BERBERA: Ayaan Daran, Bagaa Loo Hiiliyey

0
43

Marka la saaro qiyaasaha caalamiga ah ee magaalo lagu qiimeeyo, Berbera waxa ay noqon laheyd magaalada kaalinta koowaad gasha dalkeena. Waxa ay aheyd in ay noqoto magaalada dadkeedu shaqooyin fiicfiican wada heystaan, oo caruurtooduna, tacliinta heer fiican ka gaadhaan, oo shaqaalaha ka shaqeeyaana ay yihiin kuwa uugu mushaharka badan. Waxa ay noqon laheyd meesha guryeheedu uugu kiro qaalisanyihiin ee dhulkeedana aan la goyeen qiimihiisa. Waxey iney noqoto magaalada uugu heer nololeed sareysa. Ayaan daran Berbera, wax kasta waxa ay yihiin cakiska. Waa magaalo umadda ku nooli dulmantahay oo shaqooyinka u sareeya ee la majeertaa ay yihiin xamaalis. Waa magaalo caruurta iyo reeruhu ay habeenkii seexdaan waddaooyinka kuleyl awgeed, maadama aaney awood u laheyn iney iska bixiyaan leydh ay qaboojiye ku shitaan. maxamed cali bileWaa magaalada dadka lacagta leh ee dalkeenu ay xoolaha ay ka macaasheen ay kala soo degeen,  balse aanu midkoodna dib wax u gelin. Waa magaalada xataa ka u dhashey ee woxoogaa hela ama shaqo wanaagsan ku heystaa uu caruurtiisa geeyo ama Hargeysa ama Burco ama Sheekh. Waxan xasuustaa xilli caruurta magaalada Arabsiyo wax ku barataa ay libinlaab ka badnaayeen caruurta Berbera iyo nawaaxigeedda wax ku barata oo dhan oo la isku daro. Sidaasooy tahay, dadka reer Berbera waxa u dheer, aflagaaddo iyo hagar daamo lagu hayo oo la leeyahay magaaladii ayey dhexda ku marteen oo cid kale wax uuma ogolaa.  Muddo iminka laga joogo 20 sanadood ku dhawaad, ayaa magaalada Berbera loo doortey Maayar la odhan jirey Cabdalle Xaaji Cali. Markii la magacaabey ayuu maalin iigu yimid xafiiskeyga Hargeysa, waxaanu igu yidhi, Berbera iigu kaley barnaamij weyn ayaan magaalada rabaa inan ka fuliyo, dadka an rabo iney wax igala qabtaan ayaan kugu xisaabsadey. Markaan Berbera uugu tegey bil dabadeed, ayaan Maayarkii uugu tegey xafiiskiisa. Xafiiska maayarka Berbera waxa uu u eegyahay xafiiska maayarka Hargeisa, oo waa daar yar oo dhagax ah oo inmgiriiskii dhisey. Markaan dushii fuuley ee an albaabka xafiiska maayarka istaagey, intii xogheyntu u soo sheegeysey inan sugayo, ayaan arkey saqafkii barandaha oo ku dhow inu soo dhaco. Birtii shubka ku jirtey ayaa inta ay daxaleysatey, dhammaatey oo saqafkii waxa lagu qabtey bir tiir ah oo ah sakhaaladda marka daarta la shubayo lagu qabto. Birtu waxa ay heysaa saqafkan kala dhacayaa si aanu dadka uugu soo dumin. Markaan Maayar Cabdalle u galey ee an cabbaar sheekeysanney ayaan ku ballaney inaan galabnimada gurigiisa wada fadhiisanno. Galabnimadii markaan u tagney, ayuu maayarkii na tusey barnaamij 5 sanadood ah oo uu la damacsanyahay inu magaalada Berbera kaga dhigo caasimad iyo magaalo hore u martey. Cabdalle oo xiligaa hayey niyad aad u weyn, ayna ka muuqatey iney ka go’antahay inu magaalada isbedel weyn ku sameeyo, ayaa nala wadaagey qorshe cilmiyeysan oo muujinaya waxa uu doonayo inu sanad walba ka qabto Berbera, halka uu miisaniyad uuga helayo iyo dadka uu u baahanyahay iney la shaqeeyaan. Wuxu na weydiiyey, inaan u soo xulno dadkii la shaqeyn lahaa, gaar ahaan waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo laamaha kaleba. Waxa an markiiba u soo qabtey Alla Ha U Naxariiste Cabdi Cabdilahi (my dear) oo an ku idhi ninkaasi Guddoomiyaha