Berbera(Hubaal):- Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee magaalada Berbera, ayaa maalinta afraad ee ololaha Xisbigaas oo Maanta dalka oo dhan laga oogay, waxay muujiyeen Wacdaro iyo Dhoolla-tus cajiib ah, iyaga oo Musharrixiinta iyo Masuuliyiinta Kulmiye-na ka dhegaystay Khudbado ay uga jeediyeen Fagaaraha Khayriyada ee magaaladaas.
Dhoolla-tuskaas Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ka oogeen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil iyo Masuuliyiinta iyo Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi ee isu-soobaxa Taageerayaasha Berbera kala qaybgalay, waxaynu soo qaadanaynaa Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagu khudbad dheer halkaas ka jeediyey, waxaannu Nuxurka Khudbaddiisu xambaarsanayd iyadoo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-