusno waxa weeyaan ergadii aanu ku tagnay labada meelood waxaannu rajaynaynaa inay si qalbi fiican inoogu dhammaato, welina kamaanu quusan” – Sul. Cumar Sul. Maxamed  Sul. Faarax

 

Hargeysa(Hubaal):-Waxgaradka, madaxdhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee Beelaha Arab,  ayaa  shalay iskugu yimid shir duco ah oo ay ku qabsadeen  degaanka Habaas-weyn oo ka tirsan gobolka Hawd. Shirkan oo ujeeddadiisu daaranayd duco iyo dardaaran ay is farayeen beelaha Arab,  waxa ka soo qayb galay dhallinyarada, cuqaasha, siyaasiyiinta, ganacsatada, culimada iyo  qaybaha kala duwan bulshada degaanka Gobolka Hawd iyo Hargeysa. Kulankan  waxa ka hadlay afar ka mid ah  salaadiinta beelaha beelaha Arab,  kuwaas oo ka xog waramay ujeeddada  ay shirkan ducada ah u qabteen. Waxa kaloo ay ka warameen safar ay ku tageen Magaalada Diridhabe oo ay kulan soo kulmeen ugaaska guud ee beelaha Ciise. Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka hadlay shirkan ayaa ka warramay ujeeddada safarkooda;  “Arrinta mudan inaynu xusno waxa weeyaan ergadii aanu ku tagnay labada meelood ee kala duwan wixii aanu kala kulanay waa la tilmaamay ergadaa iyo wixii ay la soo noqotay, rajadeediinna wali waanu wadnaa kamaanu quusan, waxaanan u mahad celinayaa Ugaaska beelaha Ciise oo sharaf mudan dedaal badan-na sameeyey walina ku jira, waxaan leeyahay ilaahay ha u soo fududaydiyo, hawshaasna waxaynu rajaynaynaa inay si qalbi fiican inoogu dhammaato. Waxa kaloo aynu halkan  iskugu nimid inaynu ilaahay ka barino oo uu albaabada khayrka inoo furo kuwa sharkana innaga xidho.” Sidoo kale suldaan Barre Xaaji Xuseen oo ka hadlay shirkan ayaa shaaca natiijo ay la soo noqdeen laba wefti oo ergo ahaan u tagay Diridhaba iyo Jabuuti, waxaanu yidhi “Suldaan Bare “Waxa inagu dhacay hawl, waxa inagu dhacay dhac, waxa inagu dhacday fool xumo oo gaar ku sii ah ilma Cismaan Geelle, waxaanan dadka u sheegaynaa oo aanu ku guubaabinaynaa in doorashada ka bacdi inaanu ka hadli doonno oo aanu soo bandhigi doono wixii arrinkaas nooga meel yaalla, waxaana lala socdaa in wefti ka kooban Isaaq ay tageen Jabuuti annaguna aanu u tagnay Ugaaska, kolayna rajo dambe waanu ka sugaynaa laakiin labada wefti waxay la soo noqdeen hungo oo aan nala ergayn.”  “Kolay beri qaar baa odhan doona ducadaas aynu ilaahay dartii u dhignay ee aanay siyaasadi ku jirin, qaar baa odhan doona maxay ugu hagaajiyeen doorashadan iyo rafaadkan dhacaya, waxaan leeyahay kuwa sidaas odhan doonaa  waanu iska garanaynaye doorashaduba waa taanu ka Alle baryeyno in sharkeeda uu naga salaamad yeelo.” Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi ayaa si faahfaahiyay   ujeeddada guud ee uu shirkaas uga dan lahaayeen, waxaannu yidhi;  “Shirkan fikirkiisa waxa lahaa Suldaan Cabdi Cali Shagax oo aanu jigjiga ku soo marnay  oo yidhi ‘Reerku inuu ducaysto ayaan idinka codsanayaa’ mar haddaad hawl ku jirtaan, shirkana muu ahayn siyaasad, shaki badan ayaana ka dhacay shirkan oo waxa la lahaa nimanku maxay qarsanayaan, waxaan leeyahay Alle bari ayaanu qabsanay.  arrinta Axmed Cismaan Geelle gaarka ku ahna waxaan leeyahay ilaahay haynoo fudaydiyo, ergadiina way maqan tahay oo kamaanu quusan, ugaaska beelaha Ciisena aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa si qurux badan ayuu noo qaabilay, ergadiina wuu ku jiraa xidhiidhkuna  wuu  noo kala socdaa ilaahayna ha nagu guuleeyo.”  Suldaan Cabdilaahi Axmed Cilmi oo isaguna ka hadlay shirkan ayaa bogaadiyay qabanqaabiyeyaashii shirkan, waxaanu yidhi   “Shirkan waxa uu ahaa duco, ducadiina si fiican ayey inoogu dhacday, wixii hawl kale ah ee aynu ka tashanayno waxaynu qabsan doonaa marka ay doorashadu innaga baxdo.  qolada siyaarada naga aqbashay ee bixisay dhaqaalihii ku baxay kuwaasi oo kala ahaa ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Idiris Cumar,  waanu  u mahadnaqayaa, ilaahayna ha barakeeyo dhammaan beel weynta arabna ilaahay ha barakeeyo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here