Waxbarashada ee Berbera ka dhig, waanu ka dhigey markii danbe. Maayar Cabdalle oo xiliyadaa ka yimid Mareykanka oo weliba wax ku soo bartey jaamacadda Berkley oo ah kuwa uugu magaca iyo aqoonta roon dalkaasi, waxa uu u muuqdey nin Berbera caasimad ka dhigaya. Woxoogaa degdeg ihi wey ku yara jireen, balse wuxu u muuqdey nin daacad ah oo dedaalaya. Waxa uu sigaarka iyo Jaadka magaalada soo gala saarey cashuur dheerad ah oo lagu bixinayo kharashka ku baxa caafimaadka iyo waxbarashada maadama ay labaduba keenaan cudur iyo kuddaafad. Markii ay qiyaastii laba sanadood ka soo wareegtey ayaan Berbera tegey oo an xafiiska uugu tegey maayar Cabdalle. Intii xogheyntu u soo sheegeysey inan sugayo, ayaan kor eegey, mise weli waxa meesha ka taagan birtii sakhaaladda aheyd ee heysey saqafka soo dhacaya oo weli meeshii wey daroorimeyneysaa. Markaan Cabdalle u galay ee an cabbaar sheekeysanney ayaan ku idhi, saaxiib waan arkaa oo malaha arimuhu sidii ad qorsheyneysey wey noqon waayeen. Kaftankii ayaan u raaciyey, waatan weli birtii kaa hortaagan. Waxan ballaney in an galinka danbe guriga uugu tago oo an wada fadhiisanno. Markaan gelinkii danbe la fadhiistey ayuu igu yidhi, magaaladan Berberi wey ayaan darantahay. Wixii ad ogeyd iyo wixii qorshe ahaa ee an sameyney in yar ayaa ii hirgashey oo an ku guuleystey, intii kale, wey socon weydey. Wuxu yidhi, Berbera iyo umadda u dhalatey waxa ay kuligood ku mashquuleen, ilaa 4 xil oo in wax isu wada ihi heyso oo kolba 4 taa hayaa uun lagu maqanyahay sidii meesha looga qaadi lahaa. Afarta mas’uul ee xilalkaa hayaana waxa ay iyaguna shaqadoodu tahay iney ku dedaalaan sidii ay xilalkaa u sii heysan lahaayeen. Umadda oo dhami waxa ay ku mashquushaa Maayarka, Maareeyaha Dekedda, Kastamka iyo wax sidaas ah. Wuxu yidhi markaan in yar fadhiyaba qof ayaa ii soo gala oo yidhaa, Xaaji hebel iyo hebel kale ayaa iminka Hargeisa u kacey. Wuxu yidhi, waa la wada ogyahay in xaajigaa iyo kaa kale ee la socdaa ay Hargeysa u tegeyaan olole afartan mas’uul mid ka mida xilka looga qaado oo qof kale loogu dhiibo. Marka warkaa la ii sheego ama maareeyaha dekedda loo sheego, ayaanu anana ka daba gaadhiga ka daba cabbeysanaa si aaney madaxtooyada nooga dheereyn oo aan madaxweynaha la noogu dirin. Haddii kalena waxa an la hadlaa odayaal kale oo Hargeysa jooga oo an ku nidhaa, hebel iyo hebel ayaa maanta soo baxee, bal ka warhaya dhaqdhaqaaqooda. Shaqadayadiiba waxa ay ku soo ururtey iska difaaca dad Berbera u dhashey oo xilalkan uun kala riixanaya. Magaaladda Berbera iyo magaalada Cadan ee dalka Yemen, labadaba ayaan darro weyn ayaa ku dhacdey. Waa laba magaalo oo 70 sanadood horteed ahaan jirey kuwa uugu caansan Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe. Xiligaasi lama aqoon dekedda Dubai iyo dekedda magaalada Jeddah ee Sucuudiga toona, qiime ganacsi oo weyna mey laheyn. Shirkadda maraakiibta addunka caymisa (insurance) ee loo yaqanno LlOYD’S, xafiiskeeda bariga Afrika iyo Bariga dhexe uugu weyni waxa uu ku ooli jirey magaalada Berbera iyo magaalada Cadan 70 sanadood ka hor. Markabka Mombasa ka soo baxaya iyo markabka Liverpool ka soo baxayaaba ee badda cas soo maraya, waxa ay iska diiwaangelin jireen magaalada Berbera, iyaga oo lacagta caymiska ah ee ay badda ku marayaanna “money order” ku soo diri jirey oo ku soo shubi