“Beeshayadu Meel Ay Ku Shirtay Oo Lagaga Hadlay In Madaxweynaha Mudo Kordhin Loo Sameeyo Ma Jirto Hadalka Buurmadow-na….”

0
31

“Beeshayadu Meel Ay Ku Shirtay Oo Lagaga Hadlay In Madaxweynaha Mudo Kordhin Loo Sameeyo Ma Jirto Hadalka Buurmadow-na….” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale

Hargeysa (Hubaal)-Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Madax Dhaqameedka reer Somaliland gaar ahaan Salaadiinta Beesha Madaxweyne Siillaanyo, ayaa Xaal ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Boqor Cismaan Buur-Madaw oo doraad sheegay in Beesha Madaxweynuhu ka soo jeeda ay qorsheynayso kuna heshiisay in Madaxweyne Axmed Siillaanyo mudo laba Sanno ah xilka loo kordhiyo, waxaanu hadalkaasi Boqor Buurmadaw ku tilmaamay Suldaan Siciid mid aan waxba ka jirin shacabka, Axsaabta Qaranka iyo Madax dhaqameedka Somaliland-na uu ka raaligelinaayo, maadaba oo sida uu sheegay aanay jirin meel beesha madaxweynuhu ka soo jeeda ay iskugu timid oo ku go’aamisay in mudo kordh loo sameeyo Md Siillaanyo.

Suldaan Siciid Yuusuf DucaaleShir Jaraa’id oo shalay ku qabtay Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu ugu horeyn sheegay in aanay jirin wax shir ah oo Beesha madaxweynuhu ka soo jeeda ay yeelatay iyo cid ka wada tashatay in mudo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siillaanyo, hadalka uu ka dhawaajiyey Boqor Buurmadawna uu yahay mid isaga u gaar ah oo ku eeg,

Suldaan Siciid Yuusuf DucaaleSuldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo arimahaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “Arinta iyada aheyd ee la sheegay in Beesha HabarJeclo la yidhaa Shirtay oo madaxweynuhuna uu la oga oo ay goosteen in laba sanno loo kordhiyo oo aanu dabadeed mar dambe isa soo sharaxin waa arin aan waxba ka jirin oo Habarjeclo shirtay ma jirto go’aan ay isla qaatay oo madaxweyne ku raacay ma jirto oo waa arin qaldan oo dalkana meel ka dhac ku ah oo dalka doorashaddiisa kordhintiisa iyo maamulkiisa Somaliland way ka gudubtay wax reer ah wax cid yar u soo gudbiso iyo wax beelaysi ah mudo fog ayey ka gudubtay waana wax muraayad ah oo cad inay maanta Afrika Somaliland baal dahab ah kaga jirto”

Suldaanka oo hadalkisia sii wata waxa uu yidhi “Waxa jira Koomishan qaran oo doorashooyinka ah waxa jira Baarlamaan waxa jira golle guurti oo waxa jira Saddex Xisbi qaran oo kuwaasi ayey shaqadooda tahay inay qabtaan kordhinteeda iyo doorashadeeda iyo ka shaqeynteedaba ee nooma taalo oo kamaanaan shirin kamana shiridoono , waa war cad oo suntan ,marka waxaan umadda Somaliland ka xaal siinayaa arinta muranka dhalineysa ee aanay cidi xaqa u la hayn in uu ka hadlo madax dhaqameed ee nabadgelyadda iyo isku duubnaanta ayaanu ka shaqeyna oo hadaanu madax dhaqameedka nahay aanu dalka u qaabilsa nahay ee siyaasadda uma qaabilsanin doonashana uma qaabilsanin oo iska horkeen umadda uma qaabilsanin, in aanu murginana uma qaabilsan umana qaabilsanaan doono, xisbiyadda hadii ay tahay shacabka hadii ay tahay iyo madax dhaqameedka hadii ay tahayb waxaan idiin sheegayaa in aanay jirin reer Shiray”

Hadalka Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, ayaa daba socday ka dib markii Isla Todobaadkan Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah Salaadiinta reer Somaliland uu warbaahinta ka sheegay inay beeshoodu ku fikirayaan in madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) laba Sanno loo kordhiyo isaga oo ku dooday in madaxweynayaashii ka horeeyeyba loo kordhiyey mudo xiloodkoodu markii u udhamaaday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here