Beesha Caalamka Oo Cambaareysay Qalalaasihii Muqdisho Ka Dhacay

0
13

Qoraal kasoo baxay Beesha caalamka ayaa lagu Cambaareeyay dagaalladii Muqdisho ka dhacay maalintii Axadda ahayd.

 

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay marar badan ka digtay muddo kordhinta hay’adaha dowladda.

 

“Waxaan marar badan ka dignay in kordhinta muddada ay horseedi doonto qalalaase siyaasadeed ayna wiiqeyso nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.”

 

Dhanka kale waxa ay sheegeen in heshiiskii 17 September uu yahay xalka Siyaasada iyo Arrimaha doorashada Soomaaliya.

 

“Waxaan mar kale ku celineynaa in heshiiskii 17 Sebtember uu yahay qaabka kaliya ee lagu heshiiyey ee doorashooyinka waxaana ku boorrineynaa in si deg deg ah ugu laabtaan wada hadalada ku saleysan arintaas.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here