Hargeysa(Hubaal)-Beesha Maxamed Ismaaciil oo ka mida Beel weynta Isaxaaq Carre ayaa maanta kulan balaadhan oo ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa waxa ay ku doorteen Musharaxii ku matali lahaa Doorashada Golaha Wakiilada ee Dhawaanta la filaayo inay dalka ka qabsoonto
Beeshan oo ah Beeshii u codaysay Xidhibaankii ugu Codka badnaa Doorashadii Golaha Deegaanka ee dhawaanta Dalka ka dhacday ayaa sidoo kale waxa ay kulankoodan maanta kusoo xusheen Eng.Jamaal Aadan Diiriye oo kamida dhalinyarada Aqoon-yahanka ah ee Beeshan kasoo jeeda
Kulankan maanta ee Beeshu ku dooranaysay Musharaxan ayaa waxa ka soo qayb-galay dhamaan qaybaha kala duwan ee Beesha sida Salaadiinta Cuqaasha ,Siyaasiyiinta ,Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beeshan oo ay ka mid ahaayeen Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ,Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Warsame Chief Caaqilka Guud ee Beesha Bariga Hargeysa Chief Caaqil Maxamuud Cheif Caaqil Maxamed Cheif Caaqil Xaaji Xuseen ,Caaqil Cali Khaliif ,Caaqil Cabdi Faarax Yuusuf ,Caaqil Jaamac Cabdi Ilka biciidle iyo Oday Axmed Giliniyo dhalinyarao iyo waxgarad kale oo tiro badan oo dhamaantood ka midaysnaa sidii laysku garab istaagi lahaa Musharaxan ay u Caleema saareen inuu Beesha ku matalo Doorashada Golaha Wakiilada ee dhawaanta la filaayo inay dalka ka qabsoonto
Madax-dhaqameedkii,Aqoon-yahankii iyo Wax-garadkii Beesha ee madashan ka hadlay ayaa dhamaantood ku dheeraaday isla markaana soo jeediyey sida ay ugu kalsoon yihiin Eng.Jamaal Aadan Diiriye Musharax ay ku kalsoon yihiin inuu kasoo bixi karo isla markaana u qalmo inuu noqdo Xildhibaanka Beesha ku mataalaya Golaha Wakiilada iyagoo isla markaa isku raacay inay la garab taagan yihiin taageeradooda iyo codkooda wax kasta oo ay ku tagaysaba