Beeshii Uu Ka Soo Jeeday Madaxweynihii La Del-delay ee Ciraaq Oo Si Ay Meydkii  Saddaam Xuseen Uga Bedbaadiyaan Kooxda ISIS Dib U Soo Faqay, Meel Qarsoodi Ahna Ku Xabaalay

0
138

Sida waraysi uu bixiyay suldaanka beesha Bijaat ee uu ka dhashay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Sadaam Xuseen Al Tigriiti, uu ku shaaciyay, waxa ehelada iyo beesha uu ka soo jeeday ninkaasi ay dhawaan go’aansadeen in Maydkiisa ay si qarsoodi ah ugala baxaan xabaashii markii Maraykanku del delay lagu aasay, ka dibna ay dib ugu aasteen meel qarsoodi ah oo iyaga mooyee aanay cid kale ogayn.

Ninkan suldaanka u ah beesha Sadaam Xuseen ka dhashay ayaa waraysi uu siiyay jariirada Guardian ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, waxa uu ku sheegay in beeshu dareentay cabsi soo waajahday xabaalaha sidaa awgeed ay isla garteen si aan dhibaato u soo gaadhin in ay ku aasaan meel ay iyaga uuni og yihiin.

u3Ninkan odayga ah oo ay jariiradu ka gaabsatay magaciisa inay xusto ayaa isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Beel ahaan waxa aanu dareenay cabsi soo waajahday xabaasha Sadaam Xuseen, ka dibna waxaanu isla garanay in meel kale aanu ku aasno, oo waxaanu si qarsoodi ah uga saarnay xabaashii hore aanu ugu aasnay, Markii Maraykanka iyo dawlada Ciraaq noo soo gacan galiyeen, ka dib markii la del delay, sideed bilood ka hora ayaanu sidaa samaynay, runtii cabsidii aanu qabnay waxay dhacday dhawaan, markii kooxo maleeshiyooyin ahi dab qabadsiiyeen qabriga, laakiin wuxuu ahaa meel madhan.” Ayuu yidhi ninkaas Suldaanka ahi.

Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Sadaam Xuseen Al Tikriiti, ayaa bishii December ee sanadkii 2006-dii ay del delaad ku fuliyeen, Maraykanka iyo xukuumada Ciraaq, wakhtigaas oo la sheegay in lagu helay ama loo dilay dilka 148-qof oo sanadkii 1982-dii la sheegay inuu ku dilay koonfurta dalka Ciraaq.

Ka dibna waxa lagu aasay guri uu sideetamaadkii qarnigii hore ka dhistay magaaladii uu ku dhashay ee Tikrit, halkaas oo uu hore ugu talo galay inuu noqdo maqaam diini ah oo lagu qabto xuska Mawliidka dhalashada Nabiga (NNKHA) iyo munaasibadaha diiniga ah, waxaanu ku jiray xabaashaas ka hor intaan laga saarin sida uu suldaankiisu sheegay.

Suldaankan ayaa ugu danbayntii sheegay in aanay qoyskiisa hoose iyo tafiirta Sadaam Xuseen aanay ka qayb galin, xabaal ka saarista, taas oo sababo ammaan awgeed u dhacday balse ay siiyeen tilmaanta goobta danbe ee ay ku aaseen, si looga badbaadsho kooxaha xabaalo weerarka ah ee ka dilaacay dalka Ciraaq.

53e2680b611e9b9e6f8b459d

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here