jirey Gridley’s Bank oo ah bangi caalami ah oo xiligaa Soomaaliland ku yaaley. Xiligaasi, dekedda magaalada Mombasa waxa ay aheyd deked heer hoose ah, halka ay Berberina la tartameysey dekedaha waaweyn sida ta ku taalla Hong kong iyo ta ku talla Antwerp. Berbera iyo Cadan iyo labadooda dekedoodba waxa ku dhacey khasaare weyn oo ay uugu wacneyd siyaasad xumo ay kula kaceen dawladihii Soomaaliya iyo Yemen ka jirey. Labada dalba waxa ka dhashey dawlado hantiwadaag ah oo ka soo horjeedey ganacsiga xorta ah. Taasi waxa ay keentey in shirkadihii iyo ganacsatadii waaweyneyd u wareegaan meelo kale sida Dubai, Jabuuti, Jeddah iyo Mombasa. Berbera oo xiliyadii Isticmaarka ingiriiska aheyd caasimaddii Soomaaliland ee uugu horeysey, waxa ay isu bedeshay kharaabado. Waxa ay noqotey magaalo dadkii ganacsatada ahaa ee degenaan jirey ay ka guuraan. Ka sakow khasaaraha dhaqaale ee hoos u dhaca dekedda Berbera soo gaadhsiisey dalka, waxa dheer, sida dekeddaasi ay u mashquulisey dadka magaaladaa Berbera ka soo jeeda. Waxa dadkii magaalada looga dhigey sidii oo nimcadii dunidu fadhido meesha. Waxa odayaasheedu ku mashquuleen 25-kii sanadood ee la soo dhaafey, hadba iney madaxweynaha jooga kala hadlaan cidda dekedda loo dhiibayo iyo cidda kastamka loo dhiibayo iyo cidda maayar laga dhigayo iyo cidda haamaha shidaalka loo dhiibayo. Waxa intaa u dheer, umaddii kale ee aan reer Berbera aheyn oo eed u soo jeedinaya, oo sawirka u dhigaya in reer Berbera ay nimcadii dalka dadkii kale ka xigsadeen. 70 sanadood ka hor iyo muddooyinkii ka danbeeyey, hoggaamiyayaasha iyo aqoonyahanka dalka waxa si fiican uuga dhex muuqdey dadka deegaan ahaan ka soo jeedda Berbera illaa Sheekh oo u badnaa dad wax bartey, dadka wax hoggaamiya, aqoonyahanka iyo dadka xadaaradda ku abtirsada. Wax harqadda hoggaamiyenimo ku abtirsada waxa u danbeeyey Alla Ha U Naxariistee Xaaji Bursade iyo Ina Cigaal. Dabadood, dad la sheego oo Berbera ka soo jeedaa wey yaryihiin, waayo magaaladii dadku ku kori lahaa ee uu ku aflixi lahaaba ma jirto. Dib u dhaca noocaas ahna waxa keeney iyada oo Berbera noqotey maagalo loo shaqo tago oo lacag laga soo urursado balse aan waxba dib loo gelin. Laba sanadood ka hor mar an tegey oo an habeenimo magaalada gaadhi ku dhex marey waxa an ku sigtey inaan jiidho boqolaal dad ah oo inta ay guryihii ka soo baxeen, jiifa waddooyinka oo u badan dumar iyo caruur, sababtoo ah, kuleyl awgii oo aqaladii lala seexan kari waayey. Dhaqaale ay leydh qaboojiye u shida ku gashadaanna dadku ma heystaan. Midmidka ladan ee Berbera ka shaqeysta ee wax ka soo galaanna, reerkiisa waxa uu dejistey Hargeisa iyo Sheekh oo waxba kamey gelin cidii waddo seexaneysa. Qof magic leh oo Berbera ku abtirsada amah ore uugu abtirsan jirey oo caruurtiisu Berbera ku nooshahay ma jiro ama yaryahay. Caalamka waxa uugu qiimo sareeya magaalooyinka badda saran haddii ay noqoto, guryaha iyo haddii ay noqoto mushahaarooyinka laga bixiyaba. Nasiib darro Berbera waxa ay noqotey magaalo habaar ku dhacey oo taariikhda uun lagaga sheekeeyo. Ka sakow hoos u dhaca ganacsiga, waxa iyana qiimo beeley dhulkii iyo daarihii magaalada. Kuwii dhisnaa cidina wey kireysan weydey, kuwii iibka ahaana waxba wey goyn waayeen. Ganacsade 30 albaab ku leh magaalada Berbera ayaa ii sheegey in kirada uu ka helo 30 albaab oo