Beesha AKISHO Oo Soo Xushay Murashaxooda Doorashadda Wakiiladda Ee Soo Socota‏

0
52

Hargeysa (Hubaal) Warmurtiyeed Koobaan oo ay soo saareen hogaanka Beelweynta AKISHO ayay beeshaasi ku shaaciyeen Murashaxooda umetelaya Doorashada golaha Wakiiladda Ee Somaliland.

Maxamed AskarMurashax Maxamed Cali Askar ayaa noqonayaa Masuulka beeshaasi si midaysan isugu raacday in noqdo xildhibaanka utarmaya doorashada golaha Wakiilada somaliland ee Soo socota.

Sida lagu sheegay War Murtiyeedkan Beeshu Soo Saartay Ee hoos ku qoran.:-

War Murtiyeed

                       Go’aanka Beelweynta AKISHO Ee Murashaxa Golaha Wakiiladda

Kulamo wada Xaajood iyo is xogwareysi dheer oo ay beeshu yeelatay waxanu gorfaynay, rog rognay dhinac walba ka eegnay masiirka beesha iyo mustaqbalka siyaasadeed ee ka beel ahaan waxanuna isku raacnay In Maxamed Cali Askar noqdo murashaxa reerka ee aanu u xulanay in loo doorto doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee Soo socota.

Sidoo kale beeshu waxay go’aan ku gaadhay Inaanay jirin cid kale oo barbar ordi karta Shaqsigan loo xushay In uu metelo murashax nimadda Beesha waxan beeshu si midaysan ugu qancisay Rashiid Cadbi Shuuro in uu ka takhaluso hankiisi uu la gole yimi ee ahaa Murashaxnimada Beesha kadib markii wax garad cuqaal iyo Madaxdhaqameedba isku raaceen Maxamed Cali Askar sidaasina uu ku Qancay Rashiid Cabdi Shuuro.

Go’aan Kasoo Baxay Hogaanka Beesha Akisho

  1. Caaqil Axmed Sh.Cumar Sh.Xasan
  2. Caaqil Maxamed Ciise Faahiye
  3. Caaqil Xasan Dayib Raage
  4. Nabadoon Xasan Sheikh Maxmuud
  5. Nabadoon Ismaciil Cabdirahmaan
  6. Caaqil Aw Siyaad Ismacil Warsame

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here