“Warbixin Walba Oo Aan Ku Jirin Goobaha Xidhiidhka Bulshada Ee Aan Xusay Waa Waxba Kama Jiraan Iyo Wax Aan Sal Iyo Raad Toona Lahayn”
Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji-Xasan ayaa si weyn u beeniyey warar sheegayay inuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo bandhigay waraaq uu ugu jawaabay xoghaya Qaramada Midoobay Ee Somaliland iyo Somaliya Mr Nicholas Kay.
Warkan uu beeniyey wasiirku ayaa loo dhigay ama sheegayay dacwad ka dhan ah Somaliland oo Mr Nicholas Kay u gudbiyey Qaramad Midoobay iyo Wasiirka Madaxtooyada oo ka jawaabay.
Wasiir Xirsi Cali Xaaji-Xasan oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan cod dheer ku beeninayaa maqaal sheegaya in laga soo xigtay bar aan ku leeyahay twiter-ka ‘waa sidii qoraalku u qornaaye’ oo sheegaya in aan waraaq ugu jawaabay Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ee Nicholas Kay.”
Wasiirku waxaa uu ku dooday in uu iska moosay been-abuurad kasta oo loogu soo gabban lahaa Internet-ka, waxaanu soo bandhigay barihiisa rasmiga ah oo uu ku sheegay inay kala yihiin sidan “Baraha Rasmiga ah ee aan ku leeyahay Degelada Internet-ku waa: www.Guusha.com iyo Facebook page-kan: https://www.facebook.com/pages/Min-Hersi-Hassan/495771917162808?ref=hl”.
Waxaanu wasiirku intaasi raaciyey “Warbixin walba oo aan ku jirin goobaha xidhiidhka bulshada ee kor aan ku xusay waa waxba kama jiraan iyo wax aan sal iyo raad toona lahayn” Ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji-Xasan. Waxaana warkiisan la socday sawir uu ku dalbanayo in aan laga been abuurin.