Berbera uu ku leeyahay ay ka yartahay kirada ka soo gasha hal aqal oo uu ku leeyahay magaalada Hargeysa. Wuxu ii sheegey in aqaladiisa qaarkood loogu jiro 20 ama 30 Doolar bishii. Adeegga kale ee bulshada ee magaalada Berbera wey liidataa, waayo dadka intii liidatey uunbaa iskugu hadhey. Magalada dadkeedii sidaa uugu dayacanyahay, ayaa weliba ay u dheertahay eed ah in Berbera ay dad gaar ihi sheegtaan. Waa dhab oo meel walba dadka intii Ilaahey ku abuurey ayaa degen oo ka talisa, balse, nasiib darro, Berbera magac mooyee, wax manfac ah dadkeedu kuma qabaan dekedaasi. Markii uu soo baxey warka ah in dawladda Soomaaliland iyo Dubai ay wada galeen heshiis ku saabsan maamulka dekedda Berbera, waxa soo baxay in ummadda in badani jeceleysteen heshiiskaa, sababta oo ah rajo laga qabo malaha Dubai waataa hore u martee, haddii ad wax wada qabsataan sidaa ay iyaba dhaqaaleheedu u guuleystey ayey idinna faa’iido idiin keeni. Xisbiyada muraaridka ihina in badani wey ka soo horjeesteen heshiiskan. Diidmada mucaaridku marna kuma fadhido nidaam dhaqaale ama sharci ama siyaasadeed, balse waxa ay ku soo ururtey dilaal ayaa laga qaatey iyo xaqal qalin ayaa laga heley. Xaqal qalinka la sheegayo lamaba qarin ee waxa la yidhi 15 malyuun oo doolar ayuu ahaa, sida loo kala isticmaalayana waaba la sheegey. Ka sakow xaqal qalinka, anigaaba huba in dilaal la kala qaatey. Arin noocan ah bilowgeeda dad ayaa gala oo xafiisyo u furtey oo afka qalaad lagu yidhaa “Lobbyists” oo dilaalkeena oo cilmiyeysan ah. Iyaga ayaa isu soo shukaamiya labada dhan oo mid walba ka soo dhaadhiciya faa’iidada arinkaa ugu jirta. Muddo ayey arinka ka soo shaqeeyaan oo ay u kala dab qaadaan labada dhan. Waxa iyana meesha soo gala xafiisyo sharci “lawyers” oo ay labada dhanba kala tashadaan cawaaqibka arintaasi keeni karto. Xafiisyadaa sharci yaqaanada iyo dadkaa dilaalaiinta ihi hadba sida uu heshiisku u dhaco ayaa wax loo siiyaa. Labada dhanba waxbey ka helaan. Maaha wax tuugo ah, balse waa wax sharci ah. Heshiis sidan ah oo caalami ah haddii la gelayo, waxa an ku qiyaasi karaa in xafiisyada sharci iyo kuwa dilaalka ahba ay qaadan karaan 3% illaa 5% qiimaha heshiiska. Intani wey ka yartahay dilaalka uu qaato qofka guri kuu soo kireeya ama dhul kuu soo iibiyaa. Waa taas, oo inta la cilmiyeeyey lana shariciyeeyey xafiisna loo furtey. Haddii ad maqasho Mucaarid ku doodaya, dawladda ayaa lacagtii cuntey, waa istaraatejiyad la yidhaa BUSAARAD MAAL, oo dadka gaajeysan lagu kicinayo. Haddaad maqasho dawlad ku doodad nabadda hala ilaaliyana waa isteraatejiyad loo yaqaan BAQO MAAL oo dadkii lagu baqdin gelinayo oo si dadban loo leeyahyay mucaaridka haddaad taageertaan mar kale ayeydin qixi doontaan. Labadaa midna lama dhageysto. Dubai dan kama laha cashuurtan yar ee afarta Markab laga qaado. Intaasi xagooda lacag kama aha. Iyagu waxa ay ka fikirayaan mustaqbalka fog iyo in ganacsiga Afrika gaar ahaan itooboya uu ku xidhmo Berbera oo badaacadda Dubai ka timaadda ay gasho Itoobiya. Taasi inaga waxa ay inoo keeneysaa, ganacsiga oo inoo hagaaga iyo shaqooyinka oo bata. Waxa kale oo ay inoo keeneysaa inaan wax la qabsano umadaha kale gaar ahaan kuwa guuleystey oo aynaan ku habsaamin la xintanka Soomaaliya.

Maxamed Cali Bile

 qorane.bile@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here