Hargeysa (Hubaal) Magaalada dekedda ah ee Berbera ayaa ganacsatadu waxay gebi ahaanba albaabada u laabeen meheradihii ganacsiga iyagoo ka cabanaya sicirbarar beryahanba saameeyay nolosha guud ee dadweynaha Somaliland. Shiliinka somaliland ayaa qiimo dhac weyni ku yimid labadii bilood ee ugu danbeeyay. Halkii doolar ayaa maanta maraya 8400 oo shilinka Somaliland ah, halkii uu ka ahaa 7300. Xuseen Cawil Cabdillaahi oo ah nin ka ganacsada magaalada Berbera ayaa BBC u sheegay in meheradaha ay xidheen ay ka kooban yihiin bakhaarada cuntada , dukaamada tafaariiqda iyo suuqyadii kale.
Wuxuu sheegay in sababta sicir bararka keentay ay tahay iyadoo bangiga Somaliland uu suuqa ku soo daayay lacago xad dhaaf ah oo shillin ah. Dhinaca kalena guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera, Jamaac Yuusuf ayaa BBC u xaqiijiyay meheradaha ganacsiga berbera ee ganacsatii xidheen iyo mudaaharaad cabasho ah oo dadweyne la hortageen xafiiska maamulka gobolkaaasi.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in dadweynaha banaabaxayay uu u sheegay in xukuumaddu ay si degdeg wax uga qabanayso arrinka sicirbararka oo golaha wasiirada ee Somaliland maanta shir degdeg uga fadhiyaan .
Magaalada Hargeysa dadweyne aan badneyn ayaa iygana maanta isugu soo baxay suuqa gobanimo iyagoo ka cabanayay sicir bararka .
Sicir bararka waxaa si gaar ah uga cabanaya dadka danyarta ah ee shaqaalaha ah mushahaaarkana ku qaata shillinka Somaliland.
Sicir bararka saameeyay nolosha dadweynaha Somaliland ee magaalo iyo miyiba waxa uu ku soo beegmay iyadoo abaar baahsani ka jirto halkaas oo gurmad lagu jiro. hore ayay xukuumaddu ugu saartay guddiga furdaaminta sicir bararka laakiin ma muuqato xal ay ka gaadheen.
Xigasho: